Dowladda Soomaaliya, bulshada rayidka ah iyo Qaramada Midoobey ayaa maamuusaysa sannadguuradii kasoo wareegtey go’aankii taariikhiga ahaa oo ku saabsanaa haweenka, nabadda iyo amniga

23 Oct 2022

Dowladda Soomaaliya, bulshada rayidka ah iyo Qaramada Midoobey ayaa maamuusaysa sannadguuradii kasoo wareegtey go’aankii taariikhiga ahaa oo ku saabsanaa haweenka, nabadda iyo amniga

Muqdisho– Sare u qaadista horumarka laga gaarey ka qaybgalka haweenka ee nabadda, amniga iyo dadaallada horumarineed ee Soomaaliya ayaa maanta si toos ah diiradda loogu saaray kulan ay isugu yimaadeen dowladda, bulshada rayidka ah, wakiillada Qaramada Midoobey, iyo qaar kale oo badan. 

"Waxaan rabaa in aan sheego sida ay wax u dhiirigelinayso inaan arko hoggaamiyeyaal badan oo haween ah oo ka kala socda meelo badan oo kala duwan oo hawlo qabta. Inta badan waxaynu ku fikirnaa in hoggaamintu tahay mid asliyan u gaar ah saaxadda siyaasadda. Laakiin waxaan filayaa in kooxdani ay maanta muujinayso in... haweenku ay noqon karaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda, ganacsiga, waxbarashada, laamaha amniga iyo bulshada rayidka ah, iyagoo u dhiirigelinaya walaalahooda Soomaaliyeed siyaabo badan,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaa muhim ah in aan aqoonsanno in hoggaamintu ay leedahay dhinacyo badan, waxaana lagu muujin karaa siyaabo badan oo kala duwan. Taasina waa waxa aannu maanta halkan ku aragno,” ayuu raaciyey. 

Mas’uulkan ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ka hadlayay ‘Maalinta Furan ee Qaramada Midoobey ee Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka,’ taasoo loo qabtay si loogu xuso sannadguuradii 22-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey gaar ahaan Qaraarkii taariikhiga ahaa ee 1325.

Marka laga soo tago dowladda, bulshada rayidka ah iyo wakiillada Qaramada Midoobey, ka qaybgalayaasha munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa madaxda haweenka ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, qaybaha ganacsiga, ururrada dhallinyarada, xarumaha waxbarashada iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. 

Qaraarka tirsigiisu yahay 1325 oo la ansixiyey sanadkii 2000, wuxuu dib u xaqiijinayaa doorka muhimka ah ee haweenku ku leeyihiin kahortagga iyo xallinta colaadaha, wada xaajoodyada nabada, nabadaynta, nabad-ilaalinta, wax qabashada bini'aadminnimada iyo dib u dhiska colaadaha kaddib. Waxa kale oo ay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay ka qaybgalkooda siman iyo si buuxda uga muuqashada dhammaan dadaallada loogu jiro joogtaynta iyo horumarinta nabadda iyo amniga.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa hadalladiisa waxaa ka mid ahaa diirad saaridda doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan go’aannada dalkooda ee dhanka siyaasadda, gaar ahaan matalaadda iyo ka mid noqoshada dhammaan heerarka dowladda iyo sidoo kale doorka muhimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha, kuwaasoo ay ku jiraan baahidooda inay galangal u yeeshaan maaliyadda. Waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay waxbarashada iyo in la dhiso saldhig aqooneed si haweenka iyo habluhu ay si wanaagsan uga qaybqaataan horumarka dalkooda. 

Dabcan, waxbarashadu waa xuddunta korriinka, waxaana ognahay in waxbarashada gabdhuhu gaar ahaan ay faa'iidooyin badan u leedahay guud ahaan caafimaadka, ladnaanta iyo waxtarka bulshada," ayuu Md. Swan xusay.

Xukuumadda iyo qaraarka 1325 

Wasiirka haweenka, Xuquuqul Insaanka iyo Horumarinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisey munaasabadda ayaa ka hadashay muhiimadda uu siiyey go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 100-ka dal ee diyaariyey qorshe qaran oo lagu hormarinayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 1325. Waxaan ka shaqayn doonnaa sidii loo meel marin lahaa ajendahan” ayay tiri Wasiir Khadiijo Diiriye. “Wasaaraddaydu waxay la shaqayn doontaa wasaaradaha ay khusayso Maamul-goboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka ah, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo ururrada haweenka si loo xaqiijiyo in qof walba uu si micno leh uga qaybqaato.” 

