Guud ahaan Soomaaliya, kumanaan arday ayaa u dhabar adaygay culeysyo si ay uga qayb-qaataan imtixaanaadka muhiimka ah oo u suurtagelin doono in ay galaan jaamacadaha

23 May 2018

Guud ahaan Soomaaliya, kumanaan arday ayaa u dhabar adaygay culeysyo si ay uga qayb-qaataan imtixaanaadka muhiimka ah oo u suurtagelin doono in ay galaan jaamacadaha

Muqdisho, Baydhabo, Kismayo – Iyada oo ay Soomaaliya ku dhufteen duufaano, kuwaas oo qaybo kala duwan ee dalka ka mid ah ka dhaliyay fatahaad iyo culeysyo, waxaa ay u muuqatay in sida caadiga ah ay hakad gali lahayd hawl-maalmeedka oo dhan.

Haddaba xaaladdu sidaas uma aysan ahayn in ka badan 27,000 oo arday ee ka tirsan 120 dugsi sare ee ku yaal guud ahaan koonfurta Soomaaliya.

Ardaydan waxaa ay u dhabar adeygeen xaalado daran si ay uga qayb-qaataan mid ka mid ah jaranjarooyinka ugu muhiimsan ee waxbarashadooda iyo guud ahaan mustaqbalkooda; waa imtixaanaadka qaran ee shahaadiga ah oo ay bixiso dowladda.

Imtixaanaadkaan oo ay abaabuleen wasaaradaha waxbarashada ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada isla markana laga sameynayo gobollada Benaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle, waxaa ay ka kooban yihiin maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin luuqadaha sida Ingiriiska, Carabiga iyo Af-Soomaaliga, iyo sidoo kale Xisaabta, Taariikhda, Juqraafiga, Bayooloji iyo Waxbarashada Diiniga ah.

Natiijo wanaagsan oo ay keenaan ardayda waxaa ay u horseedi kartaa mustaqbal ifayo, isla markana waxaa ay u saamaxeysaa in ay sii wataan waxbarashadooda oo ay jaamacadaha ka qaataan kulliyadaha ay ayagu doonayaan.

“Dowladdu waxaa ay mideysay imtixaanaadka shahaadiga seddax sano ka hor. Waxaanu fileynaa in ay ardaydu keenaan natiijoo wanaagsan,” ayuu yiri Cabdiqaadir Maxamed Axmed, oo ah kormeeraha imtixaanaadka ee ku sugan Jaamacadda Ummadda Soomaaliya.

Ilaa iyo sanadkii 2015-kii, ma jirin imtixanaad qaran muddo 25 sano sababo la xiriira burburka dowladda dhexe ee 1991-dii iyo dagaalladii sokeeye iyo colaaddii ka dambeeyay. Afartii sano ee ugu dambeeyay, waxaa isa sii tarayay tirada ardayda isku diiwaangelineysay imtixaanaadka– inta u dhaxeysay 2017-kii iyo 2018-ka, tirada ardayda isku diiwaangelineysa in ay ka qaybgalaan imtixaanka waxaa ay sare u kaceen 4,600 iyada oo ay ahaayeen 23,000 arday ayna gaareen 27,000 oo arday.

Mas’uuliyiinta iyo macalimiinta ayaa waxaa ay sheegayaan in koboca tirada ardayda isku diiwaangelineysa waxaa ay xaqiijineysaa kalsoonida lagu qabo hannaanka imtixaanaadka, waxaa ayna muujineysaa in dib-u-habeynta qaybta waxbarashada ee Soomaaliya ay tahay mid hufan.

Magaalada Muqdisho, oo uu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre toddobaadkii la soo dhaafay ka daahfuray imtixaanaadka, ayaa arday wax ka barta in ka badan 300 oo dugsi sare ah oo ku yaal caasimadda dalka ayaa waxaa ay imtixaanka ku qaateen 63 xarumood ee loogu talagalay in ay ku sameeyaan imtixaanka ee ku yaal caasimadda.

Dhanka caasimadda, arrimaha la xiriira amniga, bad-qabka iyo helitaanka, ayaa ka mid ahaa qaar ka mid ah arrimaha la tixgelinayay markii la dooranayay goobaha imtixaanka.

“Nabadda jirta iyo xasilloonida siyaasadeed dartood, hannaanka hadda waa mid nidaamsan,” ayuu xusay Cabdifataax Barre Isaaq, oo ah arday 18 jir ah oo ka wax ka dhigta Dugsiga Sare ee Super Commercial, asaga oo ku rajo weyn in uu shahaado jaamacadeed ka qaato culuumta beeraha.

“Dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, shaqo wanaagsan ayay haysaa. Imtixaanka shahaadiga ah hadda waxaa aan si adag u raaceynaa jadwal iyo taariikhda, halkii waagii hore aysan jiri jirin nidaamyo iyo hannaan noocaasi ah,” ayuu yiri Hamza Cabdikariim, oo ah wiil 19 jir ah oo arday ka ah Dugsiga Sare ee Iftiin.

Goobaha imtixaanaadka ee Baydhabo, oo ah xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sidoo kale waxaa ah heleen tiro fiican oo arday ah.

“Baydhabo waxaa sharaf u ah in ay leedahay seddax goobood oo lagu qabanayo imtixaanaadka Mideysan ee Shahaadiga ah,” ayay tiri Mano Maxamed Nuur, oo ah maamulaha Dugsiga Dhexe iyo Sare ee Cabdalla Deerow, oo seddaxdii sano ugu dambeysay ahaa goob lagu qabto imtixaanaadka. Tiro 260 arday ayaa halkaas u fadhiistay imtixaanka.

Dhanka maamul goboleedka Jubbaland, ee ku yaal koonfurta dalka, 645 arday ayaa imtixaanka u fadhiistay, iyada oo ay tirada gabdhaha is diiwaangelisay ay si weyn sare u kacday.

“Markaad eegto waxbarashada gabdhaha, waxaa ay u muuqataa in isbeddel wanaagsan uu jiro. Sanadkii tagay, 130 gabdho ayaa u fadhiistay imtixaanaadka qaran, halka sanadkan, ay tiradu sare u kacday oo ay gaartay 270 gabdhood,” ayuu yiri Nuur Shaale oo ah agaasimaha imtixaanaadka ee goobta.

Hase ahaatee, ardayda qaar ayaan dhammeysan imtixaankooda, iyada oo loo aaneynayo xaaladaha cimilooyinka oo aan wanaagsaneyn. Gobolka Hiiraan oo u dhaca dhinaca koonfur galbeed ee Soomaaliya, ayaa imtixaanka maalinta Axadda laga hakiyay sababo la xiriira roobabka xooggan ee sababay fatahaad iyo barakac. Waxaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo taariikhda cusub ee ay imtixaanka u fadhiisan doonaan.