Guuto Ciidamada QM ee Ugandha ee Soomaaliya oo u dabaaldegay shaqo wanaagooda

26 Jun 2016

Guuto Ciidamada QM ee Ugandha ee Soomaaliya oo u dabaaldegay shaqo wanaagooda

Guutada Ciidamada Ugandha ee QM ee Soomaaliya ayaa u dabaaldegay shaqo-hufnaantooda. Ciidamada ayaa la gudoonsiiyay billad-sharaf iyo shahaadooyin xaflad uu ka soo qeyb galay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

“Ka Shaqeynta halkan ka QM ahaan nooma fududaateen haddii aydaan adinku suurageliseen, waxaan si kal iyo laab ah idinku bogaadinayaa, idinkana mahadcelinayaa shaqada aad heysaan” ayuu ka yiri SRSG Keating,  xaflad lagu maamuusayay ciidamada.

Ciidamada ilaalada Qaramada Midoobay ayaa dhammestay waajibaadkooda shaqo oo muddo sanad ah u adeegayay holgalka ilaalinta QM.

“Waxaan qorsheeynayaa in aan aado Kampala oo aan u sheego madaxweynaha Ugandha, Taliyaha ciidamada, siyaasiinta iyo madaxda sida aad muhiim noogu tihiin aniga oo ugu mahadcelinaya adeegga aad noo heysaan. Aad ayaad ugu mahadsantihiin shaqadiina wanaagsan” ayuu raaciyey hadalkiisa Mr. Keating.  

Ciidamada ilaalada QM ayaa hawshoodu tahay ilaalinta shaqaalaha Qaramada Midoobay ee rayidka ah iyo xerooyinkooda ku yaalla Soomaaliya.

“Billad-sharaftan ayaa fursad iisiinaysa inaan usii shaqeeyo QM. Waxan rumeysnahay inay albaabo badan ii fureyso,” ayuu yiri Sarkaal Caafimaad, Sergeant Harriet Nanono,  oo ay kalsooni ka muuqatay.

Waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay waxa ay noo qabatay, ma sahlana in bilad lagu siiyo illaa aad shaqo adag qabato” ayay si raynrayn ah u tiri Corporal Ojera Dennis.

Xaflad abaalmarin ah oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho taas oo ay ka soo qeyb galeen ku xigeenka gaarka ah ee Wakiilka  Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Marwo Lydia Wanyoto iyo Kusimaha Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Major General Nakibus Lakara.