Mas’uulkan ka tirsan DFS ayaa xustay in Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga la dhaqangelin doono 2022-2026, laguna dhisay afar tiir oo kala ah: ka qaybgalka haweenka ee nabadaynta, inay si buuxda ay uga mid noqdaan go’aan gaarista, kahortagga xadgudubyada loo gaysto haweenka iyo ilaalintooda.

Qorshe-hawleedka Qaranka ayaa bishii Sebtembar waxaa bilaabay Ra'iisul Wasaaraha dalka.

Argagixisanimada iyo Qaraarka 1325 

Sidoo kale, Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen oo goobta ka hadashay ayaa iyana u sheegtay ka qaybgalayaasha in haweenku ay kaalin mug leh ka qaadan karaan daminta colaadaha, iyagoo ku dhiirigelinaya haweenka ka tirsan Al-Shabaabku inay ka soo goostaan.

Waxay xustay in haweenka xiriirka la leh kooxda argagixisadu ay ciyaaraan doorar kala duwan - oo ay ku jiraan inay khaarajiyaal noqdaan, ama ay galaan lacag ururinta iyo war-qaadidda - laakiin ma jirin barnaamij wacyigelin ah oo iyaga lagu wajahayo.

“Waxaan u baahan nahay madal gaar ah ee haweenka ka shaqeeya amniga iyo bulshada rayidka ah si aan uga hortagno xadgudubyada Al-Shabaab. Si aan ugu adeegno shacabkeenna waa in amniga iyo ururrada bulshadu ay iska kaashadaan,” ayuu tiri sarkaaladdan sare ee booliiska.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa qiray sida ay uga go’an tahay ka qaybgalayaasha dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo saamaynta xun ee ay kooxda argagixisadu ah ku yeelatay Soomaaliya. 

"Haweenka mararka qaarkood waa dhibanayaal, laakiin sidoo kale waxay yihiin door ciyaarayaal muhiim u ah dhanka dagaalka lagula jiro Al-Shabaab dhinacyo badan - dhaqaalaha, marka la eego kahortagga fikradaha al-Shabaab ee [qalloocinta] fikradaha Islaamka - haweenku waxay leeyihiin door udub-dhexaad ah oo ay ciyaaraan sidoo kale," ayuu yiri Md. Swan.

"Farriimihiinna aaddan dhankaas maanta waxay ahaayeen kuwo cad," ayuu sii raaciyey. “Waxaan marar badan ka maqalnay Dowladda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay, gaar ahaan, shaqada saaxiibada caalamka ee lagu taageerayo xasilinta iyo soo kabashada bulshada ku nool dhulka lagala wareegay Al-Shabaab. Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa hay’adaha dowladda si taas loo gaaro.”

Taageerada Qaramada Midoobey 

Mas’uulka ugu sarreeya hay’adda caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey xaqiijinta sida ay Qaramada Midoobey uga go’an tahay inay ka qaybgalayaasha kala shaqeeyaan horumarinta Qaraarka tirsigiisu yahay 1325, wuxuuna ku baaqay midnimo iyo wada shaqayn.

“Waxaan rajaynayaa inaad koox ahaan u shaqayn doontaan. Waxaad ku taag badan tihiin wadajirka. Waxaad aad ku xoog badan tihiin inaad si wadajir ah u wada shaqaysaan, idinkoo matalaya dhammaan sifooyinka kala duwan ee ay hoggaamiyeyaasha haweenku isu keeneen, waxaana rajaynayaa inaad sii wadi doontaan inaad shabakad ahaan u shaqaysaan,” ayuu yiri Md. Swan. 

Maalmaha Furan ee Qaramada Midoobey ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga ayaa lagu qabtaa adduunka oo dhan si loo xuso Qaraarka QM ee 1325, iyadoo munaasabaddani ay fursad siinayso haweenka si ay u muujiyaan khibradahooda, caqabadaha, wax ku biirinta iyo dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo amniga ee colaadaha iyo xaaladaha dagaallada kaddib.

Dabaaldegga ayaa sidoo kale haweenka siinaya fursad ay si toos ah ugula macaamilaan madaxda iyo qorshayaasha siyaasadda si ay noqdaan jilayaasha isbeddelka, oo ay u qaataan door lahaansho, iyo sidoo kale xoojinta hirgelinta qaraarka iyo go'aamada xiga.