Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Baydhaba

31 Jul 2022

Hadaljeedintii uu Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan u jeediyey Saxaafadda Magaalada Baydhaba

[Sidii loo jeediyey]

Subax Wanaagsan, Mudane Madaxweyne, Xubnaha Sharafta leh ee Golaha Wasiirada, iyo saxaafadda

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan halkaan idin ku soo booqdo oo uu igu wehliyo Mudane Frantz Celestin, oo ah madaxa Kooxda Hey’ada Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya iyo Marwo Sanaa Cumar oo ah K/Xigeenka Madaxa ee Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Qaxootiga.
Madaxweyne Cabdicasiis, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan markale Baydhaba soo booqdo, iyadoo qeyb ka ah booqashooyinka shaqo ee aan ku maro maamul goboleedyada dalka in kastoo aan jeclaan lahaa in xaalku saan ka wanaagsanaado.

Waxaan ognahay in dadka reer Koonfur Galbeed ay si xun u saameeyeen xaalado abaareed oo aad u daran iyo weerarrada dhimashada badan ee Al Shabaab. Fadlan ii ogolaada in aan ku bilaabo ka tacsiyeynta geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii cadaalada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim iyo dhowr qof oo kale oo uu ku jiray mid ka mid ah wiilal uu dhalay maalintii Jimcihii. Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, waxaan u rajaynaynaa soo bogasho degdeg ah. Dhacdadan ayaa sidoo kale daba socotay geeridii guddoomiyihii degmada Marka, Cabdullaahi Cali Waafow, oo aan sidoo kale ka tacsiyeynayo. Weeraradan ugu dambeeyay ee argagixisanimo ee Al-Shabaab ayaa ah kuwo dadka Soomaaliyeed  si weyn u xasuusinaya khatarta ay kooxdu ku tahay shacabka, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Kulamadii aanu saaka yeelanay aniga iyo Madaxweyne Cabdicasiis waxaanu kaga wada hadalnay arrimo badan oo muhiim ah oo khuseeya deegaanka iyo guud ahaan dalka.

Waxaan isdhaafsaney fikrado ku saabsan sida waqtigan ugu wanaagsan ee loo horumarin karo geeddi-socodka nabad dhisidda Soomaaliya iyo geeddi-socodka dowlad-dhisidda  oo ay curatey dowlad cusub oo federaal ah iyo hoggaan cusub. Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn qoto dheer oo dhexmarta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si loo hore loogu socdo horumarka laga gaarayo arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Sidoo kale, waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis ee ahaa in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee miisaanka leh ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ay wada-hadallo nabadeed ku xallin doonaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya. Waxaa muhiim ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo wada hadal iyo in xoriyatul qawlka la xaqiijiyo sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka amniga, waxaan mar kale muujiyay walaaca aan ka qabo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socda guud ahaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka wada hadalnay weerarradii ugu dambeeyay ee ay kooxdaasi ka geysatay Bakool. Dhacdooyinkan ayaa xaqiijiyey baahida loo qabo in la hormariyo isbeddelka amniga ee Soomaaliya si ay awood ugu yeelato in ay ka hortagto khatarahaas.

Abaaraha socda ayaa ah xaalad baahi iyo dhibaato ku haysa guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka. Caqabaddan baaxadda leh ayaa ah mid aad u ballaaran, inkastoo ay wadahadaladeena ku cadeyd in maamulka Koonfur-galbeed iyo hay'adaha samafalka ee halkan jooga ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen. Si taa la xiriirta, waxa aan ka wada hadalnay muhiimadda ay leedahay in la gaaro deegaannada fog fog, iyo sidoo kale kororka qulqulka dadka gudaha ku barakacay ee ku sugan Baydhabo iyo xarumaha kale ee magaalooyinka ee maamulka Koonfur Galbeed. Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa horraanba wax u qabanaya, iyagoo u maraya barnaamijyo lacago xawilid ah, kaalmo nafaqeyn ah, taageero biyaha iyo fayadhowrka ah iyo adeegyada caafimaadka. Hay'adaha QM waxa ay goor horeba ka gurmanayeen abaarta iyaga oo u maraya barnaamijyo lacago diris ah, kaalmo nafaqeyn, kaalmo biyo iyo nadaafad ah iyo adeegyo caafimaad.

Hase ahaatee, xaaladda ayaa ah mid daran wax badan ayaana loo baahan yahay in la qabto. Si taa loo gaaro, Qaramada Midoobay waxa ay sii wadeysaa in ay u qeyla dhaamiso bulshada deeqbixiyeyaasha ah si loo abaabulo dhaqaale badan si wax looga qabto caqabadan ka jirta dalka oo dhan iyo halkan, Koofur Galbeed.

Waxa aan jeclaan lahaa inaan hadalkeyga ku soo xiro anigoo uga mahad u celinaya Madaxweyne Cabdicasiis iyo koodiisa wadashaqeynta joogtada ee wanaagsan ee ay kala sameeyeen saaxiibada iyo beesha caalamka arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda, ammaanka, horumarinta iyo gargaarka ee saameynaya bulshooyinka Koofur Galbeed.

Mar kale mahadsanid mudane Madaxweyne.