Dr. Yuusuf Barre Maxamed: "Haddii aad Caawin karto Bulshadaada Saaka, dib ha u Dhigin ilaa Galabta!"

23 Dec 2020

Dr. Yuusuf Barre Maxamed: "Haddii aad Caawin karto Bulshadaada Saaka, dib ha u Dhigin ilaa Galabta!"

Baydhabo -- In uu Noqodo dhakhtar waxa ay ahayd hamigiisa Yuusuf Barre Maxamed intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa sannadihii 2000 ilaa 2010.

Tan iyo markaas, 31 jirkan riyadiisii ahayd in uu ka caawiyo daryeelka caafimaadka dadka ay wada deggaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya (KGS) waxaa ay noqotay mid ballaaran.

Marka laga reebo inuu yahay dhakhtar caafimaad, Dr. Yuusuf wuxuu hadda yahay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda hoose ee Baydhabo oo ah magaalada ugu weyn KGS, isla markaana waxaa uu kamid yahay aasaasayaasha jaamacad ku taalla magaalada.

Safarka noolashiisu waxa ay ka bilaabatay Muqdisho, halkaasi oo uu ku dhashay 1989 - wax yar uun ka hor dagaaladii sokeeye.

“Dagaalo culus oo dhacaayey dartood, waxaan muddo kooban u qaxnay magaalada Baydhabo, laakiin markii dambe ayaan ku soo laabanay si aan u dhammeystirto waxbarashadayda. Waxaan ku qaatay waxbarashadayda aasaasiga iyo dugsiga sare Khadiija Model School. Sidoo kale Waxaan ka qaatay shahaadada koowaad ee caafimaadka iyo qalliinka (Medicine and surgery) Jaamacadda Plasma sanadkii 2015,” Dr. Yuusuf ayaa sidaasi yiri.

Laga soo bilaabo 2013, waxaa koray oo xoogaystay xiriirkiisa KGS kadib markii isaga oo wali waxbarashadiisa jaamacadda sii wata, isaga iyo seddex kale oo dhakhaatiir caafimaad ah ay yimaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si ay shaqo tabaruc ah uga qabtaan Isbitaalka Gobolka Baay, oo ah isbitaalka kaliya  ee loo soo gudbiyo bukaannada ka yimaada saddexdan gobol - Baay iyo Bakool oo ka tirsan KGS, iyo Gedo oo ku taalla maamul goboleedka deriska ah ee Jubaland.

saddexda kale ee dhakhaatiirta caafimaad ayaa lagu kala qorey qeybaha kala ah; Gargaarka deg deg ah, qaybta qalliinka iyo daaweeynta guud, halka Dr. Yuusuf-na uu ka hawlgalay qaybta carruurta.

“Markii aan imaaneynay, Isbitaalka gobolka Baay waxaa joogay oo kali ah hal dhakhtar oo qalliin ah kaas oo ay taageeraysay WHO (Ururka Caafimaadka Adduunka). Waxa ay ahayd xaalad aad u adag, isbitaalku malahayn hay'ad si toos ah u taageerta, dawo ku filana ma haysan! Sidaasi ayuu dib u xusuustaa. “Bal qiyaas: isbitaal xudun ah seddax gobol oo aan lahayn qalab caafimaad oo aasaasi ah lagana filaaayo inuu daweeyo bukaannada maalin kasta ku soo dhaawaacma rasaasta iyo qaraxyada.”

Isxilqaamid

Arrin uu ku bilaabay shaqo iskaa wax u qabso ah intii uu waxbarashada waday ayaa u noqotay shaqo rasmi ah markii uu qallin jabiyay kadib. Balse aragtidiisa waa ay ka fogayd daaweeynta carruurta oo kali ah oo waxa uu doonaayey in uu horumariyo caafimaadka guud ee KGS, aakhirkiina waxaa loo magacaabay iskuduwaha caafimaadka Gobolka Baay.

Wuxa uu la xiriiray Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee caalamiga ah si ay uga caawiyaan horumarinta caafimaadka ee Isbitaalka Gobolka Baay.

Wuxuu la kulmay guulo badan. Mid ka mid ah guulahaasi waxay ahayd hay’adda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) oo oggolaatay inay taageerto waaxda daryeelka degdegga iyo qalliinka Isbitaalka Gobolka Baay, iyo sidoo kale xarunta nafaqada carruurta. Waxa ayna ka kaalmaysay dhanka daawada iyo gunnada shaqaalaha.

Sannadkii 2016-kii, Dr. Yuusuf waxa uu ku biiray Wasaaradda Caafimaadka ee KGS oo uu ka noqday agaasimaha waaxda qorshaynta. Waxa uuna u arkayey xilkaasi cusub in uu yahay tallaabo uu hore u qaaday dhanka bixinta daryeelka caafimaadka, waxa uuna door firfircoon ka qaatay qaab dhismeedka wasaaradda caafimaadka iyo siyaasadda shaqaalaha sidii loo waafajin lahaa kuwa wasaaradda caafimaadka ee heer federaal.

