Xaliima Godane: U dhaqdhaqaaqaha midnimada iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed

20 Dec 2020

Xaliima Godane: U dhaqdhaqaaqaha midnimada iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed

Kismaayo – Sababaha ka dambeeya go’aanka ay qaadatay Xaliima Faarax Godane ee ah in ay billaawdo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Midnimada (SWSO) sanadkii 2006 waxa ay ka dhalatay waaya-aragnimadeeda dheer oo ay u lahayd tobannaankii sano ee la soo dhaafay xaaladaha colaadda iyo xasillooni darrada dalka ka jirtay. 

“Waxaan asaasay hay’ada lagu magacaabo SWSO kadib markii aan goobjoog u noqday xaaladda cakiran ee hareeysay dalka, kuwaa oo ka dhashay sanado badan oo dagaallo ah, si gaar ahna dhibaato uga soo gaartay haweenka gobolada Jubooyinka,” ayay tiri Marwo Xaliima. 

SWSO oo fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo ee caasimada kumeelgaarka ah ee maamulka ka dhisan koonfurta Soomaaliya ee Jubaland, waxa ay xafiisyo ku leedahay deegaannada Dhoobley, Doolow iyo Afmadow, SWSO waa urur aan dowli ahayn (NGO) oo ka shaqeeya dhinacyo kala duwan sida in haweenka soomaaliyeed ay kaalin fican ku yeeshan bulshada deegaannadaas iyo waliba bulsho weynta Somaaliyeed. 

Hay’adan waxa ay u sameysaa tababarro kala duwan iyo in macluumadka muhimka ay haweenka ku nool maamul goboleedkaas xubinta ka ah dowladda Federaalka  ay wadaagan, iyadoo ujeedkeedu tahay in la siiyo fursado, kor loo qaado midnimada iyo xoojinta la shaqeynta dhinacyada siyaasadda dalka iyo sidoo kale dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta. 

"Haddii haweeney kasta ay kaalin firfircoon ka qaadato hoggaanka iyo jagooyinka saameynta leh si loo xoojiyo nabadda iyo awoodsiinta haweenka, waxa aan arki lahayn natiijooyin wanaagsan dhinac walba ah oo ka dhex muuqda bulshadeenna," ayay tiri Marwo Xaliima, Agaasimaha Fulinta ee SWSO. 

Waxay ku dhalatay magaalada Waajid ee gobolka Bakool sanadkii 1968, khibradda ay u leedahay xaaladaha ka jira dalka aya ah midda hageysa aragtideeda – waayo waxa ay ku sugneyd dalka tobannaankii sano ee colaadaha iyo xasillooni darrada ka jirtay dalka, iyadoo doorbiday inay qoyskeeda la joogto iyo shan carruur ah oo iyadu dhashay, Intii ay socdeen  dagaaladii sokeeye, Marwo Xaliima iyo qoyskeeda waxay u guureen magaalada Dhoobley, oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya. 

Dhanka waxbarashada waxa ay sheegtay in ay aheyd macallimad, kuna taqasustay luuqadda carabiga  sanadkii 1988, iyadoo wax ka dhigaysay iskuullo ku yaal Muqdisho iyo Baydhabo ka hor intii aanu dagaalku qarxin 1991. 

Iyadoo kudhexjirta waxbarista, Marwo Xaliima waxaa ku dhalatay fikrad cusub oo ah  ka shaqeynta arrimaha bulshada siiba doorka haweenka iyo gabdhaha. Duruufihii adkaa ee iyada iyo dumarka kale ay soo mareen xilligii dagaaladii sokeeye iyo wixii ka dambeeyayba ayaa xoojiyay fikiradeeda ku saleysneyd waxkaqabashada iyo ka shaqeynta arrimaha bulshada, taas oo ay sii balaarisay sanadihii la soo dhaafay, sababna u noqotay markii danbe yagleelidda hay’ada SWSO. 

Mashaariicda kobcinta Noolasha iyo howlgalka SWSO

Tusaalaha howlaha kala duwan ee SWSO ay qabato ayaa ah howlaheeda ku aaddan dib u la qabsashada bulshada- caawinta haweenka Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah ee dib ugu soo laabanaya dalka iyo xaasaska dagaalamayaashii hore- kuwaas oo lasiiyo tababarro xirfado wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara hagaajinta rajadooda nololeed. Tababaradaas ayaa isugujira baridda sida rootida iyo dhaqashada digaaga, hoggaaminta bulshada iyo u ololeeynta haweenka. 

Mashaariicda dib ula qabsashada bulshada ayaa taageera ka hela la-hawlgalayaasha sida Xafiiska Hay'adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Pact Kenya, Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM), Machadka Nolosha iyo Nabadda, ee Peace Direct, Saferworld, iyo hay’adda GIZ, iyo kuwo kale. 

Marka laga eego dhanka ka shaqeynta geeddi-socodka siyaasadeed iyo mida nabadeed ee dalka, SWSO waxay isu keentay qeybaha kala duwan ee haweenka Jubaland si ay u hormariyaan xirfadaha  u doodista iyo ka qeybgalka bulshada deegaankooda, iyo sida ay gacan uga geystaan lahayen awood-siinta ​​gabdhaha iyo haweenka. 

