Doorashadii Aqalka hoose ayaa ka bilaabatay Gobolka Banadir

Ergay ag maraya sanduuqa codbixinta inta lagu guda jiray doorashada xubnaha Aqalka Wakiilada Dadweynaha ee Baarlamaanka Federaalka, Moqdisho, 30 Nofeembar 2016. QM Sawir

30 Nov 2016

Doorashadii Aqalka hoose ayaa ka bilaabatay Gobolka Banadir

Labo xildhiban ayaa maanta lagu doortay doorashoyinka ka bilowday gobolka banaadir maanta.

Doorshada ayaa si nabad ah u dhacday waxana lagu doortay gudoomiye ku-xigeenkii labaad ee baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Khalid Macow Cabdulkadir oo ku cusub siyaasada.

Mahad Cawad ayaa ka adkaaday labo murashax oo kula tartameysay kursiga, isagoo si aqlabiyad ah uga guuleystay helayna 50 cod 51-kii cod ee la dhiibtay. Laakin Cabdulqadir ayaa galay tartan adag kadib markii kaga guuleystay Shariif Maxamed Sidii oo la tartamayay 29 cod, Shariif ayaa helay 21 cod kaliya.

Doorshadan ka bilaabatay Muqdishu ayaa waxaa kormeerayay guddomiyaha gudiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal Cumar Maxamud Cabdulle; ku xigeenkisa Deeqa Yasin, duqa Muqdishu Sheekh Yuusuf Jimcaale iyo marti kale.

Dadka guuleystay waxaa ku dhawaaqay gudoomiye Cumar Cabdulle iyo Xubin ka tirsan gudiga oo lagu magacabo Awees Abokar Sokoro.

“Tartanka waxa u dhaxmaray Mahad Cawad iyo Xasan maxamed Nuur. Mahad Cawad ayaa helay 50 cod halka Xasan Nuur na uu helay 1 cod. Sidaa darted waxan ku dhawaqayaa in Mahad Cabdulle Cawad uu ku guuleystay kursigan,” Sidaa waxa ku dhawaqay gudoomiyaha GGHDDF Cumar Cabdulle.

Mudane Cumar Cabdulle ayaa ku timaamay doorashada ka dhacday Muqdishu mid taarikhi ah wuxuna muujiyay rajo in doorashada ku dhamaan doonto guul.

“Waa maalin muhiim ah tan iyo markii aan bilownay doorashoyinka July, hadda waxan joogna heer gabagabo ah inkastoo weli gobolada ay doorashadu ka socoto. Xildhibanada manta la doortay tirada baarlamanka waxay ka dhigeysaa saddex meelood labo meel inkastoo aanan weli doorashoyinka Soomaliland weli la guda galin,” Sidaa waxa yiri gudoomiye Cumar cabdulle.

Kadib guushii Mahad Cawad oo in badan ahaa Xildhibaan ayaa ku tilmaamay guushii u gaaray mid deeganka uu kasoo jeedo ku siiyeen kalsoonidooda. “Farxad bey ii tahay inaan dib la ii doortay waana u mahadcelinaya ergadii ka socotay deegankeyga kuwasoo I siiyay kalsoonidooda iguna aaminay xilkan culus,” ayuu yiri Mahad Cawad

Xildhiban Cabdulqadir ayaa dhankiisa ku tilmaamay doorashinka 2016 kuwa muujinaya bilow cusub siyaasda Soomalida.

Banaadir, under which Mogadishu falls, still has five seats to fill. FIEIT Chairman noted that the process to fill the remaining seats may resume at the weekend.
“Habkan waa mid ku cusub Soomaliya laakin sida la dhaho safar 1000 mayl ah wuxu ka bilowdaa hal talaabo. Tani waa tilaabadii ugu horeysay ee loo qaado dhanka dimoqraadiyada. Waa macquul inuu safarku nagu dheerado laakin xalka waa inuu ka yimaada Soomalida. Waa iney u madax banaanadan howlahooda. Waxan rabaa inaan kor uqaado wacyiga dadkeyga. Waa iney ogaadan in nabad-galyada ka horeyso wax kasta. Waxan raba in loo gogol xaaro nabad iyo dib-u-heshiisiin si loo midoobo,” Sidaa waxa yiri xildhibanka la doortay Cabdulqadir.

Maxamed Bin Cali oo ka tirsan ergada ayaa aad ula dhacay doorashada isagoo ku tilmaamay mid hor iyo xalaal ah. “Amaanka doorashada wuxuu ahaa mid fiican. Ma jirin wax dhib ah oo la soo sheegay. Aadban ugu faraxsanahay sida ay doorashada u socoto,” ayuu yiri Maxamed Bin Cali

Magaalada Baydhabo, lix murashax ayaa la doortay labadii maalmood ee lasoo dhaafay. Talaadadii, labo xildhiban hore Sareedo Maxamed Cabdulle iyo Maxamud Maxamed Bono ayaa aad ugu farxay in dib loo soo doortay.

Xildh.Sareedo Cabdulle ayaa heshay 32 cod iyadoo ka adkaatay labo murashax oo kale Mako Maxamed Maxamud iyo Xamdi Hilowle Macalin oo kale helay 14 cod iyo 2 cod, kursigan ayaa waxa ku tartamayay haween kaliya. Maxamud Bono ayaa isna helay codad gaaraya 31 cod Cabdulqadir Maxamed Cali oo la tartamayay ayaa helay 20 cod.

Maanta, ilaa afar murashax ayaa lagu doortay maamulka Koonfur galbeed. Afartan ayaa kala ah: Xassan Ibrahim Maxamed xildhiban hore, Cabdifitax Ibrahim gesey, Maxamed Isaaq Cusmaan iyo Iiman Cabdullahi Cali. 

Ku-xigeenka gudiga hirgalinta doorashoyinka dadban Sid Cali Abuukar Baafo ayaa sheegay in ay kusoo dhameystiri doonaan 69 kursi ee loo qoondeeyay Koonfur galbeed si dhaqso ah.

Mudane Baafo wuxuu amaanay xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM iyo Howl-gal midowga Africa ee AMISOM doorka wanaagsan ee ay ka geysteen arimaha doorashoyinka.

“Guusha la gaaray ma dhacdeen haddii aysan jirin taagerida iyo isku xirnaanta jilayaal fara badan oo ugu horeyaan bulshada caalamka qaasatn UNSOM, ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri Mr Baafo.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa ilaa hadda buuxiyay 65 kursi 69 kursi oo laga rabay. Afarta hartay ayaa la filayaa in lasoo dhameystiro maalmaha soo socda.

Magaalada Cadaado, arbacadii waxaa la doortay Maxamed Axmed Abdtidoon oo ah ganacsade iyo dhaqdhaqaaqe dhanka dhalinyarada isagoo la tartamay afar murashax oo ay ku jirto Caasho Xaaji Cilmi oo kursiga ku fadhiday. Xildhiban Abtidoon ayaa sheegay in doorashadiisa ka tarjumeyso rabitaanka ergada wax dooraneysay oo rabeen isbadal dhab ah.

“Doorashadan waxay cadeyneysaa inaan u baahanahay is bedel. Ergada wax dooraneysay waxay raadinayeen qof wax qabad leh. Waan u mahadcelinayaa ergada sida ay iigu garteen inaan ku matalo kursigan,” ayuu yiri Xildhiban Abtidoon.