QM oo tababar siisay dakhaatiirta maskaxda ee maamulka Koonfur Galbeed

28 Jul 2017

QM oo tababar siisay dakhaatiirta maskaxda ee maamulka Koonfur Galbeed

Baydhabo - Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay tababar aqoon kororsi ah u sameysay soddon qof oo ku howlan arrimaha caafimaadka ee maskaxda kuwaas oo ka shaqeeya xarumaha caafimaadka dhimirka ee Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Tababarkani ee la qabtay inta u dhaxeysa 24 iyo 26-da ee Luulyo 2017, ayaa waxaa lagu bixiyay aqoonta aasaasiga ah ee la tacaalidda dadka qaba xanuunnada la xiriira maskaxda. Ka qaybgalayaasha tababarka waxaa ka mid ahaa dad ka socday xabsiga dhexe ee Baydhabo, isbitaalka dhimirka ee magaalada, iyo xarunta Dhaqan celinta ee Baydhabo.

Isaaq Maxamuud Mursal oo ah ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay in tababarka uu gacan weyn ka geysan doono daaweynta xanuunnada dhimirka ee ku soo badanaya Soomaaliya.

“Waxaa aan ka walaacsannahay in 10-ka sano ama 20-ka sano ee ugu dambeeyay ay sii badanayeen tirada dadka qaba cudurka dhimirka, dhibka jirana waxaa uu yahay in aanan la helin tababar kan la mid ah,” ayuu yiri mudane Mursal.

Xaaladda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya ayaa sanado badan ahayd mid aan ahmiyad weyn la saari jirin, inkastoo tirakoobka la haayo ay muujinayaan in dalka uu ka mid yahay dalalka caalamka ay ugu badan yihiin dadka qaba xanuunka dhimirka.

“Waxaan u maleynaya in dagaallada ay qayb ka tahay waxyaabaha sababay, in dad badan ay la soo kulmeen weerarro aan la fileynin iyo dhimasho kadis ah,” ayay tiri Amelie Runesson, oo ah la Taliyaha arrimaha Asluubta ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“Marka tababarka waxaa kow looga gol lahaa in lagu iftiimiyo faquuqa loo geysto dadka qaba cudurka dhimirka, iyo in ka qaybgalayaasha wax laga baro xanuunnada la xiriira maskaxda, oo ay ka mid tahay cadaadiska qofka ku dhaco kaddib dhib loo geystay ama uu la kulmay, iyo in la baro wax ku saabsan sida loo qiimeyo cilmi nafsiga, gaar ahaan baaritaanka isdilka,” ayay intaas raacisay.

Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sida loo joojin karo faquuqa dadka qaba cudurka dhimirka, dib u eegisna ku sameeyay hababka loola tacaalo xanuunnada maanka ee caadiga ah. 

“Soomaaliya dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa inta badan loogu yeeraa ‘qof waalan,” ayay xustay Marwo Runesson. “Farriinta ugu muhiimsan ee la gudbiyay waxaa ay ahayd muhiimadda ay leedahay in loo fahmo in uu yahay cudur la mid ah cudurrada kale, lana daaweyn karo. In la beddelo magaca loogu yeero ayaa ah tallaabbada koowaad ee looga hortagayo faquuqa.”

Xogta laga helay isbitaalka maanka ee Baydhabo ayaa muujinaysa in ay sii badanayaan tirada dadka qaba xanuunnada dhimirka. Maxbuusta ayaa ugu badan dadka ay ku dhacaan xanuunnada maskaxda, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka. Bukaannada intooda badan waxaa lagu arkaa calaamadaha xanuunnada sida cudurka dhimirka, walwalka, murugo saa’id ah, iyo qalalka, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay tababarkani sababtoo ah ma jirin tababar ku saabsan xanuunnada maskaxda ee la bixiyay tani iyo markii la furay isbitaalka Maanka ee Baydhabo, shan sano ka hor. Waa maalin taariikhi ah, aad ayaana u faraxsannahay, “ ayuu yiri Dr. Aadan Maxamed Cabdiraxmaan, Agaasimaha Isbitaalka Maanka ee Baydhabo. “Waxaa jirtaa maahmaah Soomaaliyeed ee oraneyso ‘ficilka waxaa ka horreeysa aqoonta.’ Ka hor inta uu qofka daaweynin bukaannada, waa in uu haysto aqoontii uu ku daaweyn lahaa. Marka, tababarka waa mid waxtar weyn leh, dadka ku howlanna waxaa ay ka baranayaan sida loo daryeelo bukaannada qaba xanuunnada dhimirka.”

Tababarkani oo ah tababarka ugu horreeyo ee noociisa ah ee laga sameeyo gobolka, waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Kooxda Hay’adaha Horumarinta ku dhaqanka Sharciga iyo Ammaanka ee UNSOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Daawooyinka iyo Dambiyada (UNODC).