Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka shaqaynaya ajendaha nabadda iyo hormarka iyagoo adeegsanaya fikrado cusub
Muuqaalada soo jiidashada badan ee dhalinyarada rag iyo dumarba leh ee xidhan funaanado, madaxana ku wata maro cas oo nadiifinaya burburka soo gaaray goobta qaraxii 14-ka Oktobar ka dhacay Muqdisho waxaa ay niyad-dhis u ahayd dadka ay dhibbaneyaasha qaraxaasi foosha xun ee argagixisada ah ee lala beegsaday shacabka aan waxbo galabsanin.
Dhalinyarada ragga iyo dumarkaba leh oo iskugu yimid kooxda dalladda “Gurmad Qaran” ayaa iskooda iskugu xilqaamay howgallada raadinta iyo gurmadka, waxaa ayna sidoo kale u hormuud ka ahaayeen ol’ole dhiig loogu shubayo dadkii uu dhawaac ka soo gaaray qaraxaasi oo ilaa in ka badan 300 oo qof ay ku naf weysay.

“Waxaa aan ka kala nimid qaybaha kala duwan ee Muqdisho si aan gacan u siinno dadka u baahan iyo si aan u garab istaagno walaalaheenna uu saameeyey qaraxani,” ayuu yiri Abdiwaasac Idriis Jeele oo ah asaasaha iyo Madaxa Fulinta ee hay’adda Somali Youth Civic Organization.

Isku-duubnaanta ay in ka badan 200 oo dhalinyaro ka muujiyeen goobta qaraxa ayaa daliil u ahayd in sanado badan oo dayacaad iyo garbin ah kaddib ay dhalinta Soomaaliyeed diyaar u yihiin in ay si firfircoon uga qayb qaataan nabadda iyo barwaaqada waddanka.
“Falkani wuxuushka ah ayaa na mideeyey. Ka Soomaali ahaanna waxaa aan u baahannahay in aan sii wadno isku duubnidaasi iyo in aan dib u dhisno waddankeenna,” ayuu ku daray Cabdiwaasac.


Inkastoo dalka ay ka jirto shaqo la’aan ba’an, iyo caqabado mid bulsho iyo mid dhaqaale ayaa haddana dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay dafirayaan carqladahaasi iyagoo la imaanaya fikrado cusub oo ay ugu talagaleen horumarinta nabadda iyo xasilloonida bulshadooda iyo sidoo kale xaqiijinta in Soomaaliya ay ka soo kabsato saamaynta raagtay ee uu ku yeeshay dagaalkii sokeeye.
Waxaa kuwa fikradahaasi ku howlan ka mid ah Cawil Cusmaan Cabdi, mid ka mid ah asaasayaasha iRise oo saldhigiisu yahay Muqdisho taasi oo ah xarun tiknoolojiyad ee ugu horreeysay oo waddanka laga hirgeliyo. Waxaa ay shirkaddu la timaaddaa barnaamijyo lagu taabagelinayo dhalinyarada dumarka iyo ragga si ay xal ugu raadiyaan dhibaatooyinka ka jira waddanka.

“Hadafkeenna ugu weyn waa in aan kobcinno awoodda tiknoolojiyadeed ee Soomaaliya si aan u gacan-qabanno dhalinyarada. Waxaa aan sidoo kale kor u qaadnaa xirfadahooda ganacsi si ay u noqdaan ganacsato oo ayna u samaystaan ganacsi iyaga ay leeyihiin iyagoo isla markaana iyaga laftooda iyo kuwa kaleba shaqo abuur u samaynaya,” ayuu yiri Cawil.

