Dhul nabdoon: Taageerida dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya looga nadiifiyo haraadiga dagaalada ee walxaha qarxa

3 Apr 2022

Dhul nabdoon: Taageerida dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya looga nadiifiyo haraadiga dagaalada ee walxaha qarxa

Dhabad iyo Galdogob - Cabsi darteed, dadka deggan Dhabad iyo Galdogob, ee woqooyiga Soomaaliya, waxaa dirqi ah inay dibedda ugu soo baxaan berrinnada u dhow guryahooda. Khatarta ayaa ahayd mid aad u wayn oo ay si fiican u yaqaanneen dadka deegaanku: socodka meelahaas ayaa ahaa mid halis ah, iyadoo ugu yaraan toban qof iyo xoolo la sheegay in ay ku dhinteen ama ay si xun ugu dhaawacmeen khatar ro qaraxyo ah oo ku firirsanaa tuulooyinkooda ilaa 1990-meeyadii. Intaa waxaa dheer, noloshooda ayay saameeysay.

"Gawaari badan iyo geel ayaa ku baaba'ay miinooyinka dhulka lagu aasay, dadkuna waa ay falan waayeen beeraha," ayuu yiri duqa Degmada Galdogob, Cabdiqafaar Ibraahim Axmed.

Xaaladdu way isbedeshay sannadihii la soo dhaafay - maanta, dadka degaanka waxay ka bixi karaan guryahooda, si ammaan ah ayayna u socon karaan, waxayna dib u bilaabi karaan dhaqdhaqaaqyada nolosha caadiga ah ee goobaha miinada laga nadiifiyey. Tani waxay mahadnaq u tahay mashruuc uu maalgeliyey Midowga Yurub (EU) oo ay fulisay hay'adda Qaramada Midoobey ugu qaybsan Miino Baarista (UNMAS) oo taageero ka heleysa HALO Trust, kaasoo cinwaan looga dhigay 'wax qabasho heer bulsho ah oo miinooyinka lagu saarayo si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. 

"Shaqadan [miino saarka] waa lama huraan waxayna u baahan tahay in la balaariyo," ayuu yiri duqa magaalada Axmed.

Xaaladda Dhabad iyo Galdogob ayaa ah mid aan ku cusbayn dalka, sidoo kale ma ahan mid ku cusub rajada duqa magaalada.

Soddon sano oo iskahorimaad hubeysan ah kaddib, haraadiga qaraxyada iyo miinada ayaa ku baahsan Soomaaliya kuwaasoo lagu dhinto, iyadoo lagu qiyaasay 1,740 Soomaali ah in ay dhinteen ama dhaawacmeen. Ilaa 2007, UNMAS waxa ay Soomaaliya kala shaqaynaysey sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha ku qarxa rayidka ah – daafiicda, rasaasta ciidanka ee yar yar, walxaha la gano, bambooyinka gacanta, gantaalaha – iyo kor u qaadista wacyiga khatartani ay keeni karto.

Ilaa 2020, UNMAS shaqadeedu waxay ku koobnayd Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo qaybo ka mid ah Galmudug. Laakiin, kaddib markii ay heleen warbixinno ku saabsan dhibanayaal ah iyo codsiyo taageero ah oo ay soo jeediyeen maamulka degaanka Dhabad iyo Galdogob - oo ah labada degmo ee ka tirsan Maamul-goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka ee Galmudug iyo Puntland - UNMAS waxay u dirtay koox soo qiimeeysa xaaladda.

"Waxaan hubinnay heerarka aagagga miinaysan, dhaawacyada iyo saameynta guud ee bulshada. Caddayntu way muuqatay: waxaa jiray meelo ay ka buuxeen miinooyinka lidka-taangiyada iyo dadka oo ay soo sheegeen bulshada labada gooboodba,” ayuu yiri Maamulaha Mashruuca UNMAS oo la tacaalaya maareynta walxahan qarxa. "Waxaan go'aansannay inaan si deg deg ah u abaabulno kooxo nadiifin ah oo ka socda beelaha degaanka, annaga oo si ku tala-gal ah diiradda u saarnay dhallinyarada."

