Shir ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya oo soo idlaaday iyada oo uu madaxweynuhu ballan qaaday in la dardar gelin doono hannaanka dib-u-eegista

16 May 2018

Shir ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya oo soo idlaaday iyada oo uu madaxweynuhu ballan qaaday in la dardar gelin doono hannaanka dib-u-eegista

Muqdisho – Shir saddex maalmood socday oo ku saabsanaa dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta la soo gebagabeeyay iyada oo uu xaqiijiyay hoggaamiyaha waddanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,’ in dalka Geeska Afrika uu yeelan doono dastuur cusub ka hor waqtiga kama dambeysta ah – ka hor dhammaadka sannadka soo socda.

“Waxaa naga go’an in aan dhammaystirno dib u eegista oo aan soo gabagabeyno dastuurka Soomaaliya dhammaadka 2018-ka,” ayuu ku yiri madaxweynaha farriin uu beddelkiisa diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Soomaaliya hadda waxaa ay ku dhaqantaa Dastuur Qabyo ah, soosaarista dastuur cusub rasmi ah ayaa la filayaa ka hor inta aysan dalka ka qabsoomin doorasho qof iyo codkiisa ah sannadka 2020-ka.

 Shirweynihii Dastuurka Qaran, kaasi oo isku keenay in ka badan 350 ergo oo ka kala yimid dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, ayaa billaabaya hannaan dib u eegis ah oo wax ka qaban doona dhowr arrimood oo dastuuri ah oo aan weli xal loo helin, oo ay ka mid yihiin maqaamka mustaqbalka Muqdisho iyo qaybsiga awoodaha iyo kheeyraadka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Inkasta oo jadwalka dib u eegista laga filayo dukumiinti cusub in uu diyaar noqdo dhammaadka 2019-ka, ayuu farriintiisa Madaxweyne ‘Farmaajo’ ku sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay hannaanka dhammaytirto waqti hore, iyada oo waafaqsan ballan hore oo ahayd in la diyaarinayo dastuur cusub inta uusan dhammaanin waqtigiisa afarta sano ah. Madaxweynaha waxaa uu xilka la wareegay 2017-kii.

 Madaxweynaha – oo hadda booqasho rasmi ah ugu maqan Qadar – ayaa xusay hannaan lagu soo saarayo sharciyo cusub oo lagu maamulo dalka oona baddela Dastuurka Qabyada ah ee la ansixiyey 2012-kii, oo qaatay muddo dheer, isaga oo intaa ku daray in ay tahay waqtiga Soomaaliya ay yeelanlahayd axdi siyaasadeed oo cusub. Waxaa uu sidoo kale sheegay in dastuurka cusub uu mideyn doono dalka, dhowri doono xuquuqda muwaadiniintiisa oo uu na gacan ka geysandoono keenidda xasilooni siyaasadeed.

 Dhanka kale, xiritaanka shirka maanta ayaa Wakiilka Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalladeeda ku aaddan la-imaatinka jadwal ku dastuurka cusub.

“Tani guul weyn ayay u tahay Soomaaliya, mana la soo koobi karo farxaddeyda ah in aan goobjoog ka ahaado maalintani, iyo sida ay iigu weyn tahay in aan noqdo wakiilka matalaya beesha caalamka ee idiin kugu hambalyeynaya arrimaha dhacaya,” Ayuu yiri Mudane Keating.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa raaciyey in si loo helo hannaan dib-u-eegis ah oo guuleysta  loo baahanyahay in loo wajaho qaab midnimo iyo dib u heshiisiin leh, isagoo ku daray in uu dhaqaale uga raadin doono beesha caalamka si loogu kordhiyo 3-da milyan ee doolar ee horantii usbuuca ay yaboohday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay gacan uga geysaneyso gabagabeynta hannaanka.  

“Dhanka siyaasadda, saaxibadeyda QM ayaa inta ay awoodaan fidin doona talooyin farsamo, waxaana inta awooddeenna ah sameyn doonnaa abaabulka dhaqaalaha,” Ayuu yiri Mudane Keating.

Waxaa kale oo shirka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kaasi oo hoggaaminaya hannaanka dib-u-eegsita, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Hirgelinta iyo Dib-u-eegista Dastuurka (ICRIC) Maxamed Cabdalla Saalax.