Shaqo-u-abuurista tirada dhalinyarada ee waddanka oo soo badaneysa ayaa ka mid carqaladaha ugu weyn ee heysta Soomaaliya. Sida lagu xusay Baaritaanka Qiyaasta Dadka ku nool Soomaaliya oo ay qaaday Hay’adda Qaramada Midoobay ee Sanduuqa Dadweynaha boqolkiiba 81.5 dadka ku nool Soomaaliya waa dad da’doodu ka yar tahay 35 sano.
Warbixinta Horumarinta Dadka Soomaaliya ee 2012-kii ayaa heerka shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed ku qiyaastay in ay gaareyso boqolkiiba 67. Warbixintu waxaa ay soo heshay in boqolkiiba 40 ka mid ah dhalinyarada un kaliya ay si firfircoon u raadsadaan shaqo iyadoo taasi ay keeneyso in qayb badan oo ka mid ah tirada dhalinyarada ay u nugul yihiin in ay raacaan kooxaha xagjiriinta ah.

Waa dhibaato ay wax ka qabaneyso Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Warshadaha (UNIDO) iyadoo kaashaneysa dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadaba.
Mashruuca ‘Daldhis’ ee UNIDO ayaa tan iyo intii la daahfuray horraantii sanadkani waxaa tabar xirfadeed loogu fidiyey dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo gaaraya ilaa 200 oo ka kala yimid maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Cabdisalaan Qaasim Salaad, Iskuduwaha Xafiiska UNIDO ee Kismaayo ayaa sheegaya in ujeeddada mashruuca uu yahay tababaridda iyo taabagelinta dhalinyarada si ay iskooda ugu shaqaystaan.

“Ujeedkeenna ugu weyn ayaa ah in aan kobcinno, taabagelinno oo aan xirfado siino dhalinyarada si ay marka ay dhammaystaan tababarka ay dib ugu laabtaan magaalada oo ayna u soo dhacsadaan quud maalmeedkooda. Waxaa aan tababarte kasta siinaa dhiirigelin sida taageero lacageed. Waxaa aan sidoo kale kuwa ugu firfircoon siinnaa xirmooyin qalab ah,” ayuu yiri Cabdisalaan.
Xassan Aadan Macalim oo 20 jir ah iyo Suleeymaan Cali Jeeylaani oo isna 29 jir ah ayaa ka mid ah ka soo qaybgaleyaasha mashruucani ay kaga faa’iideysteen xirfadaha alxanka iyo bira-tunka.

“Waxaa aan halkan imid aniga oo aan waxbo aqoon balse hadda waxaa aan ahay qof xirfadeysan. Waxaa aan dhammaan dhalinta Soomaaliyeed ku boorinayaa in ay ka faa’iideystaan barnaamijkani iyo kuwa la midka ah ee mustqabalka imaan doona”.

Tabarka shaqo abuurista ka sokoow, dhalinyarada ragga iyo dumarkaba leh ayaa mas’uuliyadda magaalooyinkooda dhabarka saaranaya iyagoo dib u soo celinaya damiirka lahaanasho ka dib tobaneeyo sano oo colaad ah. Iyagoo adeegsanaya rinji iyo buraash ayaa waxaa ay xubnaha Kooxda Farshaxanka Caqiila qurxinayaan caasimadda Muqdisho, waxaa ayna dadka deegaanka ka caawinayaan bogsiinta daqarradii ay geysteen dagaallada.
Waxaa ay ku guuleysteen in Bacaha Hesco ee madoobaa oo badanaa loo isticmaalo dhufeyska ay u beddalaan dhismooyin ay ishu qabaneyso iyagoo ku rinjiyeynaya sawirro dhir iyo xayawaanno ah oo ka turjimaya nabadda.

