Diktoor Xabeeb: Sare u qaadista xaaladda daryeelka caafimaadka ee maskaxda ee Soomaaliya

7 Apr 2018

Diktoor Xabeeb: Sare u qaadista xaaladda daryeelka caafimaadka ee maskaxda ee Soomaaliya

Muqdisho- Sannadkii 2005-tii, Diktoor Cabdiraxman Cali Cawale oo loo yaqaanno Diktoor Xabeeb ayaa waxaa uu socday mid kamid ah waddooyinka ku yaalla caasimadda Soomaaliya waxaana oo uu arkay arrin isbeddel ku keentay noloshiisa: waxaa uu arkay dareenka qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada ee ku aaddan koox gabdho ah oo la il daran xanuunnada dhimirka.

“Waxaan arkay 5 gabdhood oo da’ yar oo ay waddooyinka Muqdisho ku ceyrsanayaan islamarkaana ku caynayaan koox dad ah,” ayuu yiri Diktoor Xabeeb. “Markaas ayaan ogaaday in caafimaadka maskaxda uu yahay arrin aad walaac ugu ah bulshadeyda dhexdeeda.”

Qaabka xun ee loola dhaqmay gabdhaha maalintaasi ayaa ku dhaliyay in dhakhtarkan maskaxda ee jira 58 sano, oo ka soo jeedo degmada Shibis ee Muqdisho, in uu wax ka qabto arrintan.

Isagoo cawimaad ka helay dad iyagu is xilqaamay, ayaa waxaa uu furay Isbitaalka Cafimaadka Maskaxda ee Xabeeb sanadkii 2005-tii, waxaana halkaas lagu daweynaayay xanuunada maskaxda ku dhaca iyo isbeddelka dabeecadda – waxaana isbitalkan uu noqday kii ugu horreeyay ee Soomaaliya laga hirgeliyo tani iyo markii ay qarxeen dagaaladii sokeeye ee 1991-kii. Waxaa durbadiiba markii uu isbitaalkan furay u yimid 30 bukaan.

Tan iyo markaas, Diktoor Xabeeb daawooyinkiisa iyo adeegyadiisa ayaa ballaartay, waxaana ay ku faafeen degaannada bannaanka ka ah Muqdisho. Waxaa hadda uu maamulaa 10 xarumood oo lagu daaweeyo cafimaadka maskaxda oo ku yaallo guud ahaan dalka, waxaana ay ku kala yaallan Buuhoodle, Cabuudwaq, Gaalkacayo, Cadaado, Beledweyne, Marka, Beled Xaawo iyo Kismayo.

“Laanteenna Beled Xawo, ee gobolka Gedo waxaa la yirahdaa ‘Isbitaalka Maskaxda ee Seddax Geesoodka ah ee Xabeeb,’ tan oo loogala jeedo bukaannada laga kala keeno Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya,” ayuu yiri. “Bukaanada taariikhdooda ay muujinayso in ay isticmaalen mukhaadaraad ama daroogo ayaa waxaa iyagana laga keena Maraykanka.”

Xarumaha waxaa ay bixiyaan adeegyada la talinta bukaan socodka, bukaan jiifka inta badan waxaa laga daaweeyaa cilladda dabeecadda isbeddesha (bipolar disorder), isku dardaranka, isku buuqsanaan, niyad jab, cudurka dementia, qalalka, waalida, iyo cilladaha kale ee la xiriira isticmaalka daroogada, iyo kuwa kale.

Markii xarumaha laga soo gudbo, Diktoor ‘Xabeeb’ waxaa uu sameeya booqasho uu ku tago guryaha asaga oo bukaannada ku daaweeya guryahooda iyo bulshada dhexdeeda.

“Xanuunnada dhimirka mararka qaar waxaa ay muujinayaan dhibaatooyinka uu bukaanka la kulmo wakhtiyada qaar. Marmar bukaannada waxaa ay kaliya u baahan yihiin in laga daweeyo arrimaha horseeday dhibaatada maskaxeed,” ayuu yiri.