"Xilligan waxaa jira 25 dhakhtar iyo in ka badan 300 oo shaqaale oo ka hawlgala Isbitaalka Gobolka Baay," sidaas ayuu yiri Dr. Yuusuf, isagoo ka hadlaya isbeddelada isbitaalka ka dhacay markii uu yimid dabadeed. 

Baadi-goobka Tacliin

Markii uu ahaa iskuduwaha caafimaadka ee gobolka Baay, aragtida Dr. Yuusuf ayaa noqotay mid sii ballaaratay. Isaga iyo toddoba qof oo aqoonyahanno saaxiibadiisa ah waxa ay ogaadeen baahida waxbarasho ee ka jirta  deegaanka.

“Kadib markii aan sameynay cilmi-baaris, waxaan ogaanay inay ka jirto magalaada Baydhabo baahi badan oo loo qabo waxbarasho jaamacadeed. Waxaa jirtay oo keliya hal jaamacad, taasoo aheyd Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, oo aan bogaadinayo adeegyadeeda xiligaasi -laakiin ma aysan ku filnayn inay daboosho baahiyaha dadweynaha ee ku aaddan barashada cilmiga sare. Sidaasi daraadeed, waxa aan dhidibada u taagnay Jaamacadda Baay sanadkii 2013-kii si aan u daboolno baahiyaha waxbarasho ee jiray xiligaaasi, una yareeyno tirada ardayda waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadaha ugu safri jirtay magaalada Muqdisho ama meelo kale,” ayuu yiri.

Jaamacadan gaarka loo leeyahay, waxaa hadda dhigata in kabadan 900 oo arday, oo ku dhawaad kala bar ka mid ahi ardaydaasi waxa ay heleen deeq waxbarasho oo buuxda ama waxaa loo sameeyey qiimo dhimis khidmadaha wax lagu barto, iyagoona wax ka barta dhammaan kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda. Dr. Yuusuf waxa uu ka midyahay guddiga Jaamacadda waxa uuna casharro siiya fasallada qaarkood  maalmaha fasaxa Isbuuca. “Markii hore, Jaamacadda Baay waxaa lagu bilaabay saddex kulliyadood oo kala ah Cilmiga Caafimaadka, Cilmiga Aadanaha iyo Bulshada iyo Injineeriyadda. Ilaa iyo hadda, in ka badan 450 arday ayaa ka qallin jabisay, oo ayna kamidyihiin ardayda ka soo jeeda qoysaska la hayb sooco iyo kuwa danyarta ah,” sidaasi ayuu yiri. Isagoo sheegay in isaga iyo aasaasayaashii kaleba ay rajeeynayeen xiligas inay Jaamacadda ballaaran doonto sanadaha soo socda.

Wuxuu intaas sii raaciyey in qaar badan oo ka mid ah ardayda ka qallin badelatay jaamacadda ay ka shaqeeyaan meelo kala duwan, oo ay ka midyihiin wasaaradaha dowladda, hay'adaha caalamiga ah ee aan dowliga ahayn iyo Isbitaalada Gobolka Baay.

Dowladda hoose

Mas'uuliyadaha da'yarkani xirfadlaha caafimaadka ah ayaa ka balaaratay in ka badan sanad hore sida ay ahayd. 

Bishii Oktoobar 2019-kii, iyada oo la tixgelinayo hawlihii uu ka qabtay KGS ayaa Wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta waxa ay u magacaawday Dr. Yuusuf Kuxigeenka Duqa magaalada Baydhabo, oo ah meel ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso in ka badan hal milyan oo qof.

"Waan aqbalay magacaabistayda maadaama qayb kamid ah riyadeyda ay ahayd inaan u adeego bulshadeyda si kasta oo aan u awoodo, waxaana uga mahadcelinayaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftaareen’ oo horseed u noqday dhallinyaro badan in ay ku soo biiraan saaxadda siyaasadda,” “ayuu yiri. “Waxaan ahay xirfadle caafimaad, laakiin ma ogtahay sababta aan hadda u door biday ka shaqeynta dowladda hoose ee Baydhabo? Waxaan garwaaqsaday, in shaqsiyaad aan ku daweeyo isbitaaka inaysan ku filnayn baahida jirta. Waxaan sidoo kale u baahannahay inaan hormarino nidaamyadeenna liita ee caafimaadka iyo waxbarashada. Halkaasi ayaan ka ambaqaadi karnaa.”

