Faadumo Cali Iimaan: Gabdhaha Soomaaliyeed oo laga caawinayo in ay helaan waxbarasho iyo tababar si mustaqbalkooda u noqdo mid wanaagsan
Baydhabo – Soomaaliya waxay ku socotaa dhabbihii soo kabashada ka-dib tobanaan sano oo ay ka taagnaayeen colaad iyo jahawareer.
Dhallinyaradeeda ayaa geeddi-socodkan kaalin muhiim ah ka qaadanaya.
Qaar baa waxaa dhiirrigelinaya sheekooyinkooda shakhsiyeed iyo caqabadihii soo wajahay. Qaarna waxaa dhiirrigelinaya waayo-aragnimadooda, sida Faadumo Cali Iimaan, oo ku dhiiratey in ay wax ka aasaasto urur aan dowli ahayn (NGO) si ay u taageerto gabdhaha yaryar ee ku nool magaalada Baydhabo oo ay ka soo jeedo, Baydhabo waa magaalo ku taalla Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Himiladeedu waa in ay gabdhaha yaryar ku xoojiso agabka ay u baahan yihiin si ay u abuurtaan mustaqbal wanaagsan.
U heellanaanta ay gabadhan 27-sano-jirka ah ay u heellan tahay ilaalinta iyo awoodsiinta haweenka ayaa ku dhalatey iyadoo u shaqeynaysa NGO caalamiga ah, INTERSOS, min 2013kii ilaa 2017kii.
"Safarkeyga caawinta gabdhaha iyo ka ilaalinta haweenka iyo carruurta tacaddiga ayaa wuxuu ka soo bilowday INTERSOS. Shaqadeyda waan jeclaa," ayay tiri Faadumo.
Bishii Oktoobar 2019, iyada iyo saaxiibadeeda Fartuun Xasan Cali oo xamaasadeysan, ayaa waxay aasaaseen Ururka Xuquuqda Gabdhaha Soomaaliyeed (Somali Girls Rights Organisation - SGRO). Faadumo, oo hadda ah Agaasimaha SGRO, waxay waxbarashadeeda ku soo qaadatey Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Salaaxudiin ee Baydhabo waxayna markii dambe ka qalinjebisay Jaamacadda Bay University sannadkii 2018kii iyadoo ka qaadatey shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda ee culuunta caafimaadka dadweynaha.
Himilada SGRO waxaa udub-dhexaad u ah u-qareemeynta in gabdhaha yaryar ee nugul ama danyarta ah ay helaan waxbarasho dugsiga sare iyo mid jaamacadeed.
"Dedaaladeenna way miro dhaleen. Hadda, waxaan ku guuleysaney in aan kafaala-qaadno 48 gabdhood oo dugsiyada sare dhigata. Intaa waxaa dheer, in jaamacadaha degaanka sida jaamacadaha Bay University iyo Gannany University ay si maamuus leh oo lacag la’aan ah ku qaateen 21 gabdhood," ayay tiri Faadumo.
Waxay si adag u aaminsan tahay isbeddelka wanaagsan ee ay waxbarashadu reebto, iyadoo sheegtay "gabdhuhu in ay helaan waxbarasho toos ah ama xirfado faa'iido laga heli karo in ay tahay hab istiraatiiji ah oo kor loogu qaadi karo xasilloonida dhaqaale ee haweenka iyo ka-qaybgalkooda siyaasadda."
Fikrad cusub
Ka-dib dhowr sano oo ay wadeen hawlgallo ay gabdho badan waxbarasho toos ah ku geeyeen, ayay aasaasayaasha SGRO waxay sidoo kale arkeen in gabdhaha oo dhan aysan wada helin fursad ay ugu biiraan nidaamka waxbarashada tooska ah taas oo ay sabab u yihiin caqabado maaliyadeed iyo kuwa dhaqan oo kala duwan.
