Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ku baaqay $80 milyan oo loogu talagalay dadkii ay saameeyeen daadadka kaddib roobabkii ugu cuslaa muddo tobaneeyo sano

20 May 2018

Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ku baaqay $80 milyan oo loogu talagalay dadkii ay saameeyeen daadadka kaddib roobabkii ugu cuslaa muddo tobaneeyo sano

Muqdisho – Waaxyada u qaabilsan arrimaha samafalka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ku baaqay lacag dhan 80 milyan oo doolar si ay caawimaad degdeg ah u fidiyaan dadka ay saameeyeen daadadka dhowaan ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka – kaasi oo ka dhashay roobabkii ugu xoogganaa oo Soomaaliya ka dhacay muddo tobaneeyo sano.  

Baaqaan waxaa uu hoos imaanaya baaqa guud ee horraantii sanadka 2018 la jeediyay kaas oo lagu codsaday lacag dhan 1.5 bilyan oo doolar ee loogu talagalay in lagu kaafiyo baahiyada bani’aaddinimo ee haystay in ka badan shan milyan oo qof oo ay saameeyaan abaaraha iyo colaadda ka jiray guud ahaan dalka. Horraantii sanadkan, waxaa la filayay roob aad u yar.

“Si ka duwan 2017-kii, oo deeqaha loogu talagalay in lagu taageerro dadaallada ka hortagga macluusha la helay xilli fiican sanadka gudihiisa, sanadka 2018-ka waxaa ilaa iyo maanta la helay in ka yar 370 milyan oo doolar,” ayuu Isku-Duwaha Arrimaha Samafalka u qaabilsan Soomaaliya, Peter de Clercq, ku yiri daah-furka Qorshaha Jawaab-celinta Fatahaadda ee Soomaaliya ee ka dhacay Muqdisho.

 “Taasi waa qayb yar oo ka mid ah waxa aan u baahannahay si aan wax uga qabanno dhibaatooyinka sii jiray ee ka horreeyay daadadka,” ayuu raaciyay.

Mas’uulka QM waxaa uu hadal ka jeedinayay shir heer sare ah oo ay abaabushay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku gacan siisay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-Duwidda Arrimaha Bani’aaddinimada (OCHA).

Sida ay sheegtay OCHA, roobabka heerka dhexe iyo roobabka xooggan ee ka da’ay guud ahaan Soomaaliya iyo dhulalka buuraha ee Itoobay ayaa waxaa ay horseedeen in ay fatahaan webiyada, gaar ahaan webiyada Jubba iyo Shabeelle, iyo sidoo kale daadad. Daadadka waxaa ka dhashay khasaarooyin, barakac aad u ballaaran, waxaa ayna si weyn u waxyeeleeyeen kaabayaasha iyo beeraha, kuwaas oo sii xumeeyay xaaladda bani’aaddinimo ee horey u liitay.

Waxaa ay raacisay in qiyaas ahaan in ka badan 750,000 qof ay saameeyeen fatahaadda, isla markana ay barakicisay in k badan 229,000 qof. Iyada oo kaliya boqolkiba 24 laga helay baaqii la jeediyay 2018-ka ee ku aaddanaa in lacag dhan 1.5 bilyan loo fidiyo Qorshaha Jawaab-celinta Bani’aaddinimada ee Soomaaliya, bah-wadaagta dhinaca gargaarka ma awoodaan in ay si firfircoon u taageeraan jawaab-celinta daadadka.

Dadkii ka qaybgalay munaasabadda maanta oo ahaa shir heer sare ah oo ku saabsan Jawaab-celinta Daadadka ee ka dhacay caasimadda Soomaaliya waxaa ka mid ah wakiillo ka socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubnaha maamul goboleedyada, hay’adaha QM, iyo hay’adaha kale ee dowliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wax ka qabta arrimaha bani’aaddinimada.

Mudane de Clercq oo la shir guddoominayay Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Jawaab-celinta Fatahaadda, Mahdi Maxamed Guuleed – ayaa khudbad uu jeediyay ku shaaciyay halisaha muddada dheer ee wajahaya dadka ay saameeyeen fatahaadda.