Iyadoo hadafkii hore uu ahaa mid debecsan, dhammaadkii mashruuca UNMAS waxa uu shaqaaleysiiyey 115 xubnood oo ka tirsan beelahan si ay u qabtaan hawlaha miino-baarista, 70 boqolkiiba dadkaas oo ay da'doodu ka yar tahay 30 sano jir. Waxaa la baray xirfado farsamo oo miino-baaris ah iyadoo loo sameeyey qalabayn si wax looga qabto walxaha qarxa. Shaqaalaysiinta dhallinyarada iyo haweenka ka soo jeeda bulshada ay dhibaatadu saameysey ayaa ahayd qayb muhiim ah ujeedka mashruuca, sababtoo ah waxay u ogolaanaysaa dakhliga ka soo baxa miino-saaristu uu ugu dambeyntii ku dhaco jeebabkooda si ay uga faa'iidaystaan ​​bulshada degaanku.

"Hooyaday aad ayay ugu faraxsan tahay hadda in aan mashruucan kula biiray HALO," ayay tiri taliyaha qaybta sare ee kooxaha miino-saarka bulshada, Ramla. "Waxaan ka shaqayn doonaa sidii aan iyada uga sii farxin lahaa, oo aan u taageeri lahaa walaalahay, islamarkaana aan u bixin lahaa kharashka dugsiga wiilkayga."

Dhanka kale, UNMAS waxay sidoo kale kor u qaadday awoodda Hay'adda Maaraynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya (SEMA), oo u xilsaaran kormeerka iyo isku-dubbaridka howlgallada goobahaas, iyo sidoo kale tan hay'adaha aan dowliga ahayn. Waxay bixiyeen qalab xafiiseedyo kala duwan iyo agabka tignoolajiyada isgaarsiinta.

Ujeeddada guud ee mashruucu waxay ahayd in la abuuro jawi wanaagsan, ammaan ah islamarkaana oggolaanaya in si tartiib-tartiib ah noloshu ugu soo noqoto labada bulsho. 

Dareen caadinnimo

Bishii Diseembar 2021, oo ah markii mashruucu dhammaaday, kooxuhu waxay nadiifiyeen dhul dhan 3.65 kiiloo mitir oo jibbaaran kaasoo ka kala tirsan Galdogob iyo Dhabad. Guud ahaan, 261 walxood oo walxaha qarxa ah - madaafiic, rasaasta yar yar ee ciidanka, walxaha la gano, bam-gacmeedyo, miinooyinka lidka dadka, fuyuusyo iyo gantaalo - ayaa la burburiyay.

"Marka qofku isku dayo inuu tan u beddelo saameyn, waa inuu ka fikiraa in shay keliya uu awood u leeyahay inuu dilo ama dhaawaco dhowr qof, tusaale ahaan, ilaa toddoba, haddii aan eegno shil dhawaan dhacay. Hadda, haddii aan  badinno dhaawacyadan ilaa 261, oo ah tirada walxaha qarxa ee la helay, waxaa la heli karaa fikradda tirada dadka ee walxahan ay saameyn karaan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan UNMAS oo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

"Dadka ku nool degmooyinkaas waxay hadda rajo ka qabaan mustaqbal wanaagsan, in carruurtoodu  si nabad ah uga soo laabtaan iskuullada, xoolahooduna si xor ah u daaqaan, ganacsigoodii oo dib u billaabma iyo ganacsigii tuulooyinka ka dhexeeyey in dib loo soo celiyo," ayuu yiri Maareeyaha Barnaamijka Gobolka ee Wefdiga Yurub ee Kenya, Steven De Vriendt. 

