Maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo wareeggii koowaad ee doorashada ku doortay 14 xubnood oo ka tirsan Aqalka Hoose

8 Nov 2016

Maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo wareeggii koowaad ee doorashada ku doortay 14 xubnood oo ka tirsan Aqalka Hoose

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay caasimadaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Maamul kasta ayaa doortay toddobo xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka – oo ah magaca rasmiga ah ee loo yaqaanno aqalka hoose ee baarlamaanka. Xubnaha cusub ayaa lagu doortay doorasho ay mas’uuliyiinta doorashada, kor-joogeyaasha iyo ergada kooxaha doorashada ku tilmaameen in ay ahayd mid nabad ah oo si fiican loo soo qabanqaabiyey.

“Wajiga koowaad ee doorashooyinka wuxuu ku dhacay si habsami leh. Ma jirin wax caqabad ah, hannaankuna wuxuu maanta ku soo idlaaday si nabdoon. Waxaan gaarnay himilooyinkii aan maanta ugu talagalnay,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Mursal, guddoomiyaha Guddiga Heer Gobol ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban.

Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo doortay Golaha shacabka sanadkan markii ay ku guuleysatay kursi Koonfur Galbeed oo ay si gaar ah ugu loollamayeen musharraxiin haween ah.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale ka mid ah toddobada mudane ee lagu doortay codayntii maalintii koowaad ka dhacday Koonfur Galbeed. Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo wadartoodu dhan tahay 69 ayaa laga soo dooran doonaa Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in geeddisocodka doorashada 2016 uu ka dhigan yahay tallaabo loo qaaday jihada ballaarinta ka-qayb-galka siyaasadda Soomaaliya.

“Kal hore, hal qof oo kaliya ayaa dooran jiray wakiilka, maanta 51 ergo ayaa dooranaysa hoggaamiyaha dookhooda,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, isagoo ula jeeday tirada ergada ka tirsan koox doorasho kasta ee u codaynaysa musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Ammaanka goobaha doorashada ayaa aad loo adkeeyey, waxaana ilaalinayay ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo askar ka socotay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

“Shaqadeenna waa ilaalinta doorashooyinka ka socda Koonfur Galbeed. Si habsami leh ayay hawshu noogu dhammaatay maanta. Waxaan shaqeynaa habeen iyo maalin si aan u xaqiijinno doorasho aanay wax dhibaato ah dhicin,” ayuu yiri Kornayl Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo ah xubin ka tirsan Guddiga qaabilsan Ammaanka Doorashooyinka ka socda Baydhabo.

Sidoo kale Kismaayo, hannaanka doorashada 43-da xubnood ee aqalka hoose uga qoondaysan Jubbaland ayaa sidoo kale ku billowday si dhibaato la’aan ah. Saddex ka mid ah toddobada musharrax ee loo doortay Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Jubbaland waa haween.

Guddoomiyaha guddiga heer gobol ee hirgelinta doorashooyinka dadban u qaabilsan Jubbaland Cali Raage ayaa ku tilmaamay geeddisocodka doorasho ee sanadkan dhacdo muhiim u ah Soomaaliya.

“Waa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya Reer Jubbaland ay u codeynayaan doorasho xor iyo xalaal ah. In kastoo aanay ahayn doorasho qof kasta uu codeynayo, waxay tallaabo wanaagsan oo horey loo qaaday u tahay Soomaaliya iyo dadka Jubbaland,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga.

Xubin ka tirsan ergada doorashada Jubbaland ayaa sheegtay in ay codkeeda si xor ah u siisay musharraxa ay doorbidaysay.

“Waa markii ugu horreysay noloshayda oo aan ka qeybgalay doorasho noocaan oo kale ah, waxaan codkayga siiyey shakhsigii aan is oranayay wuu u qalmaa codkayga,” ayay tiri Abshiro Maxamed Cabdi.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa dhowrka maalin ee soo socda ka sii socon doonta Dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle weli ma aanay billaabin doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Muddada uu socdo hannaanka doorashada 2016, waxaa la dooran doonaa xildhibaanno wadartoodu dhan tahay 275 xubnood oo ka mid noqon doona Golaha Shacabka.