Horumarka, caqabadaha, iyo baahiyaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu iftiimiyay booqashada Khabiirka Madaxa bannaan ee QM

2 Apr 2022

Horumarka, caqabadaha, iyo baahiyaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa lagu iftiimiyay booqashada Khabiirka Madaxa bannaan ee QM

Muqdisho – Xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa todobaadki tagay la bidhaamiyey ka dib booqashada Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ee arrimahan qaabbilsan, oo ku gebagabeeysey xusidda horumarrada iyo caqabadaha ey aragtay, iyada oo sidoo kale ugu baaqday kaalmo caalami ah oo dheeraad ah oo xuquuqda aadanaha ee dalka lagu taageero.

“Waxaan ku boorrinyanaa beesha caalamka in aysan ka daalin taageeradooda, marxaladda ugu dambeysa, ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya” eyey Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM u qaabbilsan Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan tiri xikki ey shir jaraa’id ku qabatay manta caasimadda Muqdisho, kaas oo intii uu socday ay ku sheegtay indha-indhaynta hordhaca ah iyo talo-soo jeedin ku aaddan arimo muhiim ah.

“Waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa inay sii wadaan kaalmada ay siinayaan Soomaaliya eek u wajahan xoojinta hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda iyo sidoo kale nidaamka caafimaadka,” ayey raacisay “ wax ka qabashada saameynta xun ee isbedelka cimiladu si buuxda oo wax ku ool ah ugu raaxaysashada xuquuqda aadanaha, iyadoo la hubinayo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan biyaha la cabo, goobaha fayadhowrka, guriyeynta, waxbarashada daryeelka caafimaadka ee dhammaan carruurta, gaar ahaan gabadha carruurta ah.”

Khabiirka Madaxa Bannaan waxa ay ka hadleysay dhammaadka booqasho ay todobaad ku joogtay Soomaaliya. Waxa ay aheyd teedii u horreysay tan iyo markii ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM u magacaabeen jagadan bishii Maajo ee 2020. Waxa ay waajibaadkeedu ku saleysan yihiin qiimeynta, u kuur-gelidda iyo ka warbixinta xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalkan dhaca Geeska Afrika, iyada oo ay aragtidu tahay iney sameyso talo soo jeedin ku aaddan kaalkamada farsamo iyo tayeynta dhinaca xuquuqul insaanka ah. 

Xannibaadaha safarka ee ay sababtay aafada caalamiga Koronafayras ayaa ka hor istaagtay in ay goor hore soo booqato. 

“Anigoo tixgalinaya arrintan iyo geeddi-socodka doorashada ee socda, waxaan doortay inaan booqashadeyda ugu horreeysey diiradda ku saaro xuquuqaha dhaqaale, bulsho iyo dhaqan, maadaama ay la xiriiraan halbeegyada iyo tilmaamayaasha warbixintayda labaad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey” ayey marwo Isha tiri.

Inti ay ku sugneyd Muqdisho waxa ay ay khabiiradda Madaxa Bannaani la kulantay Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, iyo Wasiirka Cadaaladda ee Dowladda Federaalka Mudane Xasan Xuseen Xaaji, iyo sidoo kale wakiillo ka kala socday ururrada samafalka iyo bulshada rayidka ah, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM) iyo hay’adaha iyo barnaamijyadda QM.

Waxa kale oo ay booqatay magaalada Baydhaba ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, halkaas oo ay kula kulanta Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ iyo saraakiil kale oo sarsare, iyo weliba wakiilada bulshada rayidka ah.

Baahiyaha Beni’aadanimo

Hadal-jeedinteeda warhaabinta, waxa ay Khabiiradda Madaxa Banaanni xustay sida arrimaha nabad-gelyo xumida, colaadaha iyo abaaraha soo noqnoday ee ay sababeen isbeddelka cimilada sii kordhinayaa tirada barakacayaasha ee Soomaaliya, iyo sidoo kale cunto iyo biyo la'aan daran.

“Si taas loo gaaro, Dowladda Federaalka ah iyo hay’adaha samafalka ayaa fulinaya Qorshaha Gurmadka iyo Diyaargarowga ee 2021-ka iyo diyaarinta cunto, biyo iyo walxo aan cunto ahayn si loo taageero dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baydhabo iyo degaannada kale ee dalka,” Ayey Marwo Isha xustay.

Baahiyaha Caafimaad 

Khabiirka Madaxa Bannaani waxa ay soo hadal qaadday sida helista daryeelka caafimaad ey aad ugu hooseyso dalka. Waxa ay soo xigatay tusaalaha Muqdisho eel eh keliya hal isbitaal dowladeed iyo sida dadku ay badanaa adeegyada daryeelka caafimaad uga raadiyaan goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay jeebabkoodana uga bixiyaan kharashaad aad u badan si ay u helaan daweyn caafimaad.

“Sidaas darteed, dad yar ayaa awoodi kara adeegyadan, taasoo horseedaysa dhimashada carruurta iyo hooyada oo sarreeysa. Haddaba waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay balaariso bixinta adeegyada caafimaadka bulshada, iyadoo la eegayo casharradii laga bartay xanuunka COVID-19, lana kordhiyo dhaqaalaha lagu bixiyo nidaamkeeda caafimaadka,” Ayey Khabiiradda Madaxa Bannaani tiri.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqday maamullada in ay kordhiyaan dadaalladooda ay ku ciribtirayaan guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha goobaha jilicsan, maadaama guurka nuucani ah sababo kobaca dadwaynaha oo aad u sarreeya keenayana cawaaqib caafimaad xumo.

