Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka fogaaday tebinta warbixinnada khilaafka dhalin kara ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Joornaaliste tabinaya hannaanka doorashada Muqdisho, Soomaaliya, 4-ta Diseembar, 2016. QM Sawir

5 Dec 2016

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka fogaaday tebinta warbixinnada khilaafka dhalin kara ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa qiray inay la yimaadeen faafreeb iskood ah xilliyada tebinta hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu halista badan ee ay suxufiyiinta ka hawlgalaan.

“Waxaan aalaaba iska daynaa wararka noo keeni kara hanjabaadyo iyo cabsigelin,” ayuu yiri Cali Cabdiraxmaan Aadan, oo ah weriye ka shaqeeya idaacadda ku hadasha afka Dowladda ee Raadiyow Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo ka hawlgala magaalada Baydhabo ee xarunta u ah maamulka Koonfur Galbeed.

“Ma tebinno sheekooyinka muranka dhalin kara ee caqabadda u horseedi kara shaqadeenna,” ayuu raaciyay.

Miciinbidista faafreebka ay suxufiyiinta ku soo rogeen naftooda waxay ka turjumaysaa xaqiiqda aadka u daran ee ay wajahayso warbaahinta wararka ee ka jirta Soomaaliya, halkaas oo in ka badan 30 weriye lagu dilay tan iyo bishii Agoosto 2012.

Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taakulaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha bishii Sebtembar ayaa sheegay in dilalka, xarigga, cabsigelinta, dhibaateynta, la wareegista qalabka, xayiraadda bogagga iyo xiritaanka warbaahinta muhiim ah ay ka mid yihiin halista ugu daran ee caqabadda ku ah weriyeyaasha iyo hawlwadeennada warbaahinta ee dalka.

Warbixinta waxay ku tilmaamtay ciidanka ammaanka ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, oo ay ku jiraan Ciidanka Qaranka Soomaaliya, Xoogga Booliska Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, inay yihiin kuwa ugu badan ee gaysta xadgudubyada ka dhanka ah shaqaalaha warbaahinta.

Hase yeeshee waqtigan doorasho wuxuu ilaa xad u ahaa xilli xasillan weriyeyaasha, in kastoo jawiga siyaasadeed ee dalku uu meel xasaasi ah marayo ayna qaar ka tirsan musharraxiinta cad cad ay gaareen heer ay sumcad xumeeyaan mucaaradkooda. 

Geeddisocodkan doorasho ee sanadkan wuxuu inta badan weriyeyaasha Soomaaliyeed uga dhigan yahay la kulankoodii ugu horreeyey ee tebin doorasho. Qaar ayaga ka mid ah waxay qanacsanaan ka muujiyeen heerka galitaanka goobaha doorashooyinka ee daafaha dalka, ee ay saraakiisha doorashooyinka siiyeen suxufiyiinta.

“Waxaa jiray goobo cayiman oo loogu talagalay weriyeyaasha,” ayuu yiri Aadan. “Ka dib marka ay soo gabagabowdo codbixinta, sarkaal ka tirsan doorashada ayaa noo yeerayay si uu nooga warramo doorashada, sida cidda guulaysatay, tirada codadka iyo magaca musharraxa lagu dhawaaqay inuu guulaystay.”

Qaar ka mid ah weriyeyaasha ayaa ka cawday tallaabooyinka amniga ee la adkeeyey ee goobaha doorashooyinka qaar ka mid ah iyo goobaha u dhow xarumaha doorashooyinka.

“Caqabaddu waxay tahay in waddooyinka la xiro (sababo amni dartood) mana jiraan gaadiid dadweyne, sidaas darteed waxaan ku khasbannaanay inaan masaafooyin dhaadheer lugayno,” ayuu yiri Maxamed Muuse Maxamed oo ah warfidiyeenka Telefishinka Bulsho ee magaalada Muqdisho.

Qaar kale oo horey u qaatay siminaarro la xiriira tebinta doorashooyinka ka hor inta aanay billaaban doorashooyinka baarlamaaniga waxay sheegeen in tababarradu ay ahaayeen kuwo waxtar leh oo ay ugu diyaargaroobeen tebinta doorashooyinka.

“Waayoaragnimo badan ayaan ka helay tebinta doorashooyinkan,” ayay tiri Farxiyo Maxamed Xuseen oo ka hawlgasha idaacadda Dalsan. “Si wayn ayay waxtar iigu lahayd inaan wararka ka tebiyo xarumaha doorashooyinka, si wacan ayaana u sameeyay,” ayay tiri Farxiya.

Siminaarro ku saabsan tebinta doorashooyinka oo tiradooda ay lix ahayd ayaa waxaa qabanqaabisay isla markaana martigelisay UNSOM bilihii Agosto iyo Sebtembar, iyadoo taageero ka heleysay maamul goboleedyada dalka iyo ururrada warbaahinta gudaha sida ururka MAP ee Puntland ka dhisan.

Warbixinteedii sanadlaha ee 2016, haya’dda u doodda xuquuqda weriyeyaasha ee CPJ ee fadhigeedu yahay New York, ayaa waxay sanadkii labaad oo is xiga Soomaaliya kaalinta koowaad ka galisay  tusmo la xiriirta la xisaabtan la’aanta kuwa ku xadgudba weriyeyaasha caalamka oo idil.

Iyagoo wajahaya halisahan dhabta ah, ayaa haddana weriyeyaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen damacooda ah inay sii wataan xirfaddooda warbaahineed.