Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah oo isugu yimi kulan ujeedkiisu ahaa horumarinta ammaanka iyo sarreynta sharciga

1 Dec 2020

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah oo isugu yimi kulan ujeedkiisu ahaa horumarinta ammaanka iyo sarreynta sharciga

Muqdisho – Muhiimadda ay leeyihiin horumarinta aminga iyo sarreynta sharciga mustaqbalka fog ee Soomaaliya ayaa ahaa qodobka diiradda sida weyn loo saaray kulan heer-sare ah oo ay isugu yimaadeen madax sare oo ka socday Dowladda Federaalka ee dalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo saaxiibada kale ee caalamka.

“Dowladda oo dhinaca amniga si adag u maareysa, kaliya muhiim uma aha adkeynta dimuqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo bulshada oo waara. Tani waa yoolka dowadda Federalka ee Soomaaliya. Tani waa rejada dadka Soomaaliyeed,” waxaa sidaas ka yiri kulanka Guddiga Aminga iyo Cadaaladda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kulankaas oo uu Caasiadda Muqdishu ku shir – gudoomiyey.

Guddigan oo la dhisay 2017-kii, waxa uu Dowladda Federalka, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo saaxiibada caalamka siyaa madal ay ka wada-shaqeeyaan si ay u sii horumariyaan amniga iyo cadaaladda. Waa madal u shaqeysa sida hay’ad u dhisan in ay go’aanno ka qaadato isku xirka dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee amniga iyo cadaaladda sida lagu xusay Qaab-dhismeedka Isla xisaabtanka ee wadajirka ah (Mutual Accountability Framework) kaas oo si wadajir ah loogu heshiiyey Madashii Saaxiibada Soomaaliya ee Oktoobar 2019.

Qaab-dhismeedka Isla xisaabtanka ee wadajirka ah waxa uu faahfaahinayaa sida ay uga go’antahay  Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka in is bedello lagu sameeyo dhinacyada Siyaasadda, amniga iyo horumarka dhaqaalaha, soo kabashada iyo gargaarka xilli dalka  ku jiro dib u dhis maadama uu ka soo kabanayo tobaneeyo sano oo iska horimaadyo hubeysan ahaa iyo dhibaatooyin la xirira dhinaca cimilada.

Sanad kala guur

Waxaa la sugayaa in sanadka 2021 uu noqdo mid is beddel uu ku dhoco amniga Soomalaiya, waa xilli kala guur oo ay mas’uuliyaddii AMISOM ku waregeyso dowladda Soomaaliya halka saraakiisha amniga ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda amniga ee dalka.

Kelmeddiisii munaasabadda oo uu ku gudbiyay aalada fogaan araga, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo isku-duwid xoogan iyo taageerada dhammaan inta ku lugta leh.

“waa muhiim hadii aan guulo ka gaarno amniga, in si ficil dhammeystiran oo wadajir ah ka qaadanno. Dhammeystirka macneheedu ma aha militariga kaliya, laakiin waxaa ka mid ah booliska, waaxaa ka mid ah sarreynta sharciga iyo cadaaladda, waxaa ka mid ah xasillinta – haddii ay ahaan lahayd waqtiga dhaw iyo midka fog – waxaa ka mid ah joojinta iyo kahortagga xagjirnimada, sidoo kale waxaa ka mid ah dowlad dhisidda,” ayuu yiri Swan.

“In guul la gaaro waxa ay u baahan tahay ficil mideysan,” ayuu hadalkiisa ku daray. “Ficil mideysan micneheedu waxaa weeye arrimaha la’isku raaco, ujeedooyinkana lagu wada socdo. Ficilka wadajirka ah micneheedu waxa weeye in qaabkii aan ujeedooyinka ku gaari lahayn la wada qorsheeyo. Ficilka wadajirka ah micneheedu waxa weeye in la wada shaqeeyo si loo fuliyo ujeedooyinkii aan calaamadsannay iyo qorshihii lagu fulin lahaa. Markaa dhabtii waxa ay u baahan tahay in aadn si wadajir ah u wada shaqeyno.”

