GFHDD oo booqday Galmudug si uu ugu baaqo in doorashada Aqalka Hoose lagu soo gabagabeeyo waqtiga loogu talagalay

Xubno ka tirsan Guddiga  Heer Federaal ee Hergelinta Doorashooyinka Dadban  ayaa yimi Cadaado, Dowladda Galmudug si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray hannaanka doorashada socota ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

24 Nov 2016

GFHDD oo booqday Galmudug si uu ugu baaqo in doorashada Aqalka Hoose lagu soo gabagabeeyo waqtiga loogu talagalay

Xubno ka tirsan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa booqday caasimadda Maamulka Galmudug si ay ugu cadaadiyaan maamulka halkaas ka dhisan in doorashooyinka socda ee kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka lagu soo gunaanado xilliga loo qorsheeyey.

Kooxda GFHDD waxay la kulantay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Galmudug si ay uga wada hadlaan heerka ay marayaan doorashooyinka ka socda Galmudug, oo ilaa hadda buuxisay 21 ka mid ah 36-da kursi ee ay ku leedahay Aqalka Hoose.

“Booqashadeenna maanta waxay la xiriirtaa sidii aan u qiimayn lahayn sida ay doorashooyinka uga socdaan Galmudug. Waxaan halkan u nimid xaqiijinta in geeddi socodka lagu soo afjaro waqtiga loogu talagalay, oo ah 30-ka Nofembar ee sanadkan. Waxaan rabnaa in aan ku dhiirrigelinno maamulka Galmudug sii wadista hawsha fiican iyo meelaha ay cabashooyinka ka jiraan, markaas ka dib ayaan la tacaali doonnaa oo aan xal u raadin doonnaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha GFHDD Cumar Maxamed Cabdulle.

Cumar ayaa sheegay in guddiga GFHDD uu u hoggaansami doono jadwalka doorashada ee uu horey u soo saaray bishii Sebteembar. Wuxuu sheegay in geeddi socodka doorashada oo lagu soo gabagabeeyo waqtiga loo qorsheeyey uu awood u siinayo dalka in uu yeesho dowlad cusub iyo baarlamaan federal ka hor dhammaadka sanadka 2016.

GFHDD ayaa ku cadaadinaya dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka ee heer maamul goboleed in ay de-dejiyaan doorashada kuraasta aan wali la buuxin ee Golaha Shacabka. Waxaa loo baahan yahay in la helo kooram saddex meelood labo meel xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka si loo qabto doorashada madaxtinimada, sida ka xusan Dastuurka ku-meel-gaarka ah ee 2012 ee Soomaaliya.

Aqalka Sare ayaa dhaafay heerkaas iyadoo 43 ka mid ah 54 kursi ee aqalkan durba la doortay.

“Waxaan rajeyneynaa in aan helno ugu yarnaan saddex meelood labo meel xubnaha Aqalka Hoose ka hor 30-ka Nofembar oo ah xilliga kama dambaysta. Waxaan ilaa hadda haynaa wadarta 145 xubnood, haddii aan helno 35 xubnood oo dheeri ah, dalku wuxuu yeelan doonaa baarlamaan fadhiisan kara oo go’aan ka gaari kara arrimaha qaranka,” ayuu raaciyay Cabdulle.

Waxaa hadalkiisa soo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi, kaas oo u xaqiijiyay kooxda GFHDD in Galmudug ay buuxin doonto 15-ka kursi ee u harsan ka hor dabayaaqada bishan.

“Waxaan qabannay hawlo badan si aan u xallino khilaafaadka. Waxaan rajeyneynaa in aan soo gabagabeyno doorashada xubnaha haray ee Aqalka Hoose Isniinta ama Talaadada toddobaadka dambe,” ayuu yiri Mudane Xaashi.

Dhinaca kale, Guddiyada GFHDD iyo kan xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah iyagoo ku dhawaaqay in ay baaritaan ku hayaan kiisas la xiriira anshax xumo doorasho ka dib eedo la xiriiray musuqmaasuq, cabsigelin iyo faragelinta doorashooyinka socda.

Labada guddi ee doorasho ayaa ku gooddiyay maanta in tallaabo adag laga qaadi doono kiisaska la xaqiijiyo in anshax xumo doorasho ay jirto.

“Marka baaritaannada ay xaqiijiyaan in anshax xumo doorasho oo dhab ah ay dhacday, guddiyada GFHDD iyo kan xallinta khilaafaadka doorashooyinka waxay qaadi doonaan tallaabooyin ku habboon,” ayay labada guddi ku sheegeen qoraalka. “Waxaa tallaabooyinkan ka mid noqon doona baabi’inta natoojiyinka doorashada iyo reebitaanka musharraxiinta ku kacay falalka anshax xumada.”

Qoraalka wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah qabaa’ilka aanay u hoggaansamayn qoondada 30 boqolkiiba ee metelaadda haweenka ee baarlamaanka. Dhanka Galmudug, kaliya saddex ka mid ah 21-ka xubnood ee ilaa hadda loo doortay Golaha Shacabka ayaa haween ah.

“Sharcigan wuxuu u baahan yahay in la xushmeeyo marka la gaaro doorashooyinka soo socda. Ku guuldarraysiga fulinta waajibaadkan wuxuu sababi doonaa tallaabo ay qaadaan guddiyada GFHDD iyo kan xallinta khilaafaadka doorashooyinka, oo ka dhan ah qabaai’lka ku xadgudba qaanuunkan,” ayay ka digtay warbixinta.

Labada guddi doorasho ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso in ay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo xeerarka geeddi socodka doorasho sida ku qeexan laguna heshiiyey Madasha Hoggaanka Qaranka.