Baahiyaha garsoor

Waxa ay Marwo Isha taabatay sida hab-dhaqanka iyo xaaladaha ka jira xabsidayda Soomaaliya uu uga hooseeyo hababka xaalamiga ah iyo in weli dil toogasho ka yahay ciqaab sharci ah. Waxa ay u soo jeedisay Dowladda Federaalka ah inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah.

“In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin,” ayey raacisay “haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda.

Iyada oo arrintan ka hadleysa, ayey Khabiiradda Madaxa Bannaani guud martay xarumaha xallinta khilaafaadka ee dalka. Xarumahani waxaa loo dhisay si loo maareeyo kiisaska yaryar ee madaniga ah - oo ay ku jiraan arrimaha qoyska, xuquuqda dhulka iyo hantida - iyada oo ujeedadu tahay in wax laga qabto daldaloollada ka jira waaxda caddaaladda iyo horumarinta helitaanka muwaadiniinta ee cadaaladda. 

“Xarumaha Xallinta khilaafaadka, oo ay maalgeliyaan saaxiibbada caalamiga ah, ayaa dhameystiraya hannaanka garsoorka waxaana loo aqoonsadaa in ey xalliyaan tiro badan oo kiisas ah, iyada oo la adeegsanayo shuruucda Islaamka iyo xeer dhaqameedka.”

Baahiyaha doorashooyinka

Doorashooyinka baarlamaan ee hadda ka soconaya Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday hadaljeedinta warbaahinta ee Khabiiradda. Waxa ay adkeysay in ka qeyb galka siyaasadda ee haweenka uu tahay shardi aasaasi u ah sinnaanta jinsiga iyo dimuqraadiyadda dhabta ah. 

“Si kastaba ha ahaatee, waxa aan doodaha ku ogaaday in aan la buuxin qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30 ee metelaadda haweenka inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorasho ee socoda, taas oo soo jeedinaysa in hadda loo baahan yahay in shaqo badan laga qabto doorashada soo socota, ayey Marwo Isha tiri iyada oo sidoo kalena ugu baaqday dowladda federaalka ah in ay xaqiijiso in la gaaro qoondada haweenka ee ka qaybgalka kuraasta harsan ee doorashada.

“Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dowladda in ay hubiso kala duwanaanshaha iyo ka qeybgalka, taas oo diiradda saareysa in si siman loola dhaqmo fursad loo siman yahayna la siiyo dadka la takooro iyo kuwa laga tirada badan yahay.” Ayey raacisay.

Baahiyaha Warbaahinta

Qaybta warbaahinta Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo qaaday shirka jaraa’id, iyadoo Khabiirka Madaxa Bannaan ay xustay in xuquuqda xorriyadda hadalka iyo ra’yiga ay lagama maarmaan u tahay dimuqraadiyad kasta oo shaqeyneysa. Si taas la mida, waxa ay xustay walaaca laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xabisidda saxafiyiinta ee ay ku kacaan laamaha ammaanka ee dalka oo dhan. "Waxaan rabaa inaan ku celiyo muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra'yiga. Waxaan ku talinayaa in shuruucda iyo siyaasadaha, madmadowgooda loo adeegsaday in dembi looga dhigo shaqadooda sharciga ah, in dib loo eego iyadoo la eegayo in la keeno nuxurka iyo fulinta si waafaqsan mabda'a sharciga iyo halbeegyada kale ee xuquuqul insaanka caalamiga ah" ayey tiri Marwo Isha.

Waxa ay intaas ku dartay in ay dhiirrigelisay daahfurka qeybta caawinta dhinaca sharciga ah ee ay samaysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) si ay difaac sharci ah u siiso suxufiyiinta. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa hubinta in qareennada at haystaan qalabka loo baahan yahay si kor loogu qaado xuquuqaha aasaasiga ah ee la xiriira xorriyadda warbaahinta, iyadoo lagu saleynayo heerarka sharciga caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Khabiirrada Madaxa Banaan

Marwo. Dyfan ayaa sheegtay in kormeerka iyo talooyinkeeda horudhaca ah ay ku sharrixi doonto warbixin dhameystiran oo ay la wadaagi doonto Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM iyo Shir-weynaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee qabsoomaha dabayaaqada sannadkan.

Khubarrada Madaxa Bannaan sida Marwo Isha, waxa ay qayb ka yihiin waxa loo yaqaan Habraaca Gaarka ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Nidaamyada Gaarka ah, oo ah hay'adda ugu weyn ee khubarada madax-bannaan ee nidaamka Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, waa magaca guud ee hababka xaqiiqo-raadinta iyo kormeerka madaxa-bannaan ee Golaha ee ka hadlaya xaaladaha gaarka ah ee waddan kasta ama arrimo kasta oo mowduuci ah dhammaan qaybaha adduunka. Khubarrada Nidaamyada Gaarka ah waxa ay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah; ma ahan shaqaale QM ka tirsan shaqadoodana mushaar kuma qaataan. Waxa ay ka madax-banaan yihiin dawlad ama urur kasta waxayna ku adeegaan awoodooda shakhsi ahaaneed.