Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2020

30 Nov 2020

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Nofeembar 2020

 

Kalluumeysiga | FAO oo taageertay kalluumeysatada la gacan bidixeeyo ee jasiiradaha Baajuuni

FAO waxay siisay kalluumeysatada jasiiradaha yaryar ee Baajuuni oo dhaca magaalada Kismaayo ee Soomaaliya -lix doomood iyo qalab kalluumeysi oo dhammaystiran, kuwaas oo u oggolaanaya inay si sax ah ugu keedsadaan kalluunka ayna kalluumeytan saacado badan. 

Iyada oo taageero laga helaayo Xafiiska arrimaha dibadda ee Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta  Boqortooyada Ingiriiska, waxaa mashruucan lala kaashaday oo fuliyay  Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Jubbaland iyada oo ujeedaduna tahay xoojinta u adkeysiga dadka kalluumeysatada ah ee nugul iyo kuwa la hayb-sooco ee ku nool Kismaayo iyo Jasiiradaha Baajuuni.

Arrintani waxaa ka faa'iideysanaya  ilaa 700 oo qof, iyadoo xirmo kastana ay ka kooban tahay doon kalluumeysi iyo matoor dibedda ah oo ay weheliyaan qalabka kalluumeysiga, sanduuq qaboojiya ah oo loogu talagalay keydinta kalluunka nadiifka ah iyo waxyaabo kale oo awood u siinaya kalluumeysatada inay  u jilaabato si badbaado leh.

Saddex ka mid ah doomaha waxaa la siiyay dadka ku nool  Jasiiradda Madhawa, laba waxaa la siiyay Jasiiradda Chula; midna jasiiradda Jovia.

Sidoo kale, waxaa la rakibay labo mashiin ku shaqeeynaya cadceedda, mid waxaa la dhigay jasiiradda Madhawa halka tan kalena lagu rakibay magaalada Kismaayo.

http://www.fao.org/emergencies/fao-in-action/stories/stories-detail/en/c/1331065

 

Nolosha | UN-Habitat waxay lacag kaash ah siisay qoysaska nugul oo ku nool magalada Berbera

Seddexdii bilood ee la soo dhaafey, hay’adda UN Habitat waxay siineysay min $60 lacag dhan 575 qoys oo ka mid ah dadka nugul ee ku nool Berbera, Somaliland.
Ka-faa'iideystayaasha ayaa ka kooban dadka nugul sida waayeelka, kuwa maskax ahaan ama jir ahaan naafo ah; dadka qaba cudurada daba dheeraada; carmalooyinka iyo dadka shaqadooda ku waayay cudurka faafa ee COVID-19.

Lacag bixinta waxaa lala kaashaday Maamulka Dowladda Hoose ee Berbera iyadoo ka-faa'iideystayaasha lacagta loo marsiinayey habka lacag bixinta ee Zaad  o sahlaya  hufnaanta.

Barnaamijkaan  lacag bixinta  ayaa ah qorshe lagu caawinaayo bulshada oo la xariira ka jawaabida COVID-19 ee hoos yimaada mashruuca horumarinta magaalada Berbera oo ay maalgaliso Midowga Yurub. 

Waxa uu bilaawday bishii sideedaad waxaana la filayaa in uu dhammaato bisha janaayo ee sanadka soo socda.

https://unhabitat.org/somalia

 

Nabadeynta | IOM oo garab siisay haween, si ay u noqdaan wakiillada isbedelka iyo nabadda

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa ka qaybgalay shirkii saddexaad ee Madasha Nabadda Paris si ay u soo bandhigaan mashruucooda la xiriira Haweenka, Nabadda, iyo Amniga - Kaas oo qayb ka ah dadaallada ballaaran ee nabadeynta Soomaaliya.

