Qaramada Midoobay oo tababar ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha u qabatay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur-Galbeed

25 Sep 2017

Qaramada Midoobay oo tababar ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xeerka caalamiga ee xuquuqda aadanaha u qabatay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur-Galbeed

Baidoa - Qaramada Midoobay waxaa ay tababar laba toddobaad socon doona ee ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ee bani'aadamnimada u  qabanaysaa 63 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed.

Tababarka, oo toddobaadkii la soo dhaafay ka bilowday Baydhabo, caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, ayaa loogu talagalay in ciidamada ammaanka gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose loogu faa’ideeyo xirfadaha ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani'aadamnimada.

Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee Hay’adda Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa qabanaysaa tababarka. Tababarka waxaa uu qayb ka yahay mas'uuliyadda Howlgalka si loo taageero dib-u-dhiska hay'adaha ammaanka ee Soomaaliya.

Taageerada UNSOM ee dhinaca amniga waxaa looga gol leeyahay in lagu tayeeyo hay'adaha ammaanka laguna horumariyo awooddooda si ay u ilaaliyaan muwaadiniinta.

"Ujeeddada tababarku waa in la baro ciidamada dawladda aqoonta ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xoojinta xukunka sharciga, "ayay tiri Nadifa Carmey Cabdullaahi, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Koonfur Galbeed, intii lagu jiray furitaanka tababarka Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed. "Waxaa ay awood u siineysaa ciidamada ammaanka in ay yeeshaan faham wanaagsan oo ku aaddan xuquuqda aadanaha maadaama ay la shaqeynayaan qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah”.

Waxaa ay ka soo qaybgalayaasha tababarkani heli doonaan faham dheeraad ah oo ku saabsan dowrkooda iyo waajibaadkooda ku aadan ilaalinta shacabka, dadka iyo shakhsiyaadka nugul iyo iyo dadka la dayacay oo ay ka mid yihiin haweenka iyo carruurta. 

Charles Muwunga Mwebe, oo ah Madaxa Guddiga Xuquuqul Insaanka ee UNSOM ee Baydhabo ayaa boogaadiyey sida firfircoon ee tababarka looga qayb qaatay inti uu socday. “Waxaa ay soo bandhigayaan arrimo badan sababtoo ah tababarka waa mid wax ku ool ah oo noloshooda qayb weyn ka ah,” ayuu yiri Muwunga.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa sidoo kale tababar kani la mid ah oo looga gol lahaa in lagu kobciyo aqoonta la xidhiidha ilaalinta xuquuqda aadanaha ee ciidamada qalabka sida ayaa Saraakiisha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed loogu qabtay Baydhabo. Mowduucyadii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Xuquuqul Insaanka iyo shareecada Islaamka, takoorid la’aanta marka la fulinayo sharciga, isticmaalka awoodda, hubka, xalaadaha degdegga, ka hortagga jirdilka, xuquuqaha la xidhiidha maamulidda caddaaladda iyo Siyaasadda Ka Baarandegidda Xuquuqul Insaanka.

“Tani ma aha markii ugu horreeysay oo aan qabanno tababar noocani ah, waxaana hubaa in uu wax ka beddeli doono sida ay ciidamada ula dhaqmaan shacabka,” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cali oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ka soo qayb galay tabobarka.

Foos Cabdi Faarax, oo iyaduna ka tirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo ka soo qaybgashay tababarka ayaa sheegtay in tababarkani uu faa’iido u yahay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka labaduba. “Waxaa aan codsaneynaa tababarro dheeri ah si aan u helno aqoon dheeri ah,” ayay intaasi raacisay Foos.

Tababarka kaddib, ka soo qaybgalayaasha waxaa laga rajeynayaa in aqoonta ay faa’iideen ay la wadaagaan xubnaha kale ee ka tirsan ciidamada xoogga iyo booliska.