“Waxaa ay dadku mar walbo Hesco uu aaneeyaan colaad, amni-darro iyo qaraxyo. Laakiin marka ay arkaan kalluun iyo ubaxyo ifaya oo ku dul-sawiran dufeyska waxaa uu noqonayaa mid soo jiidasho leh iyadoo meesha ka saareysa fikirka colaadda. Indhaha ayaa ka helaya sidaa daraaddeed qofka qaraxyada iyo xabbadaha waa uu iska iloobayaa,” ayuu leeyahay Cabdiwahaab Xassan Cumar, 25 jir ka mid ah asaaseyaasha Kooxda Farshaxanka Caqiila.
Kooxda Farshaxanka Caqiila kaliya ma aha waxa holwha noocaasi wada. City Flowers oo ah shirkad dhalinyaro oo la asaasay 2016-kii Luulyo ayaa sidoo kale dowr muhiim ka ciyaareysaa dhisidda nabadda iyo horumarinta bulshada.
Kooxda, oo isticmaalaysa lacago tabarrucaad ah ayaa ku guuleystay qurxinta waddooyinka Muqdisho iyagoo ku rinjiyeynaya calaamadaha waddooyinka oo na ubaxyo ku abuuraya goobaha istaraatijiyadda ah.
Maxamed Xussein Xassan oo ah Guddoomiyaha City Flowers ayaa sheegaya in howlaha loogu talogalay qurxinta caasimadda iyo sidoo kale kobcinta isku-xidhnaanta bulshada iyo damiirka lahaanshaha waddanka.

“Howlaha waxaa ay dhalinyarada ka caawineysaa in ay mas’uuliyadda magaalooyinkooda qaataan iyagoo si durugsan ula shaqaynaya howlwadeenada kale,” ayuu xusay Maxamed.
Intaa waxaa dheer, City Flowers waxaa ay horraantii sanadkani qabatay tartan ciyaareed nabadda ah oo isku keenay boqollaal dhalinyaro oo ka kala yimid dhammaan 17-ka degmo ee Muqdisho.
“Kumannaan dhalinyaro ah oo hal dan leh ayaa isku yimid, taasi na waxaa ay ka caawineysaa in ay ka fogaadaan falal dembiyeedka, sidoo kale na waxaa ay bareysaa muhiimadda ay leedahay in ay ka tashtaan arrimaha magaaladoodda oo aynan dad kale ka sugin in ay xal u keenaan,” ayuu raaciyey Maxamed.

Sida dalal badan oo Afrikaan ah, dadka Soomaaliya ku nool waa dad yar oo dadaala. Sidaa daraaddeed fursadaha balaadhinta iyo horumarka waa kuwo miro dhal ah, waa haddii dowladda Soomaaliya ay raadiso qaabab ay wax ugu qaban karto oo ayna si wax ku ool ah ugu daabagelin karto.
Magaalada Beledweyne, Khadro Axmed Cabdulle oo 28 jir ah, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Dhalinyarada Hiiraan iyo saaxibaddeeda ayaa ku mashquulsan la imaatinka liis mashruucyo oo ay qorsheynayaan in ay hirgeliyaan si ay ugu faa’iideystaan dhalinyarada bilooyinka soo socda.

“Waxaa aan samaynay guddi howled isku dubarida howlaha horumarinta gobolka, waxaana dhaqaale iyo shaqaaleyaalba ka raadineynaa qurba-joogta, dadka deegaanka iyo maamulka gobolka”.
Tan iyo markii la asaasay hay’adda 2013-kii, waxaa ay caawisay ilaa iyo 2,000 oo qoys khaasatan xilliyadii ay jireen dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ay sababeen abaarta iyo daadadka soo noqnoqday.
Ururka waxaa ay fuustooyin biyo ah gaarsiiyeen qoysaska ay saamaysay abaarta ee ku nool Beledweyne, waxaa ayna sidoo kale magaalada ka dhiseen waddo 500 oo mitir ah. Sida ay sheegeyso Khadro, labada mashruuc waxaa ay fursado shaqo abuur u samaysay in ka badan 100 Dhalinyaro oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka.

