Dhallinyaro Soomaaliyeed oo daahfuray xarunta ugu horreysay ee hal-abuur tiknoloojiyadeed

8 Oct 2017

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo daahfuray xarunta ugu horreysay ee hal-abuur tiknoloojiyadeed

Mogadishu - Soomaaliya ayaa waxaa laga daahfuray xarunta ugu horreysay ee hal-abuur tiknoloojiyadeed ee lagu magacaabo iRise, taas oo xal u noqon doonta qaar ka mid ah caqabadaha dhinaca tiknoloojiyadda ee dalka ka jira. Hiigsiga xarunta waa in ay maalgeliso dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, ayaga oo soo jiidanaya maalgashadayaal bulshadeed ee taageero u fidin kara ganacsiyada dhallinyarada.

“Waxaan dooneynaa in aan sameyno goob ay dhallinyarada ku muujin karaan awooddooda ayaga oo la imanaya fikrado la xiriira ganacsiyada tiknoloojiyadda,” ayuu yiri Cabdixakiim Caynte oo ah ganacsade dhinaca tiknoloojiyadda, kana mid ah aasaasayaasha xarunta.

Hirgelinta Xarunta iRise waxaa ay ka dhabeyneysaa rabitaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah boqolkiba 80 tirada dadka ku nool dalka lagu dhex abuuro dhaqan tiknoloojiyadeed, ayaga oo isla markaasina loo adeegsanaya taageeridda horumarka dhaqaalaha ee dalka.

Xaruntu waxaa ay ganacsatada yaryar siineysa goob ay kula yimaadaan hal-abuur tiknoloojiyadeed iyo iskaashi, waxaana sidoo kale ku jiraa tababar ganacsi, hagid, internet bilaash ah, qiimeyn mashruuca, iyo taageero bilowga ganacsiga. Xarunta waxaa ay sidoo kale cilmi-baaris iyo goob shaqo u fidin doontaa dhallinyarada ku dhiirran in ay tiknoloojiyadda u adeegsadaan horumarinta ganacsiyadooda.

“Waxaan aaminsannahay in ay tahay wakhtigii ay dhallinyarada Soomaaliyeed horay u soo bixi lahaayeen oo ay la imaan lahaayeen fikradahooda, sheegashadooda ayna maal-gashan lahaayeen mustaqbalkooda,” ayuu yiri Caynte.

Caynte ayaa sheegay in waxa ku dhaliyay fikraddan ay tahay rabitaankooda ay ku doonayaan in ay kobciyaan ayna nolol u yeelaan fikrado cusub. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay ku dhalisay waayo-aragnimada ay ka dhaxleen dalalka Kenya, Itoobiya iyo Rwanda, kuwaas oo leh xarumo tiknoloojiyadeed oo horay u tallaabsaday.

Caynte iyo saaxiibadiisa waxaa ay rajaynayaan in ay wada-shaqeyn la yeeshaan shabakadaha caalamka ee ganacsatada dhinaca tiknoloojiyadda iyo xarumaha tiknoloojiyadeed oo ay isku fikradda yihiin. Waxaa ay sidoo kale qorsheynayaan in ay dhiiriggeliyaan in ay dhallinyarada gacan ka geystaan ayna ka qayb-qaataan sidii loo gaari lahaa Yoolka Horumarinta ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan dooneynaa in aan xaqiijinno in aan isku geyno ajeendaheenna iyo Yoolka Horumarinta ee Qaramada Midoobay. Haddii aad Yoolka eegtid, mid waliba waxaa ay saameyn ku leedahay Soomaaliya. Tusaale ahaan, Yoolka koowaad, oo ah in la afjaro saboolnimada, waa arrin anaga haddaan nahay xarun hal-abuur oo dhallinyarada ganacsatada ah aan dooneyno in aan wax ka qabanno,” ayuu faahfaahintiisa ku sheegay Caynte.

Xarunta iRise oo bartilmaameedsaneysa dhallinyarada aqoon u leh tiknoloojiyadda ayaa waxaa ay ku tashaneysaa fursadaha bisil ee dhinaca tiknoloojiyadda iyo talefoonka gacanta oo si baahsan looga adeegsado Soomaaliya, si ay u gaarto hiigsigeeda.

“Ku dhowaad boqolkiba 25 dadka ku nool dalka waxaa ay isticmaalaan adeegyada talefoonnada gacanta. Taasi waxaa ay ka dhigan tahay in aan haatanba siyaabo kala duwan u adeegsanno tiknoloojiyadda. Waa awood muhiimaddeeda leh oo aan la iska fogeyn karin,” ayuu yiri Caynte.

“Waxaan aaminsannahay in tiknoloojiyadda ay xal u noqon karto caqabadaha wajiyada badan leh ee dalka ka taagan,” ayuu ku daray.

Qaramada Midoobay waxaa ay aqoonsan tahay kaalinta dhallinyarada dhinaca horumarinta iyo abuurista mashruucyada kuwaas oo gacan ka geysanaya horumarka bulshada, isla markana dhiiriggelinaya hal-abuur iyo fikrado cusub oo furaya waddooyin cusub ee lagu xalliyo caqabadaha ka