Xitaa iyada oo ay jirto culeyska shaqadaan cusub, wali wuxuu garab u yahay Isbitaalka Gobolka Baay oo waxa uu tagaa xiliyada ay culeysyada jiraaan sida marka ay dhaawacyo badan ka dhashaan iskahorimaadyada hubeysan iyo weerarda qaraxyada. Sidoo kale wuu garab istaagaa marka ay dilaacaan cudurrada faafa sida daacuunka. Waxa uu u arkaa inay la mid tahay masuuliyadiisa cusub maadaama ay ku lug leedahay daryeelka dadka in kasta oo ay tahay shaqo aad u ballaaran.

“Dhawaan, waxaan soo bandhignay mashruuc lagu dhisaayo 13 waddo oo yar yar, kaasoo ay taageereeyso Qaramada midoobay-Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO). Marka Qandaraaska mashruucaan la bixiyo, waxa uu shaqo u abuuri doonaa ku dhowaad 1,100 qofood. Waddooyinkaani ayaa fududayn doona isku xirka waddooyinka waaweyn iyo meelaha ay ku nool yihiin dadka gudaha ku barakacay (IDPs) ee ku teedsan bannaanka magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxa ay dadku u sahli doontaa inay si dhib yar ku tagaan suuqyada waaweyn, isbitaalada iyo adeegyada kale ee dowliga ah ee magaalada ka jira,” Dr. Yuusuf ayaa sidaasi yiri.

Ilaa iyo hadda, waxyaabaha kale ee hortabinta koowaad u leh waxaa ka mid ah hagaajinta nadaafadda suuqa weyn ee Baydhabo iyo waddooyinka ku hareeraysan. Sidoo kale xoojinta siyaasadda 'dib u celinta iyo dib u dejinta' dadka tirada badan ee barakacayaasha ah oo hadda lagu qiyaaso inay gaarayaan ilaa  iyo 230,000 oo qof - oo ku nool hareeraha Baydhabo sababo nabadgelyo xumo ama abaar ka jirta gudaha KGS aawadeed.

Arrinta daryeelidda dadka barakacayaasha ah waxa ay tahay mid ay walaac weyn ka muujiyaan dowladda hoose ee Baydhabo, iyaga oo taageero ka heleya Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM), Golaha Qaxootiga Norway (NRC), iyo sidoo kale iyagoo si hoose ula shaqaynaaya Guddiga KGS ugu qaabilsan Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

"Waxaan dib u celinay tiro badan oo barakacayaal ah kuwaasi oo hadda ku haysta amaan tuulooyinkooda," Dr. Yuusuf ayaa yiri. “Waxaan siinay sahay, sida cunto iyo xoolo, halka kuwa baqdinta ka qabo meelaha miyiga ah ee ay degi jireen dib udejin loogu sameeyey hareeraha magaalada Baydhabo waxaana loo hirgeliyey daryeel caafimaad oo aasaasi ah, waxbarasho iyo waxyaabo ay ka mid yihiin laydhadhka waddooyinka - tusaale ahaan deegaanka Barwaaqo.”

Mustabalka fog, Dr.Yusuf waxaa uu rajaynayaa in uu horumariyo adeegyada arimaha bulshada sida caafimaadka iyo tacliinta si xirfadahaasi uu jecelyahay wax weyn uga taro soomaalida oo dhan. Had iyo jeerna, waxa uu ugu baaqaa dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed inay raacaan tallaabooyinkiisa u adeegidda bulshada KGS iyo meelaha kale ee dalka.

"Waxaan ka codsanayaa dhallinyarada waxbartay inay ku soo biiraan dowladaha hoose iyo maamul goboleedkaba," ayuu yiri. “Haddii aan nahay dhallinyarada waxbartay waa in aan u tafa xeeydanaa sidaan u dhisilaheen hay’adaheenna burburay, kuwaasi oo badbaadin doona dalka oo dhan. Midda kale, Haddii aad caawin karto bulshadaada saaka, dib ha u dhigin ilaa galabta!"

Facebook post-Somali Version

"Haddii aad caawin karto bulshadaada saaka, dib ha u dhigin ilaa galabta!" ayuu yiri Dr. Yuusuf Barre Maxamed, oo ah dhakhtar da'yar, ahna sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo jecel horumarinta xirfadihiisa mataanaha ah ee caafimaadka iyo waxbarashada – waxa uuna rajaynayaa in uu ku dhiirri geliyo dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan horumarka dalkooda.

"Haddii aad caawin karto bulshadaada saaka, dib ha u dhigin ilaa galabta!" ayuu yiri Dr. Yuusuf Barre Maxamed, oo ah dhakhtar da'yar, ahna sarkaal ka tirsan dowladda hoose ee magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo jecel horumarinta xirfadihiisa mataanaha ah ee caafimaadka iyo waxbarashada – waxa uuna rajaynayaa in uu ku dhiirri geliyo dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan horumarka dalkooda.