Khudbadda Ergayga QM Nicholas Kay ee bilowga Madashada Qaran ee ugu horeysa

19 Oct 2015

Khudbadda Ergayga QM Nicholas Kay ee bilowga Madashada Qaran ee ugu horeysa

Mogadishu –- ASC, Mudane Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Ra’iisul Wasaaraha DF, Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada dalka iyo Maamul Goboleedka KMG ah, Xildhibaannada, Wasiirrada , Wakiillada ka socda bulshada rayidka ah iyo ururada haweenka, Danjireyaasha, Mudanayaal iyo Marwooyin

Maxay sharaf wayn bay ii tahay in maanta halkan la igu martiqaado. Wax ka yar hal bil ka hor, 21-kii Sebtembar, waxaan ku faraxsan ahay in aan goob joog u ahaado furitaanka rasmiga ah ee geeddi-socodkii wadatashiga doorashada sannadka 2016-ka.

Waxaan xitaa maanta aad ugu faraxsan ahay in aan goob joog ka noqdo marxaladda xigta ee geeddi-socodkan, ee la isugu yeeray Madasha Wadatashiga Qaran ee ballaaran. Waxaan si gaar ah ugu faraxsan ahay inaan arko in dhammaan Maamul-Goboleedyada KMG ah, Dawladaha Federaalka iyo weliba bulshada rayidka ah dhamaan halkan lagu metelayo.

Ka go’naanta, iyo howsha qabsoontay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay runtii waa mid cajiib ah. Waan u hambalyeynayaa oo u mahadcelinayaa dhammaan dadka ay khusayso. Kulanka Madasha ee maanta waa bandhig weyn oo Soomaaliya loogu talagalay. Dhacdadani waa mid ay Soomaalidu hormuud ka tahay, Soomaaliduna ay leedahay, waxayna ka socotaa Soomaaliya. Waxaad dunida tusaysaan inaad ku socotaan wadadii aad ku gudan lahaydeen waajibaadkiinna ku aaddan ixtiraamka Dastuurka federaalka ee KMG ah iyo qabashada geeddi-socodka doorashada sannadka 2016-ka.

In badan oo idinka mid ihi waxay ogyihiin sida aan u maskax fududahay iyo sida aan u jeclahay sarbeebaha sahlan. Waxaan marar badan ku sifeeyaa hawshiinna dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisiddu inay u qaab egtahay sida mashruuc dhisme guri, kaas oo lagu samayn karo qaab isku xigxiga oo qura: marka hore aasaaska, kaddibna derbiyada iyo ugu dambayn saqafka. Xagee kaga jirnaa mashruuca? Sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanku ay sharraxeen, aasaasyadu waxay ku dhow yihiin dhammaad: Maamul-goboleedyadii mustaqbalka ka tirsanaan lahaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhowaad la sameeyay.

Waxaa haray oo qura gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ku boorrinayaa in horumar cad laga gaaro geeddi-socodkaas kahor kulanka xiga ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Soomaaliya ee qabsoomaya 9-ka bisha Nofeember. Haddii aasaasku yahay Maamul-goboleedyo federaal ah, dastuurku wuxuu ku darayaa derbiyada. Waxaa socda horumar muhiim ah oo dib loogu eegayo dastuurka. Iskuduwidda iyo xirfadda wanaagsan, waxaan ku kalsoon ahay in qaab-dhismeedka ama xayndaabka aasaasiga ihi uu jiri doono.

