Ergayga QM ayaa ka hadlay muhiimadda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo waajibaadkooda

24 Jul 2018

Ergayga QM ayaa ka hadlay muhiimadda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo waajibaadkooda

Isagoo Isniintii Muqdisho kula hadlayay wariyayaal sarsare iyo xubna bulshada rayidka ka tirsan, ayaa ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay kaalinta warbaahinta, isagoo caddeeyay taageerada Qaramada Midoobay ay ka geysaneyso xuquuqda iyo horumarinta waajibaadka wariyaasha iyo dowrka muhiimka ah ee arrintaasi ay ka qaadaneyso horusocdka dalka. 

“QM waxaa ay aad u taageereysaa warbaahin madaxbannaan oo masuul ah, waxaanna sameyneynaa waxa ugu wanaagsan ee aan karno, si aan idiinkaga taageerno arrinkaas; waayo waxaan aaminsannahay in taasi ay u wanaagsantahay mustqbalka Soomaaliya, dimuquraaddiyadda iyo islaxisaabtanka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee Qmaramda Midoobay Michael Keating.

“Soomaalidu aad ayey ugu faanaan xorriyadda hadalka mana doonayaan in la aamuusiyo, lkn xorriyaddaasi waxa ay u baahantahya in loo adeegsado si masuuliyad leh,” ayuu yiri.

Masuulka QM ayaa ka hadlayay dood ku saabsan ‘Kaalinta Warbaahinta Madaxabannaani ay ka qaadan karto Dowlad Wanaagga, Nabadda iyo Dimuquraaddiyadda Soomaaliya; taasoo uu soo qabanqaabiyay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) uuna taageeray Howlgalka Kaalmeenta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

2016-dii, ayaa warbixin ku saabsaneed ‘Xuquuqda Xorriyadda hadalka: Dhiirrigalinta Dimuquraaddiyad ballaaran oo la jaanqaadda Kalaguurka Siyaasadeed ee Soomaaliya; oo ay soo wadasaareen UNSOM iyo Xafiiska U-qeybsanaha sare ee QM ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), ayey UNSOM ku sheegtay in xorriyadda hadalku ay kaalin mugleh ka cayaareyso dhisidda dal dimuquraaddi ah iyo isbeddelka siyaasadeed. Warbixinta ayaa u soo jeedisay madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed talooyin ay ku jiraan hirgalinta jawi u suuragalinaya dhammaan Soomalida iney xi xor ah aragtidooda u dhiibtaan.

Hadalkiisa ayuu ku sheegay Mudane Keating kaalinta muhiimka ah ee warbaahintu ka ciyaarto bulshada caalamka, taasoo ay ka mid tahay in dadka xilka haya lala xisaabtamo.

Waxaa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay garawsato faaiidada qodobka 18-aad ee dastuurka KGM ah ee 2012, qodobkaas oo khuseeya xoriyadda hadalka iyo fikirka, waxaa uu dhigayaa in qof walbaa uu xaq u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa iyo inuu helo bixiyana fikir iyo macluumaadba qaab kasta, xorriyaddaas oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka iyo xorriyadda warbaahinta oo ay ku mid yihiin noocyada kala duwan ee qalabka elektaroonigga ah ee warbaahintu.

Xuquuq iyo Waajibaad

Ergyga Qaramada Midoobay ayaa carrabka ku adkeeyay in xuquuqda warbaahinta ay barbar socdaan waajibaad.

“Mid ka mid ah waajibaadka warbaahintu waxaa weeye mid ah in ay wax-u-tabiso qaab run iyo xaqiiqo ah oo aysan si xun u adeegsan awoodda warbaahintu heysato,” ayuu sheegay Mudane Keating. “Warka beenta ah iyo macluumaadka danaha gurracani ka dambeeyaani ee baraha bulshada lagu baahiyo waxa ay caalamka oo dhan ka noqdeen dhibaato weyn, run ahaantiina waxaa sii adkaanaya in la fahmo waxa soconaya.

Isla arrinkaas ayuu ku sheegay in loo baahanyahay karti-dhisid, si gacan looga geysto hagaajinta xirfadda warbaahinta.

“Waxaa ay u muuqataa in warbaahin masuul ihi ay u bahantahay fursado tababar oo wanaagsan, iyo fursado shaqa barasho iyo ku shaqo dhextababarasho, taasina waxaa ay u baahantahay kaabayaal, marka haddii ay NUSOJ ku dadaaleyso in ay horumariso tayeynta xirfadda warbaahinta, aad iyo aad bey muhiim u tahay – mararka qaar arrintani ma hesho dareenka iyo taageerada ay mudantahay,” ayuu yiri Ergaygu.

Arrintaan sara-u-qaadista kartida wariyayaasha Soomaaliyeed – waa arrin ay UNSOM iyo UNESCO ay aad ugu lug leeyihiin. Mudane keating ayaa sidoo kale garowsan caqabadaha ay wajahaan wariyayaashu marka ay wax-ka-tabinayaan Soomaaliya dhexdeeda.

Sida uu sheegay ururka aan dowliga ahayn ee Guddiga Bad-baadada Saxafiyiinta, 64 wariyayaal Soomaaliyeed ah ayaa la dilay tan iyo 1992-dii iyadoo 44 ka mid ah si gaar ah loo beegsaday halka 37 ka mid ah ay aan cidna lagula xisaabtamin dilkooda.

REPORT ON THE RIGHT TO FREEDOM OF EXPRESSION:  Striving to Widen Democratic Space in Somalia’s Political Transition (August 2016)