Dhallinyarada Soomaaliyeed oo si weyn iskugu soo baxay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka

13 Aug 2017

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo si weyn iskugu soo baxay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka

Kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku kala sugan daafaha Soomaaliya ayaa u dabbaaldegay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka iyaga oo ballan qaaday in ay ka shaqeeynayaan dhismaha nabadda iyo horumarinta xasilloonida iyo barwaaqada dalkooda.

Munaasabadaha waxaa lagu kala qabtay caasimadda Muqdisho iyo magaalo madaxda maamul gobolleedyada ee Garoowe, Kismaayo, iyo Baydhabo iyo meelo kale.

“Ujeedkeennu waxaa uu yahay in aan bulshada Soomaaliyeed tusno muhiimadda ay leedahay nabadda. Waa dhalinyarada kuwa isbaddel iyo horumar u keeni kara bulshada. Dhalinyarada waa wakiilada isbeddelka,” Cabdiwaasac Idriis Jeelle oo ah asaasaha Ururka Bulshada Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa yiri xilli ay socod nabadeed ku marayeen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada ayaa sidoo kale ka qayb qaateen barnaamijyo heeso iyo farshaxan iyo wada hadallo ay dirradda ku saarayeen sidii ay ka dhalinyaro ahaan uga qayb qaadan lahaayeen dhisidda nabadda, kaalintooda ku aadan horumarinta dimuqraadiyadda iyo meesha ay ka soo galayaan nidaamka garsoorka ee rasmiga ah iyo kan ku saleysan xeer dhaqameedyada.

“Waxaa aan dooneynaa in dhalinyarada hormuud ka noqdaan dadaalada loogu jiro nabadda. Waa in aan diidno dhiig daadashada, waa in aan cambaareyno colaadaha aana taageerno Dowladda iyo hoggaankeeda si waddankeennu hor ugu socdo oo uu horumar dhaqaale u gaaro,” ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ka yiri furitaanka kullan lagu qabtay magaalada Muqdsiho. Kullanka waxaa ka soo qayb galay 200 oo dhalinyaro.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo u ballanqaaday dhallinyarada taageerro buuxda ayaa ku boorriyay dhallinyarada in ay wax ka bartaan taariikhda ay ka tageen halyeeyadii Soomaaliyeed ee SYL kuwaas oo hormuud ka ahaa halganka loogu jiray in la helo Soomaaliya oo xor ah oona mideysan sanadaha u dhaxeeyay 1940 ilaa 1950.

“Waa in aan wax ka qabanaa wax soo saarka, amniga, waxbarashada iyo in aan shaqo abuur samaynaa. Laakiin waxaa un intaasi lagu guuleysan karaa haddii dhalinyarada iyo inaga oo dowladdii ah aan is taageerno oo aan wada shaqayn samayno,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay waddamada adduunka ee ay dhallinyarada ku badan tahay, iyada oo boqolkiba 80 oo ka mid ah 12-ka milyan ee tirada guud ee bulshada ay ka yar yihiin 35 sano. Soomaaliya waxaa ay si weyn ugu tiirsan tahay cududda dhallinyaradadeeda si ay u hirgeliso qorshaheeda dib u dhiska iyo kabsashada.

Qaramada Midoobay waxaa ay si dhow ula shaqayneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada si mudnaan loo siiyo barnaamijyada la xidhiidha dhallinyarada iyo dhiirrigelinta dhallinyarada in ay ka qayb qaataan hannaanka go’aan gaaridda.

“Aad ayay runtii muhiim u tahay in waddanka iyo asxaabta kaleba ay isku dayaan in ay si gooni ah u wajahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ayna ula dhaqmaan in ay yihiin wakiillada isbeddelka wanaagsan,” ayuu yiri George Coway, oo ah ku-simaha Isku duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. “Aad ayay muhiim u yihiim, waana in la kobciyaa, la taabageliyaa kaalinna laga siiyaa hoggaanka si ay u keenaan horumar dhinaca bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.”

Dhawrkii sano ee ugu dambeysay, Qaramada Midoobay waxaa ay ka shaqayneysay xoojinta iyo balaadhinta barnaamijyada la xidhiidha dhalinyarta iyo taabagelinta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan dadaalada loogu jiro dhisidda nabadda iyo dowladnimada.

“Waxaan rabnaa in Dowladda ay diyaariso siyaasad qaran si aan ka faa’ideysanno maskaxdeenna, si aan u yeelanno awood aan dalkeenna ku dhisanno, “ ayay tiri Ilham Cilmi, oo ah xubin ka mid ah ‘Ubaxa Caasimadda’ oo ah mashruuc iskaa ah ee qurxinta magaalada ee laga wado Muqdisho.

“Waxaan ka codsaneynaa Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya in ay nagala shaqeyso arrimaha waxbarashada, wacyigelinta, iyo la dagaalanka afkaarta xagjirnimada. Dhallinyarada waa in lagu dhiirrigeliyaa in ay ku noolaadaan nolol hadaf leh,” ayuu ku daray Maxamed Cali Nuur, oo ah hoggaamiye dhallinyaro ee ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ee ka qayb galay madasha dhallinyarada ee Muqdisho.

Magaalada Kismaayana, dhallinyarada waxaa ay ku baaqeen in la badiyo howlo lagu awoodsiinayo dhallinyarada. “Waxaan ku boorrinaya Dowladda in ay wax barto dhallinyarada ayna ugu faa’iideyso xirfado si looga mashquuliyo in ay ku biiraan kooxaha xagjirka ah. Waxaan diyaar u nahay in aan kala shaqeyno Dowladda dhinac waliba,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed oo ah nin u ol’ololeeya dhallinyarada.

Baaq taasi la mid ah ayaa sidoo kale laga soo jeediyay magaalada Baydhabo. Nuurto Qaasim Maxamed, oo xubin ka ah Ururka Horumarinta Nabadda ee Inskoy, ayaa ugu baaqday dowladda in ay shaqo abuur u sameyso dhammaan dhallinyarada, ayada oo aan la tixgelineyn heer waxbarasho.

“Dhallinta Soomaaliyeed waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan, gaar ahaan shaqo la’aan. Waxaa jiraa hay’ado dowli ah ee heer federaal iyo heer gobol kuwaas oo u fududeyn karaa dhallinyarada wax bartay in ay helaan shaqo. Dhinaca kale, haddii dhallinyarada aan wax baranin la siiyo agabka beeraha, waxaa ay soo saari karaan cunno dheeraad ah,” ayay xustay Nuurto.

Dhallinyarada ku nool magaalada Garoowe, oo ah caasimadda maamulka Puntland, ayaa boogaadiyay dadaallada ay maamulka Puntland ugu jirto wanaajinta nolosha dhallinyarada. Munaasabadda lagu qabtay Puntland ayaa waxaa ka qayb galay dhallinyaro, ururrada haweenka, xubnaha bulshada rayidka, madaxda maamulka iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay waxaa ay taageereysaa dadaallada Dowladda Soomaaliya ee ay ku hirgelineyso mashruucyo muhiim ah kuwaas oo ka caawinaya dhallinyarada in ay si wanaagsan uga qayb qaataan go’aan gaaridda arrimaha qaranka, Waxaa la dhisaya Golaha La Talinka Dhallinyarada oo ay taageereyso Qaramada Midoobay si loo siiyo dhallinyarada masrax ay ku soo bandhigaan cabashooyinkooda ayna helaan jawaab celin wax ku ool ah.