Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya u ballanqaadday deeq dhan 70 milyan oo Yuuro

2 May 2017

Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya u ballanqaadday deeq dhan 70 milyan oo Yuuro

Muqdisho – Dowladda Jarmalka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 70 milyan oo Yuuro, oo u dhiganta 76 milyan oo doolar, ayada oo ballan-qaadday in ay sii laba jibbaarayso taageerrada looga jawaabayo abaaraha sida ba’an dalka u sameeyay.

Ballan-qaadkani waxaa sameeyay Wasiirka Ariimaha Dibadda ee Jarmalka, Sigmar Gabriel, xilli uu dalka Soomaaliya u joogay booqasho hal maalin ah oo uu ku qiimeynayo xaaladda bini’aadinimada ee dalka ka jirta.

Mudane Gabriel ayaa Muqdisho kulamo kula yeeshay Raisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kaddibna waxaa uu booqasho ku tagay magaalada Baydhabo sii uu u qiimeeyo saameynta abaaraha ee degmada.

Mudane Kheyre ayaa u mahadceliyay dowladda Jarmalka taageeradeeda joogtada ah waxaana uu ku boorriyay deeqbixiyeyaasha kale in ay ku daydaan dowladdan ka tirsan Midowga Yurub.

 “Waxaa aan yeelannay kulamo waxgal ah, waxaana hoosta ka xariiqnay waxyaabaha ay dowladda u taagan tahay iyo halka aan hiigsaneyno. Waan soo dhaweyneynaa taageerrada ay dowladda Jarmalka u fidisay Soomaaliya. Waxaa aan rajeyneynaa in ay sii wadi doonto taageerrada noocani ah,” ayuu Raisal Wasaaraha yiri. 

Waxaa uu raisal wasaaraha xusay in Soomaaliya ay ka soo kabsaneyso dhowr sano oo dagaalo sokeeye ah, waxaa ayna dadaal ugu jirtaa soo celinta xiriirka dowladaha beesha caalamka.

“Waxaa aan rajeyneynaa in dowladda Jarmalka ay wakiil inaga noqon doonto Midowga Yurub, sidoo kale maadaama dalkeenna uu wax ka beddelay sida aan caawimaad u heli jirnay, waxaa aan ku rajo weynahay in ay isbeddel yimaadi doonaan maadaama aan mudnaanta siineyno dib u dhiska dalka, oo aanan kaliya diiradda saareynin abaaraha,” ayuu ku daray Mudane Kheyre.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa asna sheegay in abaarta ka jirta dalka iyo gobolka ay mar kale u dhowdahay in ay isku beddesho xaalad bini’aadinimo oo degdeg ah, asaga oo intaasi ku daray in loo baahan in la qaado tallaabooyin waxgal ah oo xaaladdan wax looga beddelayo.

“Tani waa sababta anaga (Jarmalka) iyo Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay aan baaq u dirnay oo aan ku dalbaneyno in la badiyo gargaarka loo fidinayo Soomaaliya iyo dadka ku nool waddama Geeska Afrika,” ayuu yiri Mudane Gabriel.

Waxaa uu xusay in wada hadalka uu la sameeyay raisal wasaaraha aysan kaliya ku koobneyn abaaraha dalka ka jira, balse ay sidoo kale ka wada hadleen sida xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka Soomaaliya.

“Marka laga soo tago heshiiska aan ka gaarnay istarateejiyadda cusub ee Soomaaliya, waxaa aan sidoo kale aaminsannahay in ay tahay xilligii beesha caalamka ay mar kale u istaagi lahayd una muujin lahayd in ay si dhab ah uga go’an tahay la dagaalanka gaajada,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibadda asaga oo ka sheekeynayo abaaraha soo noqnoqday.

Mudane Gabriel waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha maamul-gobolleedka Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ka hor in uusan kormeer ku samaynin xerada barakacayaasha ee Maqori Manyow iyo xarunta dhaqancelinta, hubka dhigista iyo ishdexgalka ee DDR.

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa Baydhabo ku weheliyay Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, waxaana uu ishiisa ku arkay xaaladda ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah.

Wasiirka Hubka dhigista iyo Dhaqan celinta ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Eelay, ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay xarunta dhaqancelinta ee DDR oo ay maalgelisay dowladda Jarmalka.

“Xarunta ay hoy u tahay dadka ka soo goostay Al-Shabaab oo go’aansaday in ay joojiyaan dhibka ay ku hayaan dadkooda. Sida aad aragtaanba, dadkaan da’ yarta ah waa ay isa soo dhiibeen, in badan oo ayaga ka mid ahna waxaa ay ku laabteen bulshada kaddib markii la siiyay tababar xirfado wax ku ool ah. Waxaa aan rajeyneynaa in goor dhow inagu soo biiri doonaan kuwa kale. Waxaa aad ka mid tihiin dadka iyo dalka, “ ayuu Wasiir Eelay ku yiri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

Marka laga reebo xarunta dhaqancelinta ee DDR, mashruucyada kale oo ay maalgeliso dowladda Jarmalka waxaa ka mid ah dayactirka waddooyinka, sare u qaadidda ammaanka cunnada iyo nafaqada ee dadka nugul iyo maareynta dhulka.