Maxamed Sheekh Saciid Xaaji: Ka-dhabeynta nabadda

21 Sep 2023

Maxamed Sheekh Saciid Xaaji: Ka-dhabeynta nabadda

Gaalkacyo – Aad bey u tiro yar yihiin magaalooyinka dunida ku yaalla ee ay qaybiba maamul gaar ah ay hoos tagto ama xataa ay maraan xuduudo caalami ah. Sidaas oo ay tahay haddana, tiro yar oo ka mid ah kuwaas ayaa taariikh dhow ay ka jirtey xasilooni-darro la mid ah tii soo martey Gaalkacyo, oo ah magaalo ka wada tirsan Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya.

Gaalkacyo waxaa ka dhacay is-bedddel mug weyn iyada oo ahaan jirtey magaalo ay ka jireen colaado iyo kala-qaybsanaan tan iyo markii dagaalka sokeeye uu Soomaaliya ka bilowdey 1990-meeyadii iyada oo hadda noqotey magaalo si nabad ah loogu wada nool yahay.

Waddada loo marey is-beddelkan ayaa ahayd mid dheer, waxaana dhallinyarada deggan magaalada ay door muhiim ah ka qaateen dib-u-qaabeynta mustaqbalka Gaalkacyo iyada oo loo marayo habab rasmi ah, sida in dhallinyarada ay si firfircoon uga qaybqaataan wada-hadallada nabadeed ee ay hoggaamiyaan odeyaasha iyaga oo dhallinyaradaas hoggaan u yahay Madasha Dhallinyarada Mudug (Mudug Youth Forum), iyo sidoo kale dadaallo aan rasmi ahayn sida ololeyaal kor loogu qaadayo wacyiga, mashaariic, iyo goobo amaan ah oo uu ka dhaco wada-sheekeysi iyo xoojinta is-aaminaadda.

Mid ka mid ah dhallinyarada ku hawlan geeddi-socodkan nabadeed waa Maxamed Sheekh Saciid Xaaji.

Ololeeyaha Socdaalka nabada

Maxamed Sheekh Saciid Xaaji oo ku dhashey magaalo-xeebeedda Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1990kii, waxaa uu ka soo jeedaa Dowlad-goboleedka Galmudug, oo 500 kilomitir bari ka xiga magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa uu ka sheekeeyey sida ay odeyaashu door muhiim ah uga soo qaateen marxaladihii hore ee nabad-dhisidda.

“Sanaddadii 2015kii iyo 2016kii, waxaa Gaalkacyo ka jirey mid ka mid ah colaadihii ugu xumaa, kuwaas oo ay ku dhinteen dad tiro badan oo sababeyna barakac ballaaran. Bilowgii hore, dadaallada nabadeed waxaa aasaasi ahaan wadi jirey maamullada iyo odeyaal-dhaqameedka,” ayuu ku warramey.

“Odeyaasha ayaa noo sheegey in colaadda Gaalkacyo ay soo jirtey ka hor intii aaney dhalan qaar badan oo naga mid ah, iyaga oo dhallinyarada ku dhiirrigelinayey in ay hawsha uga dambeeyaan odeyaasha. Haseyeeshee, waxaa tartiib-tartiib u soo caddaaneysey in aaney habbooneyn in odeyaasha oo keliya laga sugo wax ka qabashada dhibaatooyinka jira waqtigan,” intaas ayuu ku darey mudane Maxamed.

Maxamed oo waxbarashadii ku soo dhammeeyey Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Waaberi (Waaberi Primary and Secondary School) sanadkii 2015kii, waxaa uu sanadkii 2019kii shahaaddada koowaad ee Jaamacadda ee culuunta Shareecada iyo Qaanuunka ka soo qaatey Daaha International University oo ku taallada magaalada Moudisho. Maxamed waxaa uu noqdey maamulaha dugsigii uu wax ku soo bartey.