“Maadaama ay sare u sii kacayaan halista isbeddelka cimilooyinka,” ayuu yiri.” Dhaqaale dheeraad ah ayaa loo baahanaya si wax looga qabto sababaha asalka ah ee keenaya nuglaanshaha, saboolnimada ba’an iyo horumarka hooseeya ee dadka, kuwaas oo dhibaato ku ah tirada ugu badan dadka.”

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in la sameeyo maalgashi muddo dheer ah si loo dhiso adkeysiga ku aaddan dhibaatooyinka cimilooyinka, loo soo afjaro dhibaatooyinka soo noqnoqda ee sababo dhibaatooyin culus, isla markana wiiqa geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowladda ee Soomaaliya. Waxaa hadalkan ku raacay mas’uulka ugu sarreeyo ee ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee goobta joogay.

“Si wax laga qabto isbeddelka cimilooyinka waa in laga shaqeeyo adkeysiga: barnaamijyo muddo dheer ah, gaar ah dhinaca goobaha u dhow webiyada, iyo kuwo muddo dheer ah, in la isku dayo in jawaab-celin laga sameeyo saameeynta isbeddelka cimillooyinka,” ayuu kulanka ka yiri Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi. “Maalmahan dadka waxaa ay ka hadlaan qaxootiga isbeddelka cimilooyinka, dhab ahaantina, waxaan la tacaaleyno waa dad barakacay – dad ay barakicisay isbeddelka cimillada.”

Mudane de Clercq iyo Mudane Mahdi waxaa ay labaduba ugu baaqeen saaxiibbada dhinaca horumarinta in ay kordhiyaan deeqaha si loogu taageero fidinta gargaarka ay si weyn ugu baahan yihiin bulshooyinka ay saameeyeen daadadka.

Dhaqaale ayaa loo baahan si gacan looga geysto yareynta saameynta fatahaadda ee gobollada ay dhibaatadu gaartay, halkaas oo jawaab-celinta mudnaanta la siiyay ay yihiin adeegyo oo loo fidiyo xerooyinka dadka barakacay, adeegyo degdeg ah la geeeyo dugsiyada, in raasiin la garsiiyo bulshooyinka barakacay, iyo in caafimaad iyo nafaqo loo fidiyo goobaha ay dhibaatadu gaartay. Arrimaha kale ee mudnaanta ah waxaa ka mid ah in la bixiyo gaadiid loo isticmaalo fidinta gargaarka bani’aaddinimada iyo ilaalinta qoysaska, iyo sidoo kale bixinta hooy, biyo, xarumaha faya-dhowrta iyo nadaafadda.

Fatahaaddan ayaa waxaa ay timid xilli lagu guda jiray dadaallo wax looga qabanayo saameeynta abaaraha soo noqnoqday oo ugu yaraan 5.4 milyan oo qof ka dhigay kuwo u baahan gargaar bani’aaddinimo.

Qaybta hore ee xilli roobaadka Gu’ga ee Soomaaliya oo bilowday bishii Maarso, ayaa waxaa la helay roobab aan caadi ahayn, oo kaliya loo barbardhigi karo roobabkii cuslaa ee ka dhacay Soomaaliya 1981-dii.

Sida laga soo xigtay Qorshaha Jawaab-celinta Fatahaadda, saameeyn xooggan oo dheer ah ayaa suurtagal ah haddii ay sii socdaan roobabka. Qorshaha waxaa uu xusaya in in kastoo aan weli si dhammeystiran loo xaqiijin saameynta daadadka, ay roobabka saameeyn ku yeesheen bulsho hore u sii liitay, oo dhibaato ka soo gaartay colaadaha socda iyo abaaraha.

Qorshaha waxaa uu sidoo kale xusaya in markii ay biyaha hoos u dhacaan, uu xilli roobaadkan fursad u noqon doono dadka beeraleyda ah iyo kuwa xoola-dhaqatada ah ee horey dhibaato ka soo gaartay abaaraha ka jiray gobollada, si loo yareeyo cunno yarida.