Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga AMISOM

26 Jun 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga AMISOM

Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabislan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta Al-Shabaabta xagjirta ah ay ku qaaday saldhiga AMISOM ee ku yaala Leego, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Burundi.

“Waxaan tacsi kal-iyo lab ah u dirayaa qoysaskii weerarkii maanta ku waayay dadkoodi ay jeclaayeen, Dadka iyo Dowladda/Jamhuuriyadda/ Reer Burundiba”, ayuu yiri Ergayga Kay. “Geesiyaasha (ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta) waxay naftoodi u hureen dadaalada hadda socda ee la doonayo in nabad waarta iyo xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya.”

“Taageerada aan u hayno dadka Soomaaliyeed, iyo sida aan u garab-istaaganahay Ciidamada/Ergadda Midowga Afrika ee joogta Soomaaliya, iyo dadaalka ay Ciidamada Amniga Soomaaliyeed oogu jiraan jebinta Al-Shabaab, kuna dhisaan nabab iyo xasilooni- waa (arrimo aan) ismabedelayaan.”

Dhamaad