Dowladda Soomaaliya oo u ballanqaadday QM taageero iyo is-garab-taag

Somalia’s government reassures UN of its solidarity and support

Dowladda Soomaaliya oo u ballanqaadday QM taageero iyo is-garab-taag

15 Jan 2019

Dowladda Soomaaliya oo u ballanqaadday QM taageero iyo is-garab-taag

Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta caasimadda Soomaaliya kula kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ka dib weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee 1-dii Jannaayo lagu bar-tilmaameedsaday xarunta QM. 

“Waxaan u imid inaan bahda QM u muujiyo is-garab-istaag ka dib weerarkii ay gaysatay Al-Shabaab 1-dii Jannaayo, kaas oo dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalahooda,” ayuu yiri Mudane Cawad muddadii uu ku jiray booqashadii uu ku tagay xarunta oo ay ku yaallaan xafiisyada Hawlgalka Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOM), Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) iyo tiro kale oo ka mid ah hay’adaha QM, ururro iyo barnaamijyo.

Waxaa kulanka martigeliyey Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, Madaxa UNSOS, Lisa Filipetto, iyo Isku Duwaha Arrimaha Bini’aadannimada ee Soomaliya ahna Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq.

“Waxaa dowladda Soomaaliya ka go’an ilaalinta QM iyo xaqiijinta badbaadadooda iyo amnigooda,” ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda, oo ammaanay shaqada muhiimka ah ee QM ay ka hayso Soomaaliya.

“Aad baan uga mahadnaqaynaa booqashadiisa. Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada uu u muujiyey shaqadeenna. Waxaan yeelannay wadahadal aad u fiican oo ku sabaasanaa sidii aan u dhisi lahayn xiriir wadashaqayn oo wax ku ool ah iyo sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka loo baahan yahay si aan u helno ilaalo wanaagsan oo ku saabsan amniga shaqaalaheenna,” ayuu sheeegay Mudane Zenenga.

Mudane Cawad ayaa intaas ka dib kormeeray goobihiii ay duqaynta waxyeelleysay wuxuuna u xaqiijiyey QM taageerada buuxda iyo sida dowladdiisa uga go’an tahay badqabkooda iyo ilaalintooda.

“Ujeeddada labaad ee booqashadeydu waxay ahayd inaan u ballanqaado hoggaanka QM ee Soomaaliya iyo bahda QM taageerada dowaldda Soomaaliya. Waxaan halkan u joognaa inaan taageeerno QM, inaan la shaqeyno ayaga iyo inaan taageerno sidii ay carqalad la’aan u gudan lahaayeen waajibaadkooda,” ayuu ballanqaaday.

Toddobo madaafiic ah ayaa ku soo dhacay gudaha xarunta wayn ee QM ee Muqdisho galabtii maalintii Sanadka Cusub billowday. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee tooska ahayn, kaas oo ay si kulul u cambaareeyeen Dowladda Federaala Soomaaliya, Xog-hayaha Guud ee QM iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.