Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo si kulu u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday baaruurtii kolonyoda aheed ee waday saraakiil ka soctay Isutagga Imaaraadka Carabta

24 Jun 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo si kulu u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday baaruurtii kolonyoda aheed ee waday saraakiil ka soctay Isutagga Imaaraadka Carabta

WAR-SAXAAFADEED 20/2015

Muqdisho - Ergayga-Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si kulu u cambaareeyay weerakii maanta lagu qaaday baabuurtii kolonyada aheed ee waday saraakiil ka socotay wadanka Imaaraadka Carabta, weerarkaas oo sababay dhimashada tiro dad ah. Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda weerarka.

“Waxaan cambaaraynayaa weerkii aadka u foosha xumaa ee manta lagu qaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsa iyo Saraakiil ka socotay caalamka, kuwaas oo dhamaantooda si niyad ah ooga wada shaqaynayay arrimo aad muhiim ugu ah nabad iyo qaran dhisida Soomaaliya”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah, Nikolas Kay. “Weerarka waxaa loola jeeday in dadka ka socda caalamka laga leexiyo ama laga joojiyo sida ay daka Soomaaliyeed oogala shaqaynayaa dhisida mustaqbal wanaagsan. (Hase ahaatee), argagixisadan ma gaarayso ujeedadaas.”

Ergayga Kay, wuxuu si niyad ah tacsi oogu dirayaa qoysaskii iyo saaxiibadii wax ku noqday weerarka, iyo Dowladda Isutagga Imaraadka Carabta.

Ergayga wuxuu ku soo celiyay sida ay Qaramada Midoobay ooga go’antahay sii wadida la dagaalanka dhibaatada ka dhalanaysa falka argagixisinimada leh iyo sida ay Qaramada Midoobay u sii wadayso taageerida ay taageerayso Soomaalia, iyo Gobolkuba si loo xaqiijiyo arrimaha Amniga iyo Xasiloonida.


DHAMAAD