Doorashoyinka Aqalka hoose ayaa galay waqtiyadii ugu danbeeyay maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug

Ergay codbixinaya intii lagu gudajiray hannaanka doorashada  ee Jowhar oo lagu xulanayey xubnaha Golaha Shacabka, Soomaaliya, 3-da Diseembar 2016. QM Sawir

3 Dec 2016

Doorashoyinka Aqalka hoose ayaa galay waqtiyadii ugu danbeeyay maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug

Saddes murashax oo ka tirsan Aqalka hoose ayaa lagu labadii maalmod ee lasoo dhaafay maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug iyadoo doorashada kusii siqeyso dhamaad.

Labo ka mid ah xildhibanada la doortay waa dumar, iyadoo gudiyada doorashoyinka ee heer maamul goboleed kor u qaadeen dadaalka llogu jiro in laga miro dhaliyo qoondada haweenka ee ah 30% baarlamanka soo socda.

Maamulka Hirshabelle caasimadiisa Jowhar waxa lagu doortay Faadumo Faarax Ibraahim doorashadii ka dhacday manta, Faaduma ayaa noqoneysa haweentii tobanaad ee lagu doorto Hirshabelle.

Faadumo oo ku cusub siyaasada ayaa bogaadisay ergada dooratay iyo waliba kormeerayaashii la socday hab-raaca doorashada.

“Waxan u mahadcelinaya dhamaan inta I dooratay iyo waliba kuwa aanan ii codeyn. Waxan sidoo kale u mahadcelinaya kormeerayasha iyo dadka soo qaban qaabiyay doorashadan. Shaqadeyda waxan u gudan doona si ku haboon. Waxaan juhdi badan galin doonaa ka shaqeynta hormarka,” ayay tiri Faadumo Ibraahim oo ka mid ah e32 xubnood oo lagu doortay muumulka Hirshabelle, doorashada Aqalka hoose.

Aamina Cabdullahi Derow oo ka tirsan Gudiga Hirgalinta Doorashoyinka Dadban ee heer Federaal (GHDDF) ayaa ugu hambalyeysay maamulka Hirshabelle sida ay u muujiyen dhiira-galinta haweenka murashaxiinta ah.

“Waa inaan si adag ula shaqeynaa maamulkaas, ilaa hadda waxan ka heynaa 10 haween ah,” ayay tiri Marwo Aamina

Magaalda Baydhabo waxa lagu doortay Deeqa Xussein Xassan iyadoo noqotay haweentii afar iyo tobanaad ee lagu doorto maamulka Koonfur galbeed.

“Waan ku faraxsanahay in ergada igu aamineen mas,uuliyadan weyn. Waxaan balan qaadaya inaan wax badan u qaban doono dadkeyga. Waxan u noqon doonaa codka dadka dhibaateysan.dhamaan soomalida waa walaalahey. Waxaan ku dadaali doonaa inaan wixii karaankeyga ah u qabto,” ayay tiri Deeqa

Ganacsade CabdiSabir Nuur Shuuriye ayaa guul ka gaaray doorasho ka dhacday magalada Cadaado, Galmudug wuxuna ka guuleystay Cabdulqadir Cali Cumar oo ahaa ninka kursiga ku fadhiyay horeyna u soo noqday wasiir, Shuuriye ayay u tahay markii ugu horeysay ee u tartamo.

“Waan u mahacelinaya kooxda doorashoyinka sida wacan oo ay usoo agaasimeen doorashada,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu u macadceliyay ergadii dooratay wuxuuna balan qaaday inuu kor u qaadi doono rajooyinkooda.

Cabdulqadir Nuur Maxamed oo ka mid ah ergadii wax dooraneysay ayaa ku tilmaamay doorashda mid xor iyo xalaal ah wuxuuna ku booriyay dadka deegan iney taagerran doorashada.

“Waan ku faraxsanahay qaabka doorashada loo qabtay. Waxan filayaa inaan dooranay qofkii ku haboonaa kursiga. Waana rajeynaa inuu wax qabad la imaan doono,” ayuu yiri Maxamed.

Doorashada Cabdisabir ayaa ka dhigeysa tirade guud ee Galmudug lagu doortay 30 xildhiban waxaana haray lix kursi oo iyana lasoo buuxin doono maalmaha soo socda.