Dhallinyarada u dhaqdhaqaaqda Isbedeka Cimilada waxay muujiyeen saamaynta Isbeddelka Cimilada ay ku leedahey xuquuqda aadanaha Soomaaliya

31 Aug 2023

Dhallinyarada u dhaqdhaqaaqda Isbedeka Cimilada waxay muujiyeen saamaynta Isbeddelka Cimilada ay ku leedahey xuquuqda aadanaha Soomaaliya

Muqdisho – Kulan ay Qaramada Midoobay soo agaasintey oo maanta ka dhacay caasimadda Soomaaliya, ayaa dhallinyarada u ol’olaysa isbadelka Cimilada waxa ay muujiyeen saamaynta ba'an ee isbeddelka cimiladu ku yeelatey Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in la qaado tallaabo wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelato guud ahaan dadka nugul  ee  ku nool dalka Soomaaliya. 

" Fatahaadaha ka dhashay isbeddelka cimiladu waxay baabi'iyaan beeraha waxayna waxyeelleeyaan dalagyada, taas oo keenta cunto yari, waana sababta inta badan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha  loo siiyo cunto nafaqeyn ah si looga daweeyo nafaqo-yarida." ayuu yiri Cabdiladiif Xuseen Cumar oo ah Agaasimaha hayada maxaliga ah ee badbaadada deegaanka.

Ol’oleeye da’da yar ayaa ka hadley tababar saddex maalmood socday oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada, kaasoo lagu qabtay Muqdisho, uuna soo qabanqaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM).

“Waxa aanu aad diirada u saarnay nooca waajibaadka ee dawladda ka saaran xuquuqul insaanka. Qaar badan oo ka mid ah waajibaadyada caalamiga ah ee ay galeen waxay ku lug leeyihiin carruurta, dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka, xuquuqda madaniga iyo mida siyaasadda. Dhammaan kuwan waxay leeyihiin waxyaabo isbeddelka cimilada,” ayay tiri Madaxa Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM, Kirsten Young.

22-ka qof ee ka soo qayb galay ayaa ugu horrayn ka koobnaa ardayda jaamacadaha, aqoonyahannada iyo wakiillada bulshada rayidka ah ee wax ka baranaya ama ka shaqaynaya arrimaha isbeddelka cimilada. 

"Isku keenida labadan bulsho waxay ila tahay, inay aasaas u tahay in la isfahmo iyo sidii looga faa'iidaysan lahaa khibrada koox walba iyo in ay awood u yeeshaan inay kor u qaadaan shaqadooda," ayay tiri Marwo Young, oo sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay (OHCHR).

Mawduucyada kala duwan

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ka qaybgalayaashu waxay diiradda saareen mawduucyo kala duwan oo xuquuqda aadanaha ah oo la xiriira isbeddelka cimilada, sida xuquuqda deegaan caafimaad qaba. Waxay baaritaan ku sameeyeen sida isbeddelka cimilada ay u horseedo abaaro, fatahaado iyo saxaareyn, taasoo iyaduna keenta cunto yari, iskudhac ka dhasha kheyraadka iyo barakac, iyadoo arrimahaasi ay saameynayaan xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay iney noolaato, caafimaad hesho iyo cunto, iyo iney helaan nolol dhamaystiran shaqsi ahaan iyo bulsho ahaan.

Tababarka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa dadaallo ballaaran oo lagu caawinayo abuuritaanka koox firfircoon oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo u dhaqdhaqaaqa deegaanka.

"Tallaabada xigta ee la qaadayo dhab ahaantii waa in la abuuro shabakad dhalinyaro ah oo u dhaqdhaqaaqa cimilada kuwaas oo ka kala yimaada qaybaha kala duwan ee bukshada sida , tacliinta, bulshada rayidka ah, warbaahinta, iyo naadiyada ardayda si ay u sii wadaan u doodista ka jawaabidda isbedelka cimilada ee la xidhiidha arrimaha xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri C/fitaax Xasan Cali, oo ah Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha ee UNSOM.

Munaasabadda waxaa  Dowladda Federaalka Soomaaliya matalayey Axmed Cabdi Cismaan ‘Faroole’ oo ah Madaxa Isbeddelka Cimilada ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada isagoo ka hadlay kulanka ayaa xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay sida aadka ah u saameeyeen isbadelka cimiladu, balse ay socdaan qorshayaal wax looga qabanayo dhibaatooyinkaas.

"Wasaaraddu waxay waddaa qorshayaal lagu bilaabayo barnaamijyada la-qabsiga cimilada  ah, ilaalinta deegaanka iyo abuurista wacyi-gelin ku saabsan sida dadku ugu diyaar-garoobaan inay la noolaadaan masiibooyinka isbeddelka cimilada ee soo noqnoqda," ayuu yiri Mudane Cismaan.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa xusay in tababarkan uu kaabi doono qaar ka mid ah ol’oloyaashii ay horay u wadeen dhallinyaro Soomaaliyeed.

Suweyda Maxamed Cabdi, oo ah Guddoomiyaha Ururka Green Light Association, oo ah urur kale oo u ololeeya ilaalinta deegaanka iyo horumarinta waarta ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ururkeedu uu si firfircoon uga qayb qaato waxqabadyada lagu beddelayo saamaynta isbeddelka cimilada iyada oo loo marayo olole wacyigelin ah oo laga sameeyo dugsiyada iyo dhoolatusyada dhir beerista

"Ololayaashayada deegaanka waxaan ku sameynay horumar weyn waxaana bilownay nadiifinta todobaadlaha ah ee xeebta Liido tasna waxay ahayd mid guul leh," ayay tiri.

Sidoo kale ka qeyb gale C/naasir Cabdulqaadir Maxamed oo isku darsaday xirfadiisa deegaanka iyo shaqadiisa ayaa yiri “Waxaan xirfadeyda sawirka uga faa’ideystaa inaan sameeyo sawir gacmeedyo lagu abuuri karo baraarujinta dadka ee deegaanka, dadkana waxaan ku boorrinayaa in la ilaaliyo deegaanka”.

Dhibaatooyinka cimilada 

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay xaalado bini'aadantinimo oo ay sabab u tahay isbadelka cimilada ku waasoo sababay abaaro baahsan iyo fatahaado. Ilaa sideed milyan oo qof ayaa u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo 6.5 milyan la filayo inay soo wajahdo xaalad cunto yari oo aad u daran iyo 1.3 milyan oo qof oo ku barokacay iskahorimaadyo ama xaalado cimilo awgeed.

Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada ee Soomaaliya ee 2023 waxa uu raadinayaa $2.6 bilyan si loo caawiyo 7.6 milyan oo qof oo nugul ah oo dalka oo dhan ah. Si kastaba ha ahaatee, howlgalka ka jawaabidda Arimaha Bini’adamnimada wuxuu helay lacag dhan $851 milyan laga soo bilaabo 1 Agoosto, taasoo ka dhigan oo kaliya ah 32.7 boqolkiiba wadarta guud ee la raadinayo.