Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay dilka wariyaha Idaacadda Shabelle

28 Sep 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Michael Keating oo cambaareeyay dilka wariyaha Idaacadda Shabelle

WAR-SAXAAFADEED 24/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay dillkii ay laba nin oo dablay ah oo aan la garaneyn shalay caasimadda Soomaaliya ugu geysteen wariyihii Idaacadda Radio Shabeelle, Cabdicaziiz Maxamed Cali.

Dadka dila ka dambeeyay weli lama aqoonsanin. Md. Cabdicaziiz Maxamed Cali oo ahaa wariye aad loo qadariyo, wuxuu noqonayaa wariyihii Soomaaliyeed ee labaad ee si xun loo dilo sannadkan. Wariyeyaal tiradoodu gaarayso 31 ayaa la dilay tan iyo bishii Agoosto 2012, sida ay sheegtay Kooxda Xuquuqul Insaanka iyo Badbaadinta ee UNSOM.

“Md. Cabdicaziiz Maxamed Cali wuxuu ahaa wariye wax baara, waaya arag leh, oo karti ba