Qubaaye: Sida ay ciyaarta kubadda cagta ah u beddeli karto qof noloshii iyo bulshada

6 Apr 2018

Qubaaye: Sida ay ciyaarta kubadda cagta ah u beddeli karto qof noloshii iyo bulshada

Ronaldo. Messi. Neymar. Waa magacyada ciyaarahaannada kubadda cagta ah ee ugu caansan oo ay dad badan taageeraan guud ahaan caalamka, oo ay ku jiraan taageerayaasha ku nool Soomaaliya.

Maalin maalmaha ka mid ah, taageerayaasha Soomaaliyeed waxaa dhici kartaa in ay yeeshaan shakhsi iyaga ka mid ah oo ay si weyn u taageeri doonaan, kaasi oo ah wiil 21 jir ah oo loogu magacaabo Cabdikariim Cabdalle Maxamuud oo loo yaqaanno ‘Qubaaye’.

Qubaaye oo haatan u ciyaaro Naadiga Kubadda Cagta ah ee Dekedaha, oo ka mid ah Horyaalka Koowaad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa ku hamminayaa in uu noqdo ciyaaryahanka kubbadda cagta ah ee Soomaaliyeed ee ugu caansan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka aan sameeyay illaa iyo hadda," ayuu yiri ciyaaryahanka kubadda cagta, oo ka soo jeeda degmada Waaberi ee Muqdisho.

Si uu u gaaro hammigiisa, Qubaaye waxaa uu shan maalmood usbuucii tababar ku qaataa Garoonka Jaamacadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo ku yaalla degmada Hodan.

Isaga oo dhaqaale yar ka hela kubadda cagta, ayaa jadwalka tababarkiisa waxaa lagu go’aamiyaa jadwalka tartamada ay kooxdiisu ka qayb qaadato. Marka uu socdo xilli ciyaareedka kubadda cagta, tababar aad u daran ayuu qaataa, waana sida uu isaga jecelyahay.  

Qubaaye waxaa uu weligii ku hamminaayay in uu noqdo ciyaar yahan heer sare. Waxaa uu dugsiga sare dhammeeyay 2012-kii isaga oo uu markaasi ahaa 15 sano jir, balse ma uusan ka qayb galin jaamacad, waxaana uu ka doorbiday in uu xoogga saaro kubadda cagta.

Waxaa uu ahmiyadda koowaad siiyay in uu sii wanaajiyo oo uu sii kobciyo xirfaddiisa ilaa uu guul weyn gaaro.

"Tan iyo markii aan ku soo biiray isboortiga, waxaan sameeyay isbeddello badan oo wanaagsan," ayuu yiri. "Muuqaalkeyga jireed iyo awooddeyda maskaxeed ayaa si weyn u soo wanaagsanaadeen, iyo sidoo kale xirfaddeyda dhinaca kubada cagta."

Sanadkii 2013, waxa lagu daray xulka Soomaaliya ee 20 jirada, waxaana uu dalkiisa ku matalay tartamada gobolka oo ay qabteen Golaha Xiriirka Kubadda Cagta ah ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Qubaaye ayaa sidoo kale dhowr jeer Soomaaliya u soo ciyaaray isreebreebka Koobka Adduunka. Inkasta oo dadaallada ay xulka qaranka sameyneyso aysan weli guul Soomaaliya guul uga keenin tartanka caalamiga ah, waxaa uu ku kalsoon yahay in waddanka uu mustaqbalka dhow gaari doono yoolkan.

Faraj iyada oo ay jiraan dagaallo

Isaga oo dhashay xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, Qubaaye ayaa si la mid ah dhalinyarada kale oo badan ku koray burbur iyo saboolnimo ay sababeen colaadaha. Isboortiga ayuu ka helay waddo uu uga baxo dhibaatadan.

Dhallinyaro badan oo iska baaga muundo ah ayaa la falal dembiyo ku kacaa, waxaa ayna ku biiraan kooxo hubeysan. In badan ayaa iska hor imaad lagu dilaa. Waan ku faraxsanahay in aan wakhtigeyga ku bixiyo in aan dhiso xirfaddeyda dhinaca kubadda cagta ah,” ayuu yiri.

Maadaama ay dhiiriggeliso wada noolaanshaha, Qaramada Midoobay waxaa ay isboortigu u aqoonsan tahay aalad lagu dhiso nabadda iyo horumarinta meelaha ka soo kabsanaya colaadaha. Xilli caalamka laga xusaayo Xuska Maalinta Ciyaaraha iyo Kaalinta ay ka qaadato Horumarka iyo Nabadda, dhallinyarada sida Qubaayo waxaa loo arkaa in ay tusaale wanaagsan u yihiin miraha laga dhaxli karo isboortiga, shakhsi ahaan iyo bulshada guud ahaan.

“Waxaad arki kartaa ciyaartooy ka kala socda deeganno iyo qabaa’illo kala duwan oo u ciyaaraya hal koox, ama ciyaartooy ka socda dhinacyo is dagaalsan oo tartan isla galaya. Tani waxaa ay yareyneysaa xiisadaha waxaa ayna abuureysa jawi degan,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeda qabaa’illada Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay waxaa ay isboortiga u aqoonsan tahay aalad muhiim ah oo horseedi kara horumarka waara. Dhinaca Ajendaha Horumarka Waara ee 2030, hay’addan caalamiga ah waxaa ay aqoonsan tahay kaalinta isa sii tareysa ee ciyaaraha ay ka geysanayaan in la gaaro horumar iyo nabad, iyaga oo u maraya dhiiriggelinta wada noolaanshaha. 

Audrey Azoulay, oo ah Agaasimaha Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa farriinteeda ku aaddan munaasabadda ku sheegtay in isboortiga uu yahay dadaal shakhsi iyo mid wadajir ah.

“Waxaa uu ku tiirsan yahay ixtiraam, is faham, is dhexgal, iyo wadahadal, wuxuuna gacan ka geystaa horumarka iyo waxqabadka shakhsiyaadka iyada oo aan loo eegin da’, jinsi, asal, qofka wuxuu aaminsan yahay, iyo aragtida. Taasina waa sababta uu isboortigu u yahay madal gaar ah ee lagu sameeyo waxqabad iyo dib u milicsi si isbeddel loogu keeno bulshadeenna,” ayay raacisay.