Dugsiga Waaberi Primary and Secondary School oo ku yaalla magaalda Gaalkacyo dhinaca maamulka Galmudug ayaa caan ku ah guulaha uu ka gaarey dhinaca waxbarashada. Sanadkii 2021kii, mid ka mid ah ardeydiisa ayaa noqdey ardaygii darajada ugu sarreysa ka heley imtixaanka qaran ee guud ahaan Soomaaliya. Marka laga soo tago heerka waxbarashadiisa ee sarreysa, dugsigu waxaa uu udub-dhexaad u ahaa dhiirrigelinta nabadda iyo dib-u-heshiisiinta magaalada Gaalkacyo.

Mudane Maxamed waxaa uu aaminsan yahay in waxbaridda dhallinyarada iyo in si firfircoon looga qaybgeliyo geeddi-socodka nabadda ay tahay waddada keliya ee lagu xaqiijin karo nabad waarta oo ka dhacda Gaalkacyo. Waxaa uu si joogto ah ugu qareemayay in dhallinyarada ay qayb ka ahaadaan wadahadallada Nabadda.

“Ka dib markii aan aragney colaadda soo noqnoqoneysa iyo dhibaatooyinka bulsho-dhaqaale ee ka dhasha, ayaa anniga, iyo dhallinyaro kale oo ka kala soo jeeda waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaan qabqaabinney banaanbax nabadeed,” ayuu yiri Mudane Maxamed. “Ardayda dugsiyada sare ee guud ahaan magaalada Gaalkacyo, oo ay ku jiraan kuweyga, ayaa gacmaha is-qabsadey oo sameeyey mid ka mid ah bannaanbaxyadii nabadeed ee ugu weynaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Waxaana lagu qabtey suuqa weyn, oo ah halka ay ka dhacaan hawlaha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo ku yaalla halka magaalada u kala qaybisa labada qaybood.”

In dhallinyarada laga qaybgeliyo nabad-dhisidda waxaa ay ahayd mid halisteeda leh. Mudane Maxamed, iyo qaar kale oo nabadda u dhaqdhaqaaqa oo isku dayayey in ay laba kooxood oo hubeysan ku dhexdhexaadiyaan suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo horraantii 2017kii, ayaa la soo xabadeeyey oo ay faro ciddiyo leh ku soo fakadeen. Xabadaha la soo ridey waxaa ku dhintey askari boolis ah oo ka tirsanaa Booliska Wadajirka ah ee Gaalkacayo Joint Police Patrolling Unit, oo ah unug ay taageerto QM oo dhismihiisu uu qayb ka ahaa Heshiiskii Xabbad-joojinta ee Gaalkacyo ee dhex marey Puntland iyo Galmudug kaas oo xubnihiisu ay ka kala yimaadeen ciidamo boolis ah oo ka kala socda labada dowlad-goboleed.

“Aad baan u ogaa halista ka dhalan karta ku luglahaanshaha geeddi-socod nabadeed oo ka dhaca Gaalkacyo, gaar ahaan marka la qabanqaabinayo bannaanbaxyo,” ayaa uu yiri 33-jirkan u dhaqdhaqaaqa nabadda. “Sidaas oo ay tahay haddana, saaxiibadeyda iyo annigaba waxaan u bareerney halistaas. Dhallinyarada Galmudug iyo kuwa Puntland waxaa ay go’aansadeen in ay horseed u noqdaan nabadda halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen keliya odeyaasha, oo marar badan ay ku cuslaatey in ay nabad waarta ku soo dabbaalaan Gaalkacyo.”

Inkasta oo culeysyadaasi soo wajeen dhallinyarada Gaalkacyo, haddana dadaalladooda ayaa dhalliyey natiijooyin hordhac ah. Iyada oo uu hoggaaminayo Maxamed, ayaa dhallinyarada u-dhaqdhaqaaqa nabadda waxaa ay bilaabeen ololeyaal wacyigalin ah waxaana ay ka-qaybqaateen munaaqashooyin ka dhacayey warbaahinta, iyaga oo si joogto ah u dhiirrgelinaya nabad iyo wada-noolaansho dhexmarta dadka reer Gaalkacayo.

