Haweeney u ol’ololeysa caafimaadka haweenka oo u ol’ole ugu jirtaa in Soomaaliya laga helo adeegyada caafimaadka taranka oo tayo leh

9 Oct 2017

Haweeney u ol’ololeysa caafimaadka haweenka oo u ol’ole ugu jirtaa in Soomaaliya laga helo adeegyada caafimaadka taranka oo tayo leh

Muqdisho - Dr. Sumaya Cilmi Dhuxulow oo ah shakhsi u ol’ololeysa daryeelka hooyada ahna Dhaqtarka Hooyada iyo Dhallaanka/Dhaqtarka Haweenka, ayaa ah maskaxda ka dambeysay aasaaska mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ugu horreeya gaarna u ah dhalmada iyo taranka.

Isbitaalka Daryeel Dumar oo ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho waxaa albaabada loo furay bisha Agosto.

“Fikradda ka dambeysay in la furo isbitaalka waxaa ay ahayd in la helo xarun oo ay haweenka ka heli karaan adeegyo oo ay si gaar ah u bixinayaan dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal haween ah,”ayay tiri Dr. Sumaya, oo la kaashatay labo umuliso si loo aasaaso isbitaalka. Waxaa ay intaasi ku dartay in waxaa ku dhaliyay in ay go’aansadaan in ay furan xarunta ay tahay baahida aadka ah ee loo qabo in la yareeyo tirada badan ee dhimashada hooyooyinka ee ka jirta Soomaaliya.

Isbitaalka wuxuu bixiyaa daryeelka hooyada ka hor iyo kaddib dhalmada, waxaa ayna tahay xarun si buuxa ugu qalabeysan bukaannada haweenka ah. Isbitaalkan oo la daahfuray labo bilood ka hor wuxuu fulinaya rabitaanka isbitaal haweenka u gaar ah oo ay muddo dheer dumarku baahi weyn u qabeen.

“Waxaan ogayn in sida caadiga ahba ay haweenka jecelyihiin in ay daweeyaan dhaqaatiir haween ah, si ay u ilaaliyaan sharaftooda, gaar ahaan xilliga dhalmada,” ayay tiri Dr. Sumaya.

Xarunta waxaa ay faa’iido weyn u tahay haweenka ku nool Muqdisho. Tani iyo markii uu shaqo bilaabay, Isbitaalka Daryeel Dumar waxaa aad ku sii kordhay tirada bukaannada soo booqanaya, gaar ahaan haweenka xaamilada ah, wuxuuna celcelis ahaan bishiba si nabad ah u fuliyaa 14 dhalmo.

Hooyadan oo ay dhaleen waalidiin Soomaali ah waxaa ay 31 sano ka hor ku dhalatay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa ayna leedahay 3 carruur ah. Waxaa ay Soomaaliya u soo guurtay 2003, oo ay Jaamacadda Banaadir ka baratay Caafimaad iyo Qalliin, waxaa ayna ka qalin jabisay sanadka 2010.

Isla markii ay qalin jabisay, waxaa ay si tabarucaad ah ka shaqo bilowday qaybta caafimaadka. Hadafkeeda waxaa uu ahaa in ay horumariso xaaladaha caafimaad ee dalkeeda, kaas oo burbur xooggan ka soo gaaray labaatan iyo dhowr sano oo colaad ah oo dalka ka jiray. Waxaa ay shan sano dhaqtar iskaa ah ka ahayd Isbitaalka SOS, ka hor inta aanay raadsanin fursado kale.

“Waxaan aan aad u jeclahay in aan caawiyo dadka kale, waana sababta aan u doortay caafimaadka,” ayay tiri Dr. Sumaya. Waxaa ay sidoo kale gelin tahay Dhaqtarka Hooyada iyo Dhallaanka iyo Dhaqtarka Haweenka oo ay ka tahay Isbitaalka Muqdisho City Hospital iyo Isbitaalka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa ay dhiiriggelin xooggan ka heshaa hammiga weyn ay u qabto in ay horumariso xaaladda caafimaadka ee haweenka Soomaaliyeed. Dr. Sumaya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay sii waddo in ay ka shaqeyso caafimaadka dalkeeda.

Dr. Sumaya oo hormuud ka ah qaybta caafimaadka, waxaa ay aaminsan tahay in shakhsi waliba uu kaalin ku leeyahay horumarinta Soomaaliya.

“Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya waa ay badan yihiin, balse qaybaha dhibaatada ugu weyn soo gaartay waa caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Waxaan aaminsanahay in shakhsi waliba uu dowr ku leeyahay wax ka qabashada xaaladda,” ayay xustay.

Isbitaalka haweenka u gaarka ah waxaa ay tallaabo horusocod ah u tahay Soomaaliya, oo ay haweenka baahi weyn u qabaan adeegyo la mid ah, balse aanay weli heli karin xarumo dheeraad ah oo ka jira dhammaan dalka, balse, Dr. Sumaya waxaa ay ku boorrineysa haweenka in ay qaataan shaqooyinka ku saleysan mihnad, si loo buuxiyo baahida.

“Talada aan u soo jeedinayo gabdhaha Soomaaliyeed waa in ay raacaan riyadooda ayna ku dadaalaan in ay sameeyaan wax kasto oo ay ku hamminayaan in ay sameeyaan, haddii ay tahay shaqo ku saleysan xirfad ama mihnad,” ayay tiri. “Haweenka waxaa ay u baahan yihiin in la dhiiriggeliyo, la boorriyo, lana wacyigeliyo”.