Kulankii Soomaalida iyo wakiillada beesha caalamka oo lagu soo gabagabeeyay Baroksel iyadoo markale la dardargalinayo taageeradag

17 Jul 2018

Kulankii Soomaalida iyo wakiillada beesha caalamka oo lagu soo gabagabeeyay Baroksel iyadoo markale la dardargalinayo taageeradag

Baroksel – Shir heer-sare ah oo ay isugu yimaadeen wakiillo ka kala socda Soomaaliya iyo beesha caalamka, oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ayaa manta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baroksel ee dalka Biljamka, iyadoo dib loo cusbooneysiiyay taageerada loo fidinayo horumarka laga sameeyay dhinacyada dowlad dhisidda iyo geedi socodka nabadda ee dalka Geeska Afrika.

Masuuliyiin ka kala socota 58 dal iyo lix urur oo caalami ah ayaa ka soo qaybgalay kulanka si ay u ansixiyaan qorshaha loo bixiyay Gal-howleedka Islaxisaabtanka Wadajirka ah ee Iskaashiga Cusub ee Soomaaliya oo la fulinayo lixda bilood ee soo socota. 

Gal-howleedka ayaa faahfaahinaya heshiis ku saabsan dhinacyada dib-u-habeynta siyaasadda, ammaanka, horumarka dhaqaalaha, sookabsashada iyo gargaarka baniaadannimo oo ay ku ballameen Soomaalida iyo saaxiibbada beesha caalamku, maadaama uu dalku ka soo kabsanayo tobonnaan sano oo dagaallo hubeysan iyo musiibooyin la xiriira isbeddelka Cimilada. 

“Soomaaliya waxaa ay furtay cutub cusub oo taariikhdeeda ah iyadoo la filayo iney dhacaan isbeddello aasaasi ah mustqbalka,” ayey Rosemary DiCarlo oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ka sheegtay kulanka lagu ansixinayay Gal-howleedka Islaxisaabtanka Wadajirka ah.

Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, ayaa intaas raacisay in qorshaha kala guurka ah ee ammaanka dalka – kaasoo u oggolaanaya ciidamada dowladda Somaaliya iney kala wareegaan ammaanka dalka ciidamada nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika – taasoo muujinaysa horumar la taaban karo oo ku saabsan lahaanshanimada Soomaalida ee ammaanka dalka.

Gal-howleedka ayaa u fududeynaya Soomaaliya iyo saaxiibbada Caalamiga ah iney iskuraacaan hab cad oo lagu xaqiijin karo gaarista ujeeddooyinka Gal-howleedka si loo xoojiyo dowlad-dhisidda iyo geeddisocodka nabadda. Tani ayaa loo arkaa gundhigga iskaashiga ee hurumarka dalka.

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an taageersita mustqbalka Soomaaliya, waxayna gacan siineysaa fulinta qorshaha,” ayey tiri DiCarlo, waxay sidoo kale adkeysay in QM ay si dhaw ula shaqeyn doonto Midowga Afrika iyo dhammaan saaxiibada beesha Caalamka.

 Sarkaalka QM ayaa tilmaantay in lixda bilood ee Soosocta ay Soomaaliya u baahantahay iney dedejiso diyaargarowgeeda la xiriira ‘hal qof, iyo hal cod’ ee doorashooyinka 2020-2021 iyo hannaanka dub-u-eegista dastuurka, iyadoo ay intaa dheertahay heshiis adag oo ku saabsan awood qaybsiga iyo wadaagga kheyraadka dalka oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Marwo DiCarlo ayaa sidoo kale shegatay in ay lagama-maarmaan tahay in tubta siyaasaddu ay tixgalin siiso ka qaybgalka haweenka iyo mudnaansiinta kalinta bulshada rayidka iyo jilayaasha qeybaha gaarka looleeyahay.

Madashaan oo ay soo qabanqaabiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Iswiidhan, ayaa dib u soo nooleyneysaa isku imaanshaha caalamiga ah ee lagu taageerayo nabadda iyo horumarka dalka Bariga Afrika.

Madasha toddobaadkan ayaa ayaa daba socotay kulma la mid ah oo lagu qabtay London iyo Muqdisho labadii sano ee lasoo dhaafay. Kuln kale oo heersare ah ayaa la qaban doonaa lix bilood gudahood si loo qiimeeyo guulaha laga gaaray madasha Baroksel.