Mid ka mid ah munaaqashooyinka ugu wanaagsan ee fududeeyey guusha ay ka gaareen ololaha waa ‘Nabaddoon’ oo la bilaabey sanadkii 2020kii.

“Munaaqashooyinkan oo la qabto saddexdii biloodba mar, waxaa looga danleeyahay in lagu sii wanaaajiyo wada-xiriirka dhallinyarada, kooxaha kala duwan ee bulshada, iyo xubnaha bulshada ee la ixtiraamo,” ayuu yiri mudane Maxamed. “Munaaqashooyinkan waxaa dhallinyarada ay dadka reer Gaalkacyo ku fahamsiiyaan in nabaddu ay lagamamaarmaan u tahay hormar kasta oo magaalada ka dhaca,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dadaallada Dhallinyarada ee ku aaddan Nabadda Gaalkacyo

Ka dib markii ay aqoonsadeen baahida loo qabo in la mideeyo codka dhallinyarada si uu raad weyn uu u reebo iyo si loo sii ballaariyo fahamka dadka ee ku aaddan faa’iidooyinka badan ee ay leedahay nabadda, ayaa dhallinyaro badan ay isu yimaadeen. Sanadkii 2017kii, dhallinyarada reer Gaalkacyo waxaa ay dhiseen Madasha Is-dhexgalka iyo Nabadda Mudug (Mudug Peace and Integration Forum) oo dhawaan loo bedelay Madasha Nabadda iyo Horumarka (Peace and Development Forum). Ururka ayaa isu keenay dhallinyaro ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland waxaana uu waxbarashada u adeegsadaa dhiirrigelinta nabadda iyo isku-duubnimada bulshada.

“Waxaan guddoomiye u ahay Ururka laga soo bilaabo 2020kii, waxaana aan dhihi lahaa waxaan door muhiim ah ka qaadaney kobcinta nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo isdhexgalka ka dhaca Gaalkacyo. Waxaan xaqiijinta arrimahaas u adeegsannaa annaga oo kor u qaadna wacyiga bulshada iyo annaga oo taageero siinna kuwa ay waxyeellada ka soo gaartey colaadda magaalada, gaar ahaan kuwa ku dhaawacmey ama uu waalidkoodu ku dhintey,” ayaa uu yiri mudane Maxamed.

“Waxaan ololayaasheenna wacyigelinta ka-qaybgelinney macallimiinta iyo ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee Gaalkacyo. Waxaan bilowney in aan barnaamijyo ku qabanno dugsiyada, kuwaas oo ardaydu ay kaga qaybqaadanayaan banaanbaxyada, la-tacaamulka warbaahinta, iyo shirar bulsho si ay u sheegaan sida ay dhammaantood u doonayaan in meesha laga saaro tafaraaruqa,” ayuu yiri.

Dadaalka dhallinyaradan ayaa magaalada ka dhaliyey xoogaa xasilooni ah, sida uu ogaadey mudane Maxamed, “Dhowr sano ka hor, dadka deggan Gaalkacyo waxaa ay ku khasbanaan jireen in ay guryahooda joogaan inta badan maalinta, gaar ahaan waqtiyada habeenka ah, taas oo ay u sabab tahay amni-xumo iyo cabsi, laakiin maanta, xaaladdu aad bay taas uga duwan tahay”.

“Waxaa jira waqti ay dadka Gaalkacyo ku nool ay cabsi joogto ah ku sugnaan jireen. Is-aamin la’aan badan ayaa jirtey, isu-socodka magaaladuna aad buu u yaraa. Dadka ayaa guryahooda u degdegi jirey inta aaney qorraxdu dhicin. Haseyeeshee, is-beddel mug weyn ayaa dhacay. Ganacsiga magaalada ayaa bullaaley, dadkuna si xor ah ayaa ay isu dhex maraan,” ayaa uu yiri. 

