Haweeneey Soomaaliyeed oo da’ yar ah oo u ol’oleyneyso in dhallinta la siiyo dowr weyn dhinaca dhismaha nabadda

12 Aug 2017

Haweeneey Soomaaliyeed oo da’ yar ah oo u ol’oleyneyso in dhallinta la siiyo dowr weyn dhinaca dhismaha nabadda

Nimca Aadan Cilmi waxay ugu ololeysaa dhalinta iyara oo u mareysa Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SASOYO, oo ah hay'ad aan dowli ahayn oo ay aasaastay 2009. 

"Dhallinyaradu waa qaybta ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee intooda badani ma shaqeeyaan mana haysataan wax ay ku maareeyaan noloshooda," ayaya tiri Naciima. "Dhibaatadani, oo dhalinyarada ku qasbeysa in ay falal dambiyeed iyo waxyaabo kale oo xun ku dhaqaaqaan, ayaa nagu qasbay aniga iyo inaan wax ka qabanno."

Nimca waxay rumaysan tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay inay gacan ka geystaan ​​nabadda iyo horumarka dalkooda. Si ay arrintani ka dhabeyso, waxay tiri dhallinyaradu waa in ay wax bartaan oo ay bartaan xirfado kala duwan.

"Waddan ka soo kabsanaya dagaallo dhowr iyo labaatan sano socday, nabadgelyadu ayaa ah shayga ugu muhiimsan. Dhalinyarada Soomaaliyeed waa in ay noqdaan udub dhexaadka geeddi-socodka dhismaha nabadda," ayaya tiri gabadhaan 33-jirka ah.

"Hay’adda SASOYO,  waxaan barnaa dhallinyarada, gaar ahaan haweenka da’da yar, xirfado,  waxaan ku dhiiri gelinnaa in ay ka qayb qaataan siyaasadda."

SASOYO waxaa ay qayb weyn ka qaadatay abaabulka dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashooyinka ee 2016-2017, iyada oo ujeedadu ahaa in la kordhiyo tirada dhallinyarada ku jirta Baarlamaanka Federaalka.

Ku dhawaad ​​18% xubnaha barlamaanka ee labada aqal ayaa da'doodu ka yar tahay 35 jir, taas oo muujineysa horumar muhiim ah dhinaca siyaasadda ee dhalinyarada Soomaaliya. Naciima oo aad u aaminsan in dhallinyarada ay yihiin dadka isbeddel dalka ku keeni lahaa, waxay ku hawlanayd dhowr mashaariic ee lagu awoodsiinayo dhallinyarada.

"Waxaannu qabanqaabinnaa siminaaro, waxaana ka qayb galnaa hadallada idaacadda iyo telefishanka si aan u dareensiino dhalinyarada khatarata gudniinka fircooniga ah, guurka xilli hore la guursado iyo khatarta xagjirnimada. Waxaan sidoo kale u ololeynaa ka hortaga tahriibka dhallinyarada ee badda Mediterranean iyagoo raadinaya noolal wanaagsan, "ayuu tiri Naciima.

SASOYO oo ay xubno ka yihiin 1,000 dhallinyaro, waxaa ay ka howlgashaa Muqdisho, Galkacyo, Baydhabo, BeletWeyne iyo Kismaayo.

Iyagoo taageerro ka helaya SASOYO, dhallinyaradu waxay helaan xirfado farsamo sida harqaanka iyo sameynta  cawda. Dakhliga ka soo gala iibinta alaabtan ayaa lagu soo celiyaa ganacsigooda ama loo isticmaala taageerrada mashaariicda hay’adda, oo ay ku jiraan wax barasho oo ay 40 haween ah hadda wax ka bartaan.

Nimca waxay ka qabtaa rajo wanaagsan mustaqbalka dhallinyarada  Soomaaliya ku nool.

"Anigu waxaan ii muuqdo Soomaaliya oo leh dowlad hufan iyo hay'ado ammaan oo xooggan, oo awood u leh inay wax ka qabtaan caqabadaha ammaanka ee dalka. Ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa ah labada qaybood ee ugu muhiimsan ee Soomaaliya u baahan tahay in la wax laga qabto, ka dibna wax waliba way hagaagayaan, "ayay ku soo gabagabaysay.

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u aqoonsan horumarinta dhalinyarada in ay qayb ka tahay waajibkeeda Soomaaliya. QM waxay aqoonsan tahay kaalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka ciyaari karaan geeddi-socodka nabadda iyo dhismaha dalka.