Iyagoo aragtidan ka duulaya, ayaa waxay go'aansadeen in ay ballaariyaan baaxadda hawlaha ururka SGRO waxayna xarun lagu barto farsamada gacanta ka fureen magaalada Baydhabo, oo ah magaalada ugu weyn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
"Tan iyo bishii Abriil ee sannadkan, xarunteenna waxay soo dhoweysay 153 gabdhood, kuwaas oo intooda badan ka tirsan dadka gudaha ku barakacay, si ay u bartaan xirfado farsamada gacanta ah iyo waxbarashada aasaasiga ah. Waxay kala dooran karaan koorsooyinka sida xirfadaha goobaha qurxinta haweenka, tolista harqaanka, dhar kariska, iyo sidoo kale barashada akhriska-qoraalka iyo barashada xisaabta. Ardaydeenna waxay da'doodu u dhaxeysaa 15 iyo 25, qaarkood xitaa waa hooyooyin da'yar oo naas-nuujinaya," ayay tiri Faadumo.
Taageero helid
Aasaasidda iyo socodsiinta shaqada NGO waa hawl aad u culus, gaar ahaan marka uu bilow yahay. Faadumo iyo gabadha la aasaastay NGO, Fartuun, waxay taageero aan wax loo dhigo lahayn ka heleen haweenka ganacsatada ah ee degaanka ee himiladooda la wadaaga.
"Shan haween oo ka tirsan haweenka ganacsatada ah ee degaanka ayaa naga bixinayay kharashka ay ku hawlgaleysay xarunta afartii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii aan furnay bishii Abriil. Waxay bixiyaan mushaarka, agabka naga caawiya barista, iyo kirada. Waxaan aad iyo aad ugaga mahadnaqayaa naxariistooda. Laakiinse waxaan sidoo kale rajeynaynaa in aan taageero ka helno maamullada dowladda Soomaaliya, NGO-yada caalamiga ah, iyo Qaramada Midoobay," ayay tiri Faadumo.
"Kuma tiirsanaan karno keliya gargaarka maaliyadeed ee aan ka helno gabdhaha walaalaheenna ah," ayay si dhab ah u tiri Faadumo. Waxay muujisay baahida degdegga ah ee ay u qabaan in ay xaruntu yeelato kheyraad iyo xaalado wanaagsan oo ku habboon ardayda iyo macallimiinta.
Ardeyda xarunta farsamada gacanta waxaa ay ku hanweyn yihiin in ay wax bartaan si ay wax uga beddelaan noloshooda iyo nolosha qoysaskooda.
"Waxaan bartey xirfado aasaasi ah waxaanna doonayaa in aan sii wato waxbarashadeyda si aan qoyskeyga u taageero," ayay tiri Iqra Macalim Aadan oo ah gabar ardayad ah oo 16-sano-jir ah, waxayna SRGO uga mahadcelisay dadaalkooda.
Shamso Cadow Aadan, oo ardayad kale ah oo halkaa ku baraneysa farshaxanka dharka kariska ah, ayaa intaa ku dartey, "Ka-dib markii aan saddex bilood baraneynay casharo sharaxaad oo keliya ah, hadda hawlo gacan-ka-qabasho ah ayaa bilowday. Waxaan ku faraxsanahay in aan sii horumariyo xirfadaheyga, gaar ahaan farsameynta dharka kariska ah."
Iskaashi
Xarunta farsamada gacanta oo ku taalla dhanka waqooyi-bari ee Magaalada Baydhabo, waxaa ka shaqeeya lix shaqaale, kuwaas oo ay mushaarkoodu ay bixiyaan haweenka ganacsatada ah ee degaanka. Guud ahaan, hawlwadeennada ka shaqeeya SGRO waxay ka kooban yihiin toddobo xubnood oo shaqaale ah iyo 11 mutadawaciin ah. Maadaama ay xaruntu ku hawlgasho maalgelin xaddidan ama dhaqaale yar, waxaa adag oo caqabad nagu ah helitaanka agabka waxbarashada sida buugaagta daabacan iyo miisaska, inta badan waxaa lagama maarmaan ah in ardaydu ay wadaagaan kheyraadka.
Waxbarashada oo ay diiradda saarto ka sokow, SGRO ayaa sidoo kale iskaashi la leh hay'adda WARDI Relief and Development Initiatives si ay u sii wanaajiso helitaanka daryeelka caafimaadka ee degaanka.