Barashada Halista

Laakiin nadiifinta walxaha qarxa waa qayb ka mid ah shaqada UNMAS.

"Marka aan ka hadlayno guud ahaan howlaha miinada ee bini'aadminnimada, waxa aan runtii ka hadlaynaa waa shan tiir, halkaas oo miino-saariddu ay ka mid tahay howlaha lala sameeyo afarta kale," ayuu yiri sarkaalka UNMAS ee Muqdisho.

UNMAS' meelaha kale ee ay ka shaqayso waxaa ka mid ah caawinta dhibbanaha, u doodista, burburinta kaydka, iyo waxbarashada dhanka khatarta. Waxa mashruucan ugu dambeeyey oo diiradda lagu saarayo, ayaa waxaa la gaarsiiyay in ka badan 12,000 oo ka faa’iideystayaal ku kala nool Dhabad iyo Galdogob, kuwaasi oo u badnaa  dhallinyaro. Waxay kor u qaadday dhaqamada nabdoon iyadoo dadka baraysa sida si badbaado leh loogu noolaado agagaarka walxaha qarxa, iyo iyadoo hubinaysa inay fahmeen khatarta. Intaa waxaa dheer, ku dhowaad ​​700 oo aaladaha lagu hadlo ee Waxbarashada Khatarta oo ku shaqeeya cadceedda oo lagu lifaaqay fariimo wacyigelineed oo loo qaybiyay labada bulsho.

Mashruucu wuxuu socdey intii u dhaxaysey Oktoobar 2020 ilaa Diseembar 2021. Qaar badan ayaa filaya taageero dheeraad ah maadaama ay weli jiraan goobo kale oo miinaysan oo degmooyinkaas ah. Sida uu yiri Duqa Degmada Galdogob, Cabdiqafaar Ibraahim Axmed: “Waxaan rajeynayaa in maalin maalmaha ka mid ah dadku ay xor u noqon doonaan in ay u guuri karaan meel kasta, oo ay beeran karaan oo ay ceelal ka qodan karaan. Waxaan jeclaan lahayn inaan cabsida ka xorowno."

UNMAS Somalia

Laga soo bilaabo 2016 ilaa Janaayo 2022, iyagoo taageero ka helaya UNMAS, Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, AMISOM iyo ururada aan dowliga ahayn waxay burburiyeen 20,377 walxaha qarxa oo haraagii dagaalka ah iyo 856 walxaha qarxa ah.

Sidoo kale, laga soo bilaabo 2016, in ka badan 18,400 oo hub ah ayaa la calaamadeeyay oo la diiwaan geliyay dalka, waxaana la burburiyay 221 hub oo aan ammaan ahayn. UNMAS waxa kale oo ay caawisaa kooxaha bulshada ka tirsan in ay qarxiyaan walxaha qarxa meelaha muhiimka ah ee Soomaaliya oo dhan, sida isbitaallada ama goobaha ciyaaraha. Sannadka 2019-kii, UNMAS waxa ay bilowday 'Ololaha Dhulka Nabdoon' si kor loogu qaado wacyiga iyo agabka dadka ka badbaadey iskahorimaadyada hubaysan iyada oo loo marayo horumarinta ciyaaraha, wacyigelinta waxqabadka miinada iyo Yoolalka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (SDGs).

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2540 iyo 2551, UNMAS waa qayb isku dhafan oo ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobey ee Kaalmada Soomaaliya (UNSOM), kaasoo siiya istiraatiijiyad siyaasadeed iyo la-talin farsamo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa xasilinta Soomaaliya. UNMAS waa hay’adda hormuudka ka ah howshan ee hoos tagta Nidaamka Kooxda Bani’aadamnimada si ay isugu dubbarido howlaha wax ka qabashada miinooyinka bini’aadminnimo ee Soomaaliya iyadoo hoos tagta dallada Ilaalinta Caalamiga ah, oo uu hoggaamiyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Ummuuraha Qaxootiga (UNHCR).