Muhiimadda in la wada hadlo iyo horumarinta waxay ka mid ahaayeen mowduucyadii looga munaaqashoodey booqashada ay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ku tagtey Magaalada Hargeysa

19 Jul 2023

Muhiimadda in la wada hadlo iyo horumarinta waxay ka mid ahaayeen mowduucyadii looga munaaqashoodey booqashada ay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya ku tagtey Magaalada Hargeysa

Hargeysa – Wadahadalka Soomaaliya-Somaliland, colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, horumarinta dhaqaalaha iyo xuquuqul insaanka ayaa waxay ka mid ahaayeen Mowduucyadii looga munaaqashoodey booqasho ay dhowaan magaalada Hargeysa ku tagtey mas'uul sare oo ka tirsan hay'adda sarreeya Qaramada Midoobey – marka laga soo tago horumarinta iyo horumarka degaanka. 

“Farxad weyn bay ii tahay in aan Hargeysa dib ugu soo noqdo. Waxaa markii iigu horeysay halkan imid sannadkii 1993 markaasi oo aan u shaqeynayay hawlgalka Qaramada Midoobey (QM)… Soddon sano kadib, Hargeysa aad iyo aad ayay u horumartey, waxaanna ku qaatay laba maalmood oo aad u wanaagsan, waxaanna aad ugagu mahadnaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo soo dhoweyn diirran ii sameeyey iyo wadahadalka wax-dhisaya ee aan wada yeelanay,” ayay tiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, dhammaadkii booqashadeedii labada-maalmood ahayd. 

“Sababta aan halkan habeen ugu dhaxay ayaa waxay tahay in aan doonayay in aan helo waqti igu filan oo aan dhab ahaantii ku qaabili karo kulana hadli karo dad kala duwan,” ayay ku dartay hadalkii ay siisay warbaahinta dhammaadka booqashadeeda ee maalintii Talaadada“. 

Marka laga soo tago kalankii ay la qaadatay madaxda Somaliland, mas'uulka sare ee Qaramada Midoobey waxay sidoo kale la kulantay wakiilo ka socda ururrada bulshada rayidka ah ee degaanka waxayna booqatey xarrun dhalinyarada lagu tababaro oo ay Qaramada Midoobey taageerto.

Kulannadii dowladda

Kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliyo ay la qaadatey Madaxweyne Biixi iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa, ayaa waxaa si weyn uga soo muuqday arrimaha siyaasadda.

“Waxaan ka hadalnay wadahadalka mustaqbalka ee Soomaaliya-Somaliland iyo ballanqaadka uu Madaxweynaha ballanqaadey in uu si taabogal ah ugaga qaybgalayo wadahadalladaasi – Markaa taasi waxay ahayd mid dhiirrigelin leh,” ayay tiri Marwo Laing, oo sidoo kale la kulantay ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalka, Edna Aadan Ismaaciil si ay uga wada hadlaan mowqifka ay xukuumadda ka taagan tahay dib-u-bilaabashada wadahadallada. 

Ka hor booqashadeeda Hargeysa, Ergeyga Gaarka ah ee QM waxay la kulantay Ergeyga Arrimaha Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed. Intii kulanka uu socday waxay carabka ku adkaysay taageerada hay'adda ee wadahadal loo dhan yahay kaas oo wax looga qabanaya caqabadaha hadda taagan si loo xaqiijiyo xalal waara. 

Colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, halkaasoo dagaallo cusub ay mar kale ka qarxeen, ayaa sidoo kale ahaa mowduuc lagala munaaqashoodey madaxweynaha iyo dadka kale ee wadahadalka ka qaybqaadanaya.

“Waxaan ku boorrinayaa muhiimadda ay leedahay xabad-joojinta si uu wadahadal u suurtagalo iyo in marka dambe dib loo bilaabo wadahadallada nabadda si horey loogu sii ambaqaado,” ayay tiri mas'uulkan ka socda Qaramada Midoobey,” ayay tiri Marwo Laing.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale wadahadallo gooni gooni ah la yeelatay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Shukri Ismaaciil Maxamuud; Wasiirka Maaliyadda, Dr, Sacad Shire; Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Buuxane; iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda, Ahna Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abshir Cumar Jaamac.

“Wadahadalladaasi kala duwan ee aan la yeeshey, ayaa waxaa iiga soo baxay in ay yihiin koox ay ka go'antahay oo maskaxda si cad ugu haya danaha ugu muhiimsan ee ay Somaliland leedahay waxayna isku-dayayaan in ay horumariyaan,” ayay tiri Marwo Laing.

Kulannadii bulshada rayidka ah

Kulannadii ay la yeelatey wakiillada bulshada rayidka ah, mas'uulka sare ee QM waxay kala hadashey mowduucyo ay ka mid yihiin ka-wada-qaybgalka iyo u-dhammaanshaha siyaasadda. 

“Waxaan ku ammaanay ururrada bulshada rayidka ah shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyagoo taageeraya kooxaha nugul, hadday yihiin dhallinyarada ama haweenka ama shakhsiyaadka naafada ah ama qabaa'ilka la liido ama kaalinta weyn ee ay kaga jiraan hawshan aadka muhiimka u ah. Waxaana u ballanqaadey in QM ay si buuxda u taaageeri doonto,” ayay tiri Marwo Laing. 

Kulannadan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah kulan ay la qaadatey Guddoomiyaha Komishinka Xuquuqul Insaanka ee Somaliland, Maxamed Baaruud Cali. Waxay ka wadahadleen horumarka uu ka sameeyay dhowrista iyo kor-u-qaadista xuquuqul insaanka. 

“Waxaan ku ammaanay shaqada fiican ee uu qabanayo, in uu horey u sii wadey dejinta sharciyo ku saabsan arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee xoriyadda hadalka (xorriyatul qowlka) ee suxufiyiinta iyo xorriyadda hadalka (xorriyatul qowlka) ee warbaahinta,” ayay tiri Marwo Laing.

Waxay sidoo kale la kulantay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland waxayna markii dambe xustay “Waxay isiiyeen xikmado badan iyo aragtiyo badan.”

Intii ay magaalada Hargeysa joogtay, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Soomaaliya waxay booqatey xarun lagu tababarro dhallinyarada oo uu taageero Sanduuqa Dadka ee QM (UNFPA). Waxay halkaasi isdhexgal iyo wada-sheekaysi kula yeelatay dhallinyarada waxayna si toos ah u soo aragtey sida barnaamijyada horumarinta xirfadaha iyo maciishada, oo ay ka mid yihiin cunto kariska iyo harqaanka (dawaarka), ay awood-u-siinayaan dhallinyarada degaanka.