Dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaaliya oo sare u kacay xiliga hannaanka doorashooyinka lagu guda jiray

Dukaanle mehraddiisa ku dhextirsanaya Shilling Soomaali, Kismaayo, 4-ta Diseembar, 2016.  QM Sawir

9 Dec 2016

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaaliya oo sare u kacay xiliga hannaanka doorashooyinka lagu guda jiray

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhaqdhaqaaqooda ganacsiga sare u kacay kadib markii ay faa’idooyin badan heleen xiligan lagu guda jiro hannaanka doorashooyinka ka socda dalka iyadoo hoteelada ay buux dhaafeen, shirkadaha daabacaadda ay dalab badan heleen iyo hay'adaha socdaalka ay la qabsan la’yihiin baahida tikidhada diyaaradaha iyo gaadiidka.

Sidoo kale waxaa hanaanka ka faa'iideysanaya ganacsatada yar-yar, beeralayda iyo milkiilayaasha xoolaha, kuwaas oo hadda ku faana dhaqdhaqaaqa suuqyada oo ay ku iibiyaan badeecadahooda, dalaga iyo xoolaha

Signjet, oo mid ka mid ah madbacadaha Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen koror dhanka ganacsiga oo keentay in shaqaale dheeraad ah ay shaqaaleysiiyaan isla markaana ay soo iibsadaan qalab dheeraad ah iyo xitaa baabuurta si ay u daboolaan baahida macaamiishooda.

Shirkadda Signjet oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa ku takhasustay daabacaadda boorarka, xayasiinta, fanaanadaha iyo calaamadaynta gawaarida.

Agaasimaha shirkadda, Cabaas Cali Axmed, ayaa sheegay in hannaanka doorashada ay ka faa'iideysteen ganacsiyo badan ka sokow daabacaadda.

“Doorashooyinka dalka oo dhan ayay wax badan ka bedeleen, ma ahan kaliya daabacadda,” ayuu xusay. “Waxay sameeysay dalka oo dhan ee qaybaha ganacsiga kala duwan sida hoteelada, muqaayadaha, gaadiidka iyo xitaa daabacaadda. Dad badan ayaa u yimid doorashada ama qayb ka ah hannaanka doorashada.”

Dhanka kale ee wadada ee bartamaha caasimadda, sheekada waa isku mid. Agaasimaha xiriirka dadweynaha ee Hay’adda socdaalka iyo saadka ee Daruuro Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in shirkadda ay ka tan badiyeen baahida loo qabo tikidhada duulimaadyada oo u duula gobollada kala duwan ee dalka.

Hay'adda ayaa ka jawaabtay baahida iyadoo la kordhiyay inta jeer ee duulimaadyada ka baxa Muqdisho oo aada Baydhaba iyo Kismaayo, halkaas oo codbixinta doorashooyinka kuraas ka badan 100 lagu qabtay ee Golaha Shacabka

"Dhamaan duulimaad waa ay buuxeen. Waxaan kordhinay duulimaadyada Kismaayo iyo Baydhabo, kuwaas oo ahaa shan duulimaad toddobaadkii. Haatan waa duulimaad maalin kasta ah, mararka qaar xitaa waxan sameynaa saddex ilaa shan duulimaad maalin kasta si loo buuxiyo baahida, "ayuu yiri Mr. Ali.

Hannaanka doorashada dhaqaalaha Muqdisho kaliya sare uma qaadin laakiin sidoo kale qaybaha kale ee dalka. Shirkadaha ka hawl gala Jubbaland, oo ahayd gobolka ugu horreeyey ee soo gaba gabeeyay kuraasta Golaha Shacabka bishii Nofeebar, hannaanka doorashada ayaa ahaa mid aad looga faa’iday.

Maareeyaha Hotel Kismaayo Mohamed Ibrahim Abdullahi ayaa saameynta ka dareemay heerka hoteelka macaamiishu ay u buuxiyeen inta lagu guda jiray codbixinta

"Hoteelka wuu buuxsamay, mana la kordhinin ijaarka. Si loo daboolo baahida macaamiisha, waxaan laba laabnay shaqaalaheena, "Mr. Abdullahi daray.

Abdullahi Rasulow waa mid kamid ah shaqaalaha dhawaan la shaqaaleysiiyay. "Waxaan ahaa shaqaale gaari gacan laakiin hadda waxaan leeyahay shaqo fiican. Waxan ahay ninka dhirta Hotel Kismaayo hagaajiya", ayaa xusay Rasulow.

Ganacsiga yar-yar ayaa sidoo kale la kulmay sare u kaca iibka.

"Hadda ka hor, ganacsigeyga ee adeegga cuntada ee makhaayadda wadada wuxuu ahaa mid isbeddela sababtoo ah macaamiisha ma ahayn kuwa la isku haleeyo. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii ay yimaadeen ergooyinka iyo saraakiisha dawladda, ganacsiga sare ayuu u kacay, "ayaa tiri Faadumo Maxamed Yare.

Geedi socodka doorashada ee Soomaaliya ayaa ka bilowday caasimada Galmudug ee Cadaado 15kii Oktoobar oo ku bilawday u codeynta 54-ka kursi ee Golaha Aqalka Sare. Doorashada 275ka xubnood oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ka bilowday caasimada Puntland ee Garowe 5tii Nofeebar.

Codbixinta ayaa lagu soo afjaray maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyadoo kuraasta weli haray ee Somaliland, Puntland, Galmudug iyo HirShabelle, iyo gobolka Banaadir  la go'aansaday  in la dhameystiro 8da Disembar.

Geedi socodka ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo doorashada madaxweynaha federaalka oo ay dooranayaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, oo hadda la qorsheeyay inay dhici doonto 28ka Disembar.