Iyada ka hadleysa, Marwo Xaliima waxa ay tusaale usoo qaadatay sida haweenka Soomaaliyeed ay gacan uga geysan karaan dhismaha nabadda ee heer bulsho, khilaaf u dhaxeeyay labada qabiil oo walaalaha ahaa ee ka dhashay dhul daaqsimeedka deegaanka Dalsan ee duleedka Kismaayo bishii Abriil 2020. SWSO ay hormuud ka noqotay dadaalladii nabadeed ee halkaa ka dhacay, iyadoo SWSO ay caan ku ahayd u-doodista nabad ku wada-noolaanshaha. 

"Markii ay labada qabiil billaabeen dagaalka, waxaan ku taageernay haweenka deegaanka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan khilaafka ka hor inta uusan faraha ka bixin," ayay tiri. "Wefti ka kooban 39 haween ah ayaa booqday aaggii uu dirirtu ka dhacday waxayna si dhakhso leh u diyaariyeen gogol nabadeed oo dhalisay laba maalmood oo wadahadal ah oo u dhexeeyey labada qabiil. 

Hindisahan nabadeed ay haweenku hoggaaminayeen kana soo billawday hawenka dhexdooda ayaa ka yaabisay duubabka dhaqanka, sidoo kale badashay aragtii laga qabay doorka haweenka ee howlaha xallinta khilaafaadka maxalliga ah. Arrinatas ayaa tusaale fican u noqon karta urur aan dowliga ahayn iyo guulaha ay gaari karo. 

"Kaqeyb qaadashada arrintan muhiimka ah runtii anaga (SWSO) bas lama filaan nagumeysan noqon ee sidoo kale xubnaha kale ee bulshada rayidka ah ayey lama filaan ku noqotay, sida haweenkii aan tababarnay ay gacan uga gaysteen xallinta khilaafkaas," ayay tiri Marwo Xaliima. "Waxay naga caawisay inaan garwaqsano, shaqada an wadno iyo haweenkuba in ay runtii sameyn karaan go'aano muhiim ah ayna waxkaqaban karaan haddii la siiyo fursad iyo awood ay ku sameeyaan." 

"Haweenku waxa ay ku wanaagsan yihiin abaabulka, sidaa darteedna, waxa ay dhiirrigelin karaan nabadda," ayay raacisay. "Dhaqdhaqaaqyada wadajirka ah ee haweenka siiba kuwa nabadda waxa ay soo saari karaan natiijooyin wanaagsan waxa ayna hor marin karaan bulshada." 

Hanka siyaasadeed 

Khibradaha ay u leedahay dhaqdhaqaaqyada tobankii sano ee la soo dhaafay – marka ay ka shaqeyneysay SWSO iyo nolosheeda gaarka ahba- ayaa u horseeday in ay u istaagto musharax doorashooyinka qaran ee Soomaaliya. Waxa ayna u tartameysaa kursi baarlamaanka ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ee Jubaland. 

Hoggaamiyaasha dalka ayaa isku raacay qoondada boqolkiba 30% ee matalaadda haweenka ee doorashooyinka baarlamaanka, taas oo lagu qaban doono qaab doorasho oo aan toos ahayn. 

Boqolkiiba 30 maahan mid ku cusub  Marwo Godane, waayo waxa ay qeyb ka aheyd dadkii u ololeeyay doorashadii hore. 

“Sannadkii 2016, in 30 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka ma ahayn wax si sahlan lagu helay. Waxay ku timiday kulamo taxane ah iyo wadatashiyo aan qayb ka ahayn oo horseeday qoondaynta saami fican in loo xero haweenka, kuwaas oo u qalma in ay helan intaas badan, ayay tiri 

Haddii ay ku guuleysato kursiga xildhibaanimo, Marwo Xaliima waxa ay hiigsaneysaa, marka laga tago u adeegidda dadka ay mataleysa inay sii waddo howlaheeda u doodista iyo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha, heer deegaan iyo heer qaranba. 

"Haddii aan nahay - haweenka dalkan, ama gaar ahaan gobolkan – oo aan dooneyno inaan wax ka dhahno ama ka dhiibanno talooyinkeenna arrimaha muhiimka ah ee na saameynaya, waxaan u baahannahay midnimo si aan gacmaheena iyo codkeenna isugu geyno si naloo maqlo," Marwo Xaliima ayaa sidaas tiri.  

Haddii kale, waan sii firidhnaan doonnaa oo wax namaqli doona malahan.” 

Fikrad midnimo ayaa astaan u noqotay shaqada Qaramada Midoobay tan iyo dhalashadii hay'addan, iyada oo abuuritaankeedu uu isu keenayo dadyowga iyo quruumaha adduunka si kor loogu qaado nabadda, xuquuqda aadanaha iyo horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. 

Sannadkii 2005, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu u aqoonsaday in ay midnimadu tahay mid ka mid ah qiyamka aasaasiga ah iyo qiyamka caalamiga ah, taas oo ay tahay inuu kuqotomo  xiriirka ka dhexeeya dadka qarnigii labaatanaad, iyadoo tixgelinaayo arimahaas ayaa la go'aansaday in lagu dhawaaqo in 20 Diseembar sannad kasta ay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Wadajirka Aadanaha.