Iyada oo la isticmaalayo mashruucan, hay’adda IOM waxay howlgelisay ururada haweenka Soomaaliyeed si loo taageero 150 haween, kuwaas oo qaatay go'aan ah ka bixitaanka kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha wata isla markaana waxaa garab lagu siiyaa inay noqdaan wakiillada isbeddelka.

Mashruucan waxaa maalgeliyey Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee Soomaaliya waxaana fulintiisa lala kaashaday UNSOM. Xaflad ka dhacday Faransiiska waxaa ka soo qayb galay in ka badan 10,000 qof oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaal, ururro caalami ah iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

https://twitter.com/IOM_Somalia/status/1327226095553351681?s=20

 

Bani'aadamnimada | OCHA oo booqatay xero barakac oo ku taalla gobolka Togdheer ee Somaliland

Koox OCHA ka tirsan ayaa u safray magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland, halkaas oo ay booqdeen xerada 18 May oo loogu talagalay dadka gudaha ku barakacay (IDP), oo ilaa toban kiilomitir koonfur ka xigta magaalada Burco oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 3,000 oo qoys.

Barakacayaasha ugu badan ayaa yimid goobta ka dib markii laga barakiciyay meelihii ay hore ugu sugnaayeen oo u dhow garoonka diyaaradaha ee deegaankan sanadkii hore, waxaana dawlada hoose ee Burco ay qorshaynaysaa in ay dhul siiso Barakacayaasha ku nool 18-May.
Barakacayaashu waxay muujiyeen inay ku sii jiraan halkii ay ku noqon lahaayeen tuulooyinkoodii ay ka yimaadeen. Si kastaba ha noqotee, helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, oo ay ku jiraan caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, aad ayey u kooban yihiin, marka la fiiriyo masaafada ay magaalada u jirto.

Saraakiisha OCHA waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la hubiyo xalal waara oo loo helo barakacayaashaas.

https://www.unocha.org/somalia

 

Sharciga | UNDP oo taageertay xarumaha lagu xalliyo khilaafaadka si loo yareeyo rabshadaha qoyska

Guud ahaan magaalooyinka Soomaaliya, UNDP waxay gacan ka geysatey aasaasidda xarumo lagu xalliyo khilaafaadka iyada oo lala kaashanayo wasaaradaha caddaaladda.

Xaruumahani waxay fudedaynayaan inay dadka u imaadaan arrimo dhexdhexaadin ah. In badan oo ka mid ah waxay la macaamilaan dembiyada ka dhanka ah haweenka - sida rabshadaha qoyska, oo kor u kacay tan iyo bilowgii cudurka faafa ee COVID-19.

Marka lagu daro kiisaska ay taageereen xafiisyada  bixiya sharciga  bilaashka ah ee UNDP, Xaruumahani waxay la falgaleen  ku dhowaad 200 oo kiis laga soo bilaabo Julaay ilaa Sebtember 2020.

https://undpsom.medium.com/sometimes-it-helps-to-talk-a86615f47636

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNFPA oo gacan ka geysatey sameynta goob u gooni ah haweenka uurka leh iyo kuwa naaska nuujiya carruurta oo ku taalla isbitaalka Garoowe

UNFPA ayaa ka taageertay Wasaaradda Caafimaadka Puntland inay ka hirgeliso goob u gaar ah COVID-19 oo la macaamisha haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, taas oo laga hirgaliyey isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

https://somalia.unfpa.org/en

 

Ilaalinta | UNHCR, Saraakiil Soomaali iyo Kenyan ah oo kulan ka yeeshay barnaamijka dadka sida mutadawacnimada ah u soo laabanaya

Bishii Nofeembar, UNHCR iyo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxay yeesheen kulan ay uga wada hadleen sidii tartiib tartiib loogu soo celin lahaa barnaamijkii dib-u-noqoshada ikhitiyaariga ah. In kabadan 50 ruux ayaa ka qeybgalay kulanka khadka Internet-ka ah oo ay ka qeybgaleen xubno ay ka midyihiin Guddoomiyaha Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha Aamina Saciid, Xoghaynta Arrimaha Qaxootiga Kenya, Moses Makori, iyo waliba wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Johann Siffointe iyo wakillka Kenya ee UNHCR Fathiaa Abdalla.