Sare u kaca xanuunnada maskaxda dagaallada kaddib

Xaaladda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya waxaa ay in ka badan labaatan sano ahayd mid aan mudnaanta laga siinin dhinaca arrimaha caafimaadka. Xanuunnada dhimirka waxaa ay sare u kaceen kaddib markii uu dalka ka qarxay dagaallo sokeeye 1990-kii, balse dagaalka markii uu soo afjarmay kaddib, waxaan jirin agab ku filan oo lagula tacaalo.

Sida laga soo xigtay falanqeyn ay 2010-kii sameysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay (WHO), baahsanaanta xanuunnada dhimirka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay ka sarreyso dalalka kale ee dhaqaalaha yar iyo kuwa ay ragaadisay dagaallada, iyada oo seddaxdii qofba uu qof ka mid ah qabo mid ka mid xanuunnada maskaxda. Waxyaabaha sababa ayaa waxaa ka mid ah amni darro guud, isku buuqa ka dhasha dagaallada, saboolnimada, shaqo la’aanta iyo isticmaalka mukhaadaraadka. Waxaa sidoo kale la ogaaday in waaxda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya aanay helin dhaqaale ku filan isla markana ay dayacan tahay, waxaana taasi loo sababeynaya in deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha dowliga ah ee u qaabilsan caafimaadka aanay dhaqaale fiican u qoondeyn waaxda caafimaadka.

Sida ay waddamo badan ka jiraanba, xanuunnada maskaxda ee Soomaaliya waxaa ay horseedaan faquuq daran oo dhanka bulshada ah, taasi oo micneheedu ah in bukaanno badan ay la dhibaateysan yihiin dayac iyo in Khasab lagu haayo guryahooda iyo goobaha kale. In dadka qaba xanuunnada dhimirka la xirxiro waa dhaqan aad caadi u ah.

“Haddii aan joojin wayno faquuqa ku aaddan caafimaadka maskaxda, si wanaagsan uma daweyn karno umana daryeeli karno bukaannadan,” ayuu yiri Diktoor ‘Xabeeb’,

Dhakhtarkan maskaxda ayaa aaminsan in culeyska dhinaca caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya kaliya lagu yareyn karo in si wanaagsan oo habboon loo daweeyo loona daryeelo bukaannada, iyo in sidoo kale la beddelo fikirka ay dadku ka qabaan xanuunnada dhimirka.

“Waxaa jirta baahi ah in la isku xiro daryeelka caafimaadka maskaxda ee xarumaha caafimaadka iyo adeegyada waxbarashada bulshada si wax looga qabto culeyska dhinaca caafimaadka,” ayuu yiri.

Si taasi loogu guuleysto, dhakhtarkan ayaa ku dadaalayaa in uu wacyigelin ku aaddan arrimaha caafimaadka maskaxda uu ka sameeyo guud ahaan dalka, asaga oo u marayo ol’ole.

“Waxaan aadi jiray 16 dugsi sare isla markana waxaan bixin jiray casharro hal-saac ah oo ku aaddan caafimaadka maskaxda, aniga oo fahamsiinayey in xanuunnada dhimirka aysan kaliya ku koobneyn Soomaaliya,isla markana la daaweyn karo,” ayuu yiri.

Howlihiisa wacyigelinta ee uu ka fidiyo dugsiyada ayaa uu ballaariyay oo uu ku daray in uu arday la soo xulayo uu tababar ku aaddan daaweynta caafimaadka maskaxda si ay gacan uga geystaan daaweynta bilaashka ah ee dadka qaba xanuunnada maskaxda.

Sanadahan dambe, QM ayaa fidisay taageerro kala duwan. Waxaa ka mid ah tababarka dhakhaatiirta xanuunnada maskaxda, iyo sidoo kale fidinta barnaamijyo sida ‘Barnaamijka Silsilad La’aanta’ ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kaas oolooga gol leeyahay in lagu soo celiyo xuquuqda iyo sharafta dadka qaba xanuunnadda maskaxada iyada oo loo marayo ol’ole ku aaddan isbitaallo aan laga adeegsan silsilado, guryaha aan laga adeegsan silsilado, iyo jawi aan laga adeegsan silsilado kuwaas oo sare u qaadayo tayada nolosha.