"Tan iyo bishii Okboobar 2022, shaqaalaheenna caafimaadka bulshada waxay caawinayeen dadka gudaha ku barakacay iyagoo gaarsiinayay macluumaad ku saabsan xarumaha caafimaadka ee bukaannada loo diro iyo ka soo warbixinta dhacdooyinka tacaddiga jinsiga ku saleysan," ayay tiri Faadumo.
Intii lagu guda jirey waqtigii adkaa ee cudurka safmarka ah ee karoonaha (COVID-19), SGRO waxay xoog iyo cudadba ku biirisay NGO-ga caalamiga ah ee Islamic Relief iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed si loola dagaalamo faafidda fayraska.
"Waxaan dhar cusub u qaybinay ilaa 150 carruur oo danyar ah, taas oo suuragelisay in ay u dabbaaldegaan munaasabadda Ciidul Adxa. Intii uu cudurka safmarka ah socday, aniga iyo kooxdayda waxaan si hagar la'aan ah u sameynay olole wacyigelineed, annagoo ka hortegeyna macluumaadka khaldan ee laga bixinayey cudurka karoonaha (COVID-19)," Ayay tiri Faadumo.
Fahamka Qaramada Midoobay
Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay maalgelinta waxbarashada gabdhaha in ay isbeddel u keenayso bulshooyinka iyo dalalka, iyadoo gabdhaha waxbarta ay aad u yar tahay in da'yar lagu guursado waxaanna aad u badan in ay ku noolaadaan nolol caafimaadqab iyo waxsoosaar leh. Waxay sidoo kale kasbadaan dakhli badan, waxay ka qaybgalaan go'aamada badanaa saameeya, iyo in ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan naftooda iyo qoysaskooda. Waxbarashada gabdhaha ayaa sidoo kale xoojisa dhaqaalaha, waxay yareysaa sinnaan la'aanta, waxayna gacan ka geysataa bulshooyin xasilloon, adkeysi badan leh oo dadka oo dhan siiya fursad ay hirgeliyaan karaankooda.
Sida ay sheegtay Hay'adda Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF), in ka badan saddex milyan oo carruur oo Soomaaliya ku nool ayaan iskuul dhigan. Meelo badan oo guud ahaan dalka ah, waalidiinta ma awoodaan in ay maalgeliyaan waxbarashada carruurtooda. Saboolnimo marka laga soo tago, masaafada dheer ee iskuullada, walaaca bedqabka carruurta, caadooyinka bulshada ee door-bida waxbaridda wiilasha, iyo macallimiin la'aan, gaar ahaan macallimiin haween ah, iyo in aaney jirin tas-hiilaad fayadhowr, arrimahan ayaa waalidiinta ka joojiya in ay carruurtooda geeyaan iskuullada, gaar ahaan gabdhaha.
"Shaqada Faadumo ee ah in ay gabdhaha yaryar waxbarasho geyso waa mid dhiirrigelin leh. Soomaaliya, waxaa ka jira horumar laga gaarey dhanka diiwaangelinta, inkastoo keliya waxyar in ka badan boqolkiiba 40 ee carruurta iskuullada dhigata ay yihiin gabdho,” ayay tiri Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Wafaa Saeed. “Waxbarasho helidda iyo horumarinta xirfadaha ee meel kasta, waa in ay carruurta oo dhan u dhan yihiin. Tani ayaa u diyaarinaysa in ay ku guuleystaan nolosha oo ay hirgeliyaan karaankooda."
Iyadoo taageeraysa dowladda Soomaaliya, ayaa hay'adda UNICEF waxay la shaqeysaa maamullada maxalliga aha iyo la-hawlgalayaasheeda si carruurta qoysaska reer-guuraaga ah iyo kuwa xoola-dhaqatada ah iyo carruurta kale ee aanan iskuullada dhigan ay u siiyaan fursad ay iskuul ku aadaan. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale taageerta dadaalka dowladda ay ku dhiseyso nidaam waxbarasho oo xooggan taas oo loo marayo xoojinta awoodda macallimiinta, bixinta waxbaris tayo-sare leh, iyo agab waxbarasho, iyo diyaarinta siyaasadaha barista iyo barashada ee muhiimka ah, manhajka iyo qiimeynta barashada.