Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’an tahay in ay dalka u sameyso dib u heshiisiin iyo midnimo

13 Jun 2017

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’an tahay in ay dalka u sameyso dib u heshiisiin iyo midnimo

 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeysay in ay ka go’an tahay in ay mideyso dalka si loo helo nabad iyo xasillooni waara.

Mar uu ka hadlayay xafladda furitaanka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib u Heshiisiinta ee Muqdisho ka furmay maalinta Talaadada ah, Raysal Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Axmed Guuleed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid diimeed, kuwaas oo aan weli xal laga gaarin sababo la xiriira colaadaha.

Asagoo la hadlayo culumaa’u diinka ka qaybgalay shirka, Mudane Mahdi Axmed Guuleed waxaa uu yiri, “Dhanka dib u heshiisiin diimeed idinka, culumada, ayaan idin ku xisaabtamaynaa, in aad wada hadal sameysaan aadna fasir fiican naga siisaan waxaa ay diinta qabto. Tani waxaa ay naga badbaadineysa khatarta afkaarta waddamada kale laga keenay ee sabab u ahayd dhiigga halkan ku daataay.”

Shirkan socon doono muddo shan maalmood ayaa looga arrinsan doonaa waddada loo mari lahaa dib u heshiisiin. Ergada waxaa ay calaameyn doonaan meelaha colaadaha ay ku badan yihiin, noocyada colaadaha, waxyaabaha sababa iyo heerka colaadaha ee dalka, waxaa ayna dhageysan doonaan aragtida dadka ee ku aaddan waddada loo mari karo xallinta khilaafyada iyo colaadaha taas oo ka caawin doonta in la sameeyo siyaasadda istaraateejiyadda dib u heshiisiinta.

Shirkani waxaa qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. Waxaana suurtagaliyay Qaramada Midoobay, Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhisidda Maamullada, iyo Barnaamijka Xasilinta Soomaaliya ee Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayagoo dhaqaale ka helayo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka.

Shirkan socon doono muddo shan maalmood ah waxaa ka qaybgalay xubno matalaya Dowladda Federaalka ah, maamul goboleedyada, dadka laga tiro badan yahay, bulshada rayidka ah, aqoonyahaannada, odayaasha dhaqanka iyo culumada.

Shirkii London ee dhacay bisha May ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyay ballanqaad in dowladdiisa ay ku dadaali doonto in ay bulshada Soomaaliyeed u sameyso dib u heshiisiin iyo mideyn si dalka u helo nabad iyo amni.

Mudane Mahdi Axmed Guuleed ayaa ugu baaqay ergada in ay sameeyaan wada hadal furan oo daacad ah si looga hortago khaladaadkii hore ee fashiliyay dadaalladii hore ee dib u heshiisiinta.

Shirka waxaa looga hadli doona colaadda iyo nabadda, dhaqanka Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta, Islaamka iyo dib u heshiissinta, iyo xeerka caddaaladda ee dhaqanka iyo dib u heshiisiinta.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, ayaa iyadana xustay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin mug leh ku leeyihiin isku keenidda dadka Soomaaliyeed iyo ay ka shaqeeyaan nabadda.

 “Geeddi-socodka dib u heshiisiinta Sooomaaliya waxaa uu ku jira gacmaha haweenka haddii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha, haddii ay noqon lahay in dhinacyada dagaalamayo nabad laga dhex dhaliyo, iyo ay bogsiiyaan boogaha colaadda si loo soo celiyo sharafka iyo cisiga ummadda Soomaaliyeed. Waxyaabahan dhammaan waxaa qabta haweenka, waxaana diyaar u nahay in aan hormuud ka noqonno,” ayay tiri Batuulo.