“Waxaa sidoo kale lacagaha dugsiyada ka bixinnaa 25 arday, 10 waxaa aan ka bixinnaa lacagaha jaamacadda, 15 na waxaa aan ka bixinnaa dugsiyada sare si aan u wanaajinno mustaqbalka dhalinyarada gobolka Hiiraan”.
Baydhabo, Jamiila Xaaji Maxamed oo 26 jir ah, ahna Guddoomiyaha Ururka Mis-Hurty Alaathey ayaa waxaa ay sidoo kale bilowday mashruuc ay wax ku bareyso caruurta darbi-jiifka ah, iyadoo ay taasi ka timid dareenkeeda xooga leh ee ay ka aaminsan tahay muhiimadda ay waxbarashada u leedahay horumarka.
Dadaalkeeda awgeed, Jamiila waxaa ay dugsiyada maxalliga ah geysay saddex carruur oo ka yimid qoysas sabool ah.

“Labo ka mid ah ayaan lacagta dugsiga ka shubaa, halka midka saddexaad uu dugsi kafaalo qaaday. Ujeedadeyda ugu weyn waa in aan dhimo heerka aqoon-darro ee ay qabaan dhalinyarada si ay dalkani u badbaadiyaan,” ayay xustay Jamiila.
Halkaa iyo Koonfurta shishe iyo magaalada Kismaayo, Aamina Cabdi Cali oo 23 sano jir ah, ahna maskaxda ka dambeysay ‘Bar ama Baro’ ayaa ku dadaasha in hooyooyinka, kuwa yar iyo kuwa weyn ba ay wax bartaan.

Barnaamijka waxaa ay haweenka ku bartaan akhrinta, qorista iyo ka shaqaynta xisaabta kuwaasi oo loogu talogalay in lagu dhimo aqoon-darrada ba’an ee ka jirta Jubbaland.
“Waxaa aan billaabay barnaamijkani aniga oo maskaxda ku haya in waxbarashadu ay tahay qaabka kaliya ee aan ku kobcin karno nabadda, ku horumarin karno dalkeenna oo aana ku xaqiijisan karno in aan jihada saxda ah ku socono. Waxaa aan barnaamijkani u billaabay in ay ka faa’iideystaan yar iyo weynba, kuwaasi oo aan waxbarasho heli karin”.
Dadaalkeeda awgeed, in ka badan 300 oo arday ayaa waxbarasho ku biiray tan iyo bishii Luulyo, waxaa ayna hadda dhigtaan dugsiyada ku yaala qaybaha kala duwan ee magaalada.
Haddaan u soo laabanno Muqdisho, shirkadda iRise waxaa ay hadda jaamacadaha ka samayneysaa urruro tiknooloji kuwaasi dhowr dhalinyaro oo la soo xushay u abaabuli doontaa tababarro dhanka hal-abuurka iyo ganacsiga ah. Ilaa iyo hadda in ka badan 100 dhalinyaro oo ka kala socda jaamacado kala duwan ayaa ka faa’iiday tababarrada ay soo qabanqaabisay iRise.

Waxaa ay hadda Cawil iyo kooxdiisa jaamacadaha u qorsheynayaan munaasabad tartan hal-abuur. Waxaa la qaban doonaa ka hor dhammaadka 2017-ka, waxaana lagu soo bandhigi doonaa hal-abuurada ugu fiican.

Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsan tahay in dhalinyarada, ragga iyo dumarkaba ay yihiin howlwadeenno xoogan oo qayb ka ah shaqada hay’adda si nabad iyo horumar looga helo Soomaaliya.

Wakhti xaadirkan howlaha Qaramada Midoobay ee ku aaddan dhallinyarada waxaa ay ka kooban yihiin 40 milyan oo doolar oo lagu bixiyay lix arrimood oo mudnaanta la siiyay oo kala ah: 1. Shaqaaleynta iyo Ganacsiga; 2. Ilaalinta Xuquuqda iyo Ku lug-lahaanshaha arrimaha Madaniga; 3. Ka qayb-galinta Siyaasadda; 4. Waxbarashada; 5. Caafimaadka iyo 6. Nabadeynta.