Ka dib booqasho ay Puntland ku tageen, ayey Saaxiibbada Caalamku ka hadleen qabashada doorashooyin maxalli oo toos ah

18 Oct 2022

Ka dib booqasho ay Puntland ku tageen, ayey Saaxiibbada Caalamku ka hadleen qabashada doorashooyin maxalli oo toos ah

Garoowe – Qabashada doorashooyinka deegaanka oo toos ah ayaa diiradda lagu saaray booqasho ay maanta wakiilo ka socda qaar ka mid ah saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ku tageen maamul goboleedka woqooyi ee Puntland.

"Waxaan is dhaafsanay fikrado waxaana yeelannay dood miro dhal ah oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo hamiga Puntland ee ah qabanqaabada doorasho toos ah oo deegaanka ah qeybta hore ee 2023," Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa yiri isagoo ku hadlaya magaca wafdiga ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

“Dhowr ka tirsan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa dadaalkan ku soo bixinayay awood mug leh oo la taaban karo - Dhisid iyo taageero maaliyadeed oo lagu bixiyay dadaalkan. Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sidoo kale taageero farsamo siinaysay TPEC - (Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland). ” ayuu raaciyay.

Sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu warbaahinta la qaatay kaas oo uu ku wehliyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Goor sii horreysay, labada masuul iyo xubnaha waftiga booqashada ku jooga iyo golaha wasiirrada iyo kooxda la-talinta ee hoggaamiyaha Puntland ayaa ka qayb qaatay wadahadalo toos ah oo ku saabsan doorashooyinka tooska ah oo ay ka qaybgaleen dhanacyada kale ee ay khusayso, oo ay ku jiraan TPEC.

Wafdiga soo booqday ayaa ka koobnaa Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka KMG ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Fiona Lortan; Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster; Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Per Lindgarde; Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre; Madaxa Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Cabdi Ibraahim; Wakiilka Norway ee Soomaaliya, Haakon Svane; iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Jens Hoegel.

Ka qeybgalin iyo dhiirigelin

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawladda iyo shacabka Puntland sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay in si toos ah loo hirgeliyo doorashooyin deegaanka, sida uu dhigayo dastuurka Puntland, iyo muhiimadda ay leedahay in dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan laga wada qayb geliyo.

"Waxa aan ku boorineynaa in horurmarka hannaanka doorashada uu ku saleysnaado wadatashi ballaaran, iyo si taasi la mid ah ku daridda haweenka, dhalinyarada, dadka laga tirada badan yahay, iyo dadka naafada ah." ayuu yiri Mudane Swan.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay waxa ay doorashadan oo kale uga dhigan tahay dalka intiisa kale.

"Waxaan rajeyneynaa in dadaalka Puntland uu sidoo kale dhiirigelin karo geeddi-socodka ballaaran ee doorashooyinka 'qof-iyo-cod' ee guud ahaan Soomaaliya, heer federaal iyo heer dowlad goboleed," ayuu yiri Mudane Swan

Iyadoo doorashada Puntland ay ka dhacayso waqti abaaro ba’an saameysay inta badan Soomaaliya, ayaa Mas’uulka Qaramada Midoobay u xaqiijiyay shacabka iyo madaxda Puntland inay sii socondoonto taageerada kaga imaanaysa beesha caalamka.

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay sii wadi doonaan inay u ololeeyaan uruurinta dhaqaale badan si wax looga qabto abaaraha, xitaa iyadoo geeddi-socodka doorashada Puntland uu horay u socdo," ayuu yiri Mudane Swan

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay Uqaabilsan Arrimaha Bini'aadannimada (OCHA), 7.8 milyan oo qof ayay abaartu saamaysay iyada oo 6.7 milyan oo qof laga cabsi qabo in ay soo food saarto cunto la’aan laga bilaabo Oktoobar ilaa Diseembar 2022. Iyada oo sidoo kale, qiyaastii 6.4 milyan oo qof ay heli la' yihiin biyo nadiif ah iyo fayadhowr, taasoo sare u qaadaysa halista daacuunka iyo jadeecada, gaar ahaan xeryaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Intii ay ku sugnaayeen Garoowe, wafdiga saaxiibada beesha caalamka waxay sidoo kale la kulmeen wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ah ee Puntland.