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu ku baaqay in ay dhawraan isla xisaabtanka marka la gudbinayo taakulada dhammaan kooxaha ay quseyso marka ay timaado waaxda aminiga iyo cadaaladda Soomaaliya, taas oo la jaanqaadeysa heshiiskii qaab dhismeedka isla xisaabtanka wadajirka ah.

Mahadcelin iyo soo dhaweyn

War-murtiyeed ay soo saareen guddiga Amniga iyo Cadaaladda kaddib shirka ayaa lagu soo qaaday qodobo kala duwan, waxaa ka mid ahaa ka mahadcelinta dadaalka iyo naf huriida ay sameeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo nabad ilaaliyeyaasha AMISOM marka ay la dagaalamayaan Al-Shabaab, iyo soo dhaweynta horumarka laga gaaray xaqiijinta amniga ee goobaha ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Intaa waxaa dheeraa, ka soo qeybgalayaasha waxa ay ku baaqeen in laga ballaariyo sida uu hadda yahay ka qeybgalka iyo mideynta qoraha hawlgalada meelaha hawlgalada laga sameeyo iyada oo ay ka wada qeybgalayaan oo uu dhexeeyo saamileyda amniga, xasilloonida iyo sarreynta sharciga.

 Dhinaca kala guurka amniga ee 2021, gudiga waxa ay soo dhaweeyeen horumarka ilaa iyo hadda laga sameeyey qorsha kala guurka ee Soomaaliya ee uu dib u eegista ku socdo, dikumenti si istaraatiji ah u hagaya marka ay mas’uuliyadda amniga ku wareejineyso AMISOM ciidamada ammaanka Soomaaliya. “Saaxiibada caalamka waxa ay xuseen muhiimada ay leedahay ka go’naansho siyaasadeed oo ka timaada hoggaamiyeyaasha DFS iyo DXDFS ee loogu yeero Golaha Amniga Qaranka, si loo xaqiijiyo rabitaanka siyaasadeed si loo gaarsiiyo qorshaha kala guurka Soomaaliya dhammaan dhinacyada amniga, sarreynta sharciga, horumarka iyo dhinaca dowladnimada,” ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka.

Guddiga waxa ay sheegeen in saamileyda ay adkeeyeen baahida loo qabo in DFS iyo DXDFS ay ka wada shaqeeyaan soo saaridda ciidamo, abaabulka, gaar ahaan militariga, booliska Federalka ah iyo adeegyada booliska dowlad gobolleedyada.

Guddiga waxa ay sidoo kale soo dhawweeyeen wada-shaqen intaan ka ballaaran oo ay yeeshaan DFS iyo DXDFS iyo isku xirka saaxiibada caalamak si, si hufan loogu tababbaro, abaabulo oo loo qalabeeyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, sidoo kale waxa ay xuseen baahida deg degga ah ee loo qabo in si siyaasad loo dhan yahay looga heshiiyo nidaam lagu helo ciidamo si ay uu u dhaqan galo kala guurka.

 Taas iyada oo laga duulaya, waxaa lagu heshiiyey in la qabto Shirka Ciidamo Uruurinta dhammaadka bisha Janaayo ee 2021 iyada oo diirada la saarayo Militariga, Booliska Federalka iyo adeegga Booliska Dowlad Gobolleedka iyo dhaqaalaha imkaaniyaadka loo baahan yahay, oo ay ka mid yihiin, habraac lagu heshiiyey si looga hortago walxaha qarxa, sidoo kalena la dhiso awoodda helidda saadka.

Gudiga waxa uu qorsheynayaa in uu saddexdii biloodba mar kulmo taas oo ka dhigan in kulanka kan xiga uu dhici doono Maarso 2021.