Howgal Iskaashi Heer sare ah ayaa soo gabagabeeyey booqasho xaqiiqo raadin oo lagu tagayo waddamada Geeska Afrika iyadoo ballan-qaadyo deeq gargaar bani’aamdamnimo la sameeyey

13 Jun 2017

Howgal Iskaashi Heer sare ah ayaa soo gabagabeeyey booqasho xaqiiqo raadin oo lagu tagayo waddamada Geeska Afrika iyadoo ballan-qaadyo deeq gargaar bani’aamdamnimo la sameeyey

 

 Howgal Iskaashi oo Heer sare ah oo badankooda ka kooban dowaldaha cararbta ayaa soo gabagabeeyey  howgal booqasho lix maalin ah oo xaqiiqo-raadin ah oo ay ku booqanayeen dadweynaha ay abaartu saameysay ee ku kala nool Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdigu waxaa kamid ahaa madax sare oo ka timid Kuwait, Sacuudi Carabiya, Koonfurta Afrika iyo Mareykan iyo sidoo kale Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika. Waxaay Itoobiya gaareen 7 Juun si ay u billaabaan booqashadooda xaqiiq-raadinta. Howgalku wuxuu ku dhammaaday Kenya 13 Juun waxaana hoggaaminayey Diktoor Axmed Almeraikhi, Ergayga xagga Bani’aadamnimada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, SamateCessouma Minata, Guddoomiya Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, iyo Rashid Khalikov, Ku-xigeenka Iskaashiga Bani’aadamnimo ee Xoghaya Guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Aasiyada Dhexe.

Iyagoo war saxaafadeed ka jeedinayey caasimadda Kenya ee Nairobi maalintii salaasada ayaa waxaay wufuuda ku dhawaaqeen ballan qaadyo deeq-siin ah si loo yareeyo saamaynta dhibaatada abaaraha taasi oo u keentay cuno yari ilaa 26.7 milyan oo qof oo ku sugan Geeska Afrika.

Muhiimadda ugu weyn ee howgalka wuxuu ahaa in kor loo qaado wacyi-gelinta xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta saddexda waddan iyadoo la muujinayo halista macluul ee ay dadkoodu la kulmayaan iyo sidoo kale in la dardar geliyo abaabulka kheeyraadka si looga horgato abaaraha mustaqbalka.

Ergayga xagga Bani’aadamnimada ee Xogahaya Qaramada Midoobay wuxuu Soomaaliya ugu dawaaqay deeq dhan US$100,000 isagoo u marinayo Midowga Afrika. Koonfurta Afrika waxaay ballan qaaday 10 milyan oo lacagtooda Rand ka ah (oo u dhiganta qiyaastii US$780,000) si looga caawiyo dadaadalada loogu jiro ka hortaga abaarta ka jirta Soomaaliya.

Diktoor Almareikhi wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay  US$1.1 billion xirmo lacageed ah oo ka timid Bangiga Horumarinta Afrika si loola dagaalamo abaaraha iyo macluulasha ka jira lixdani waddan oo ay kamid yihiin Itoobiya iyo Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ku biirin $ 50 milliond si ay u xoojiyaan hab-nololeedyada iyo barnaamijyada adkeysiga ee Soomaaliya iyo sidoo kale taageero Qaramada Midoobay ee horumarinta qaab-celinta dhaqaalaha

Bank ayaa sidoo kale ka dhex abaabulay qaybihiis kale ee maalgeliya Soomaaliya lacaga ka badan $ 184 milyan oo dollar.

"Xamaasadda xilliga Ramadaanka, Qatar ayaa kaga  jawaabtay  baahida degdega ah ee dhaqaale ayadoo u sii mariysay qoondaynta gargaar bani'aadamnimo Itoobiya lacag dhan $ 3 milyan  iyo Soomaaliya lacag dhan $ 10million," Dr. Al-Meraikhi ayaa u sheegay suxufiyiinta joogay gudaha xarunta dalka Kenya.

"Mareykanka horay ayuu  u lahaa  kaalmo xoogan oo joogto ah oo loogu talagalay dalka  Itoobiya oo qiimihiisu wadar ahaan $ 215million sannadka 2017", ayuu hadalkiisa ku daray.

Xubnaha Ergada ayaa ku dhawaaqday inay ka codsadeen deeq-dhaqameedyada iyo iyo kuwa aanan ahayn deeq-dhaqameedyada in ay  taageeraan howlgalka bani'aadamnimada.

Intii lagu guda jiray howlgalka lix maalmood, wafdiga waxaa ay soo booqdeen goobaha xeryaha dadka barakacayaasha ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya si ay u qiimeeyaan wax ku oolnimada hawlgalada waxqabadka bani'aadamnimada.

Dr. Al-Meraikhi ayaa sheegay in ujeedada booqashadooda ay ku tageen goobaha uu ahaa inay ku arkaan indhahooda xaaladda dhabta ah ee goobaha ka jirta iyo "inay dib ugu laabtaan howlwadayaashooda, dibna la isugu keeno si u yeeshaan gargaar oo  isku dayaan si ay ula dagaallamaan abaarta."

Gudaha Muqdisho, wafdiga waxaa ay la kulmeen Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Axmed Guuleed, waxayna wadahadalla la yeesheen Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya.

"Tirada dadka u baahan gargaarka waa in ka badan  nus tirada dadweynaha. Waxay kor u kaceen 500,000  dhowrkii bilood ee la soo dhaafay oo tirada ay noqonaysa 6.7 milyan ", Mr. de Clercq ayaa u sheegay wafdiga.

Wuxuu intaa ku daray in "3.2 milyan oo qof  in ay ku jiraan dhibaato iyo xaaladaha degdegga ah iyo tirooyinka barakacay ayaa kor u kacay in la'eg 740,000, marka lagu daro 1.1 milyan oo horay u barakacday illaa hadda".

Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bani'aadamnimada ayaa ku qiyaastay in in ka badan 13.4 million oo qof ayaa wajahay xaaladda cunno yaraan ah gudaha dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya. In ka badan 4.4 milyan oo qof ay noqdeen dad qaxooti ah oo u qaxay cararay wadamada dariska ah si ay uga baxsadaan abaarta ku reebaan

"Waxaan indhahayaga ku aragnay waxa loo baahan yahay, maxaa yeelay tani waa waxa aan u baahannahay in aan dib ugu geyno deeqbixyaasha  iyo hawlgalayaasheeda oo aan  u sheegno xaaladda iyo sida aan ku siin karno gargaar dheeraad ah Soomaaliya", intaas ayuu ku soo koobay Dr. Al-Meraikhi dhamaadka booqasho xaqiiqo raadin ah.