Kulanka ayaa la isku raacay mashruuc tijaabo ah oo qaxootiga Soomaaliyeed ee iskood uga soo laabanaya Kenya laga bilaabo toddobaadka ugu horreeya ee bisha Diseembar.

Iyadoo ay jirto musiibada COVID-19, barnaamijkani wuxuu ku bilaaban doonaa duulimaadyo kooban oo soo laabasho ah iyadoo la beegsanayo qaxootiga aan laga helin COVID-19.  Barnaamijku wuxuu sidoo kale si adag ugu hoggaansami doonaa tilmaamaha ay soo saareen Dowladaha iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) si looga hortago faafidda cudurka.

https://www.unhcr.org/somalia.html

 

Carruurta | UNICEF iyo la-hawlgalayaasheeda oo ku baaqay in la meel mariyo Sharciga Xuquuqda Carruurta

20-kii Nofeembar, iyada oo ay wehliyaan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo la-hawlgalayaasheeda, UNICEF waxa ay xustay Maalinta Carruurta Adduunka waxaana loogu baaqay mas'uuliyiinta Soomaaliya inay ansixiyaan Sharciga Xuquuqda Carruurta si loo ilaaliyo xuquuqda carruurta ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ansaxisay Heshiiska Xuquuqda Carruurta (CRC) bishii Oktoobar 2015. Waana heshiiskii ugu ballaaran ee la ansaxiyay ee xuquuqda aadanaha ee adduunka, wuxuuna aasaas u yahay xaqiijinta iyo ilaalinta dhammaan xuquuqda carruurta oo dhan. Heshiiskaas ayaa xaqiijiya carruurta meel kasta oo ay joogaan in ay ku raaxeysan karaan xuquuqdooda waxbarasho, ciyaar, horumar iyo in ay ku noolaadaan si sharaf leh.

Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta, oo sugaya ansixinta golaha wasiirrada Soomaaliya, wuxuu muujinayaa sida ay uga go'antahay dowladda Soomaaliya inay hubiso in qodobbada ku hoos jira heshiiska CRC la dhowro. Marka ay golaha wasiiradu ansixiyaan sharciga, wuxuu aadi doonaa baarlamaanka si looga doodo oo loo ansixiyo.

https://www.unicef.org/somalia/press-releases/unicef-and-partners-call-passage-child-rights-bill

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo taageertay tababarka tababarayaasha caafimaadka iyo badbaadada shaqaalaha

Ka caawinta shaqaalaha kala duwan ee Soomaaliyeed dhanka caafimaadka iyo badbaadada ayaa muhiim u ah ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka caawinta ganacsatadu inay ku noolaadaan caafimaad qab inta uu socdo cudurka COVID-19 – tan ayaa si gaar ah u ilaalin doonta caafimaadka shaqaalaha iyo goobta ay ka shaqeynayaan waxa kale oo ay hoos u dhigi doonta faafidda cudurkan.

UNIDO waxay qorsheysay barnaamij saddex maalmood soconaya oo ku saabsan tababarrada caafimaadka iyo badbaadada shaqada ee COVID-19 oo loo tababarayo tababarayaasha Soomaalida, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halista ka jirta qeybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Soomaaliya - kalluumeysiga, beeraha iyo xoolaha.

Tababarka ayaa waxaa loogu talagalay khubaro ka socota Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Qeybaha horumarinta shirkadaha ee magaalooyinka kala duwan ee gobollada, iyo Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed. Khubaradan ayaa aqoontii ay ka heleen tababarka u gudbin doona shaqaalaha Soomaaliyeed ee ururada kala duwan.