Faa’iidooyinka nabadda waxaa sidoo kale caddeyn u ah hannaanka waxbarashada ee Gaalkacyo. Maaddaama uu yahay Maamulaha Dugsiga Waaberi Primary and Secondary School, ayaa mudane maxamed waxaa uu arkey in ardayda is-qoreysa dugsiga ay aad u korodhey iyada oo 171 arday ay dhiganayeen sanadkii 2017kii oo haddana ay dhigtaan 700 arday, iyada oo kalabar ardaydaas ay yihiin gabdho.

“Kani waa is-beddel mug weyn, waxaana si dhab ah u aaminsanahay in uu is-beddelkan xiriir la leeyahay nabadda aan ku soo dabbaalney Gaalkacyo,” ayaa uu yiri.

Waxqabad kale oo mudane Maxamed iyo kooxdiisa dhallinyarada ah ay sameeyaan marka ay dhiirrigelinayaan nabadda waa qabanqaabinta Bandhigga Buugaagta ee Galkayo Peace Book Fair.

“Mashruuca ayaa ururuka (Peace and Development Forum) ee gobolka Mudug uu bilaabey sanadkii 2021kii, waxaana uu hiigsanayaaa xoojinta nabadda degaanka Gaalkacyo isaga oo u maraya qoraal/suugaan iyo doodo. Ayaa sheegey mudane Maxamed, isaga oo intaa ku darey, “Waxaan tan iyo 2021kii ku guuleysanney qabanqaabinta  labo Bandhig Buugaag, waxaana hadda qorshaynaynaa sanadkii sadexaad. Bandhigga buugaagta waxaa uu isu keenaa dad ka kala imaanaya guud ahaan Soomaaliya si ay wax uga bartaan taariikhda Gaalkacyo ayna fikirradooda uga dhiibtaan sii wanaajinta nabadda iyo is-dhexgalka magaalada.”

Marka laga soo tago dadaallada wacyigelinta, Mudane Maxamed iyo kooxdiisa waxa ay caawiyaan kuwa ay dhibaatadu ka soo gaartey colaadda, gaar ahaan carrurta ku agoomoobey.

“Waxaan sanadkii 2018kii bilownay dadaallo aan ku caawineyno carruurta waalidkood ku waayey colaadda Gaalkacyo ama dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Sanad kasta, waxaan dadka deggan Gaalkacyo ku wacyigelinnaa muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi nabadeed oo ay si bedqab iyo amaan ah ugu noolaadaan qoysaska iyo carruurta. Ka-dhallinyarado reer-Gaalkacyo ahaan, waxaan sidoo kale carruurta u iibinnaa dhar ay ku ciidaan ciidaha muslimiinta ee Ciidda Soonfur iyo Ciidda Carafo,” ayuu yiri Mudane Maxamed.

QM iyo dhallinyarada

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhowr qaraar oo uu soo saarey hoosta uga xarriiqey doorka muhiimka ah ee ay dhallinyaradu ku leeyihiin ka-hortagga colaadda, nabad-dhisidda, iyo joogteynta nabadda. Golaha ayaa si joogta ah carrabka ugu adkeeyey hubinta ka-qaybgalka iyo hoggaanka dhallinyarada ee arrimahan iyo kobcinta meelaha ay dhallinyradu ka hawlgali karaan.

Soomaaliya gudaheeda, QM waxaa ay taageertaa Ururrada iyo dadaalladaha kale ee ay hoggaaminayaan dhallinyarada ay ka go’an tahay in ay xaqiijiyaan in mustaqbal nabad iyo barwaaqo ku sifeysan ay yeelato Gaalkacyo.

Is-beddelka ka dhacay Gaalkacyo ayaa muujinaya in ka-qaybgelinta dhalinyarada ee dadaallada nabad-dhisidda ay la-jaanqaadeyso ajandaha caalamiga ah ee Dhallinyarada, Nabadda, iyo Amniga (the global Youth, Peace, and Security agenda). Marka ay timaaddo geeddiga ay Soomaaliya ugu jirto xasilooni iyo baraare, ka-go’naanta iyo adkeysiga ay muujiiyeen dhallinyadeeda ayaa muujinaya suuragalnimada is-beddel wanaagsan oo dhaca.