Tababarkan ayaa waxaa maal galiyay Hay’ada Talyaaniga u qaabilsan iskaashiga horumarinta (AICS) waxaana ka qeyb qaatay Jaamacada Notre Dame University (NDU) ee Lubnaan.

https://medium.com/@unidosomalia

 

Khataraha Qaraxyada | UNMAS oo ka shaqeyneysa sidii loo xoojin lahaa awoodda Saraakiisha ka shaqeysa Qaraxyada ee Xubnaha Dowlada Federaalka

UNMAS waxay ku wareejisay qalabka xafiisyada iyo qalabka IT-ga xafiiska maamulka koonfur-galbeed ee Maamulka Maareynta Qaraxyada Soomaaliyeed (SEMA).

Qalabka lagu deeqay ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo xoojinta awoodda xafiisyada gobollada ee SEMA si loo wanaajiyo isku-dubbaridka iyo maareynta waxqabadyada miinada ee ee  dalka oo dhan. Deeqdan ayaa lagu suurtageliyey iyadoo gacan laga helayo dawladda Japan.

https://unmas.org/en/programmes/somalia

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay | Ergeyga Qaramada Midoobay oo iftiimiyey baahida loo qabo tanaasul, is afgarad iyo wadahadal
 
Kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya, ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, wuxuu khudbadiisa kaga hadlay qodobbo kala duwan - oo ay ka mid yihiin doorashooyinka qaranka, amniga, deyn cafinta, caqabadaha bani'aadamnimada, caddaaladda, horumarka, xuquuqda aadanaha, COVID-19 iyo qodobbo kale.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in "is afgaradkii siyaasadeed" ee la gaarey bishii Sebtember, isla markaana soo afjaray ismari waagii laba sano ka taagnaa Soomaaliya, ay tahay in "si qoto dheer loo ilaaliyo," wuxuuna muujiyey baahida loo qabo isu tanaasul, is afgarad iyo wadahadal dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah si loo sii joogteeyo horumaradii dalku gaaray.

https://unsom.unmissions.org/statement-un-envoy-james-swan-security-council-situation-somalia-3

 

Hannaanka cuntada | WFP oo siisay beeraleyda iyo tafaariiqleyda cuntada talaagado cadceeda ku shaqeeya, si ay gacan ka geysato kor u qaadidda iibinta wax soo saar cusub

Qeyb muhiim ah oo ka mid ah shaqada WFP ee hannaanka cuntada ayaa ah inay beeraleyda iyo tafaariiqleyda labadaba ku taageerto tikniyoolajiyadda qaboojiyaha, oo loogu talagalay xaaladda Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay in lagu wanaajiyo cimriga cunnada nafaqada leh ee xumaan karta.

ilaa iyo hadda, 19 qandaraaslayaal WFP ah ayaa lagu qalabeeyay qaboojiyeyaal casri ah oo ku shaqeeya cadceedda, dhinaca wax soo saarka, WFP waxay hadda qorsheyneysaa inay siiso toban koox oo beeraley ah goobo qabow oo ay wax ku keydsadaan. 

hagaajinta silsiladda wax soo saarka cusub waxay kordhisaa helitaanka iyo cunnada nafaqada leh, sida miraha cusub, khudradda, hilibka iyo ukunta - gaar ahaan muhiim u ah haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya. 

Arrintani waxay sidoo kale xoojineysaa hab-nololeedka iyadoo la yareynayo qasaaraha cuntada, lana xoojinayo ganacsiga badeecooyinka halaabi kara, lana kordhiyo faa'iidada dalagga.

Qandaraaslayaasha WFP ayaa soo sheegay koror aad u weyn oo ku yimid iibinta wax soo saarka cusub, laga soo bilaabo $ 7,361 bishii Maajo 2019 iyo ilaa iyo hadda oo ay wadartu ku dhowdahay $ 700,000 - qayb ahaan waxaa loo aaneynayaa xarumaha keydinta ee qabow.

https://twitter.com/WFPSomalia