Sidaa daraaddeed waxaannu nimid figta sare: hannaanka doorashada. Caadiyan, saaxiibbada caalamiga ihi had iyo jeer waxay ku boorriyaan horumar intii hore ka degdeg badan oo xoowli ah, laakiin waxaan xusuustaa bilo badan kahor inaan idinku boorriyay inaad si tartiib tartiib ah u socotaan. Kahor intaadan dhammaystirin derbiyada iyo aasaaska, ma naqshadayn kartid saqafka. Laakiin maanta waa maalin weyn oo aad awoodaan inaad dareenkiinna u jeedisaan si aad u go'aamisaan nooca saqafka aad yeelan doontaan. Doorasho noocee ah ayaa ku habboon sannadka 2016-ka. Adinka uun baa go'aamin kara. Soomaalida oo kaliya ayaa taqaan agabka la heli karo, adinka uun baa garanaya khibradda aad adeegsan kartaan, xaaladaha maxalliga ah: sida ay dabayshu u dhacdo, roobka, ama qorraxda iyo khatarta ugu weyn ee aad la kulantaan.

Masuuliyad weyn baa idin saaran. Saqafka aad dhisaysaan wuxuu u baahan doonaa inuu ahaado mid adag, laakiin dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay u baahan doonaan inay aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan injineeriyaddiinna. Si aad u heshaan kalsoonidooda iyo si aad u heshaan naqshadda saxda ah, waxaad u baahan doontaan inaad si ballaaran u wada tashataan.

Waxaad maanta bilaabi doontaan geeddi-socod ballaaran oo wadatashi ah oo lala yeelanayo Soomaalida ku nool dalka oo dhan, si si wadajir ah looga doodo, ugu dambaynna loo go'aamiyo nooca hannaanka doorasho ee dhici doona sannadka 2016-ka.

Maanta kaddib, wadatashiyada dadweynaha ee heer gobol ayaa ka dhici doona mid kasta oo ka mid ah Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamul-goboleedyada KMG ah. Waxaa loo baahan doonaa wadatashi lala yeesho Soomaalida qurbaha ka timid. Soomaaliya ayaa hadli doonta.

Anigoo ah saaxiibka Soomaaliya iyo wakiil ka ah QM, waxaan si xushmad leh u rajaynayaa in Baarlamaanka soo socda uu lahaan doono koror aad u wayn oo ku aaddan tirada haweenka iyo dhallinyarada xildhibaannada ah.

Galabta waxaa halkan lagu qaban doonaa munaasabad ku saabsan ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda. Tani waxay noqon doontaa munaasabad muhiim ah oo lagu muujiyo doorka ay haweenku leeyihiin. Waxaan u baahan nahay in haweenka Soomaaliyeed ay xoojiyaan ka qaybgalkooda si loo horumariyo xasilinta bulshada, wadajirka bulshada iyo in la adkeeyo nabadda.

Geedi-socodka wadatashigu wuxuu ku dhici doonaa marxalado. Maanta, waxaad bilaabi doontaan wadahadaladiinna ku saabsan qaababka la qaadan karo. Waxaad dib isugu soo laaban doontaan bisha Diseembar si aad u gaartaan go'aannada kama dambaysta ah. Maanta maahan maalintii go'aammadaas.

Sidaad la socotaan, waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo geedi-socod doorasho loo samayn karo. Hadda su'aasha ugu muhiimsani waxa ay yihiin in la garto saamaynta ay yeelan doonto mid kasta oo ka mid ah hababkan, iyo sida loogu dhaqmi karo ficil ahaan. Hab kasta wuxuu yeelan doonaa faa'iidooyin iyo khasaare. Waxaan idinku dhiirrigelin lahaa dhammaantiin inaad ka wada hadashaan dhinacyadan.

Beesha caalamku waxay halkan u joogtaa inay indha-indheeyaan oo taageeraan dadaalkiinna. Sida uu yiri Madaxweynaha Jubbaland, aad ayaan ugu faraxsan mahay inaan sidoo kale dib u istaagno oo aan howshan uga tagno inay noqoto geedi socod Soomaaliyeed. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo saaxiibbada caalamiga ah iyo dulqaadkooda aan dhammaadka lahayn, taageerada dhaqaale iyo tan siyaasadeed. Waxaan sidoo kale u muujinayaa mahadnaq qoto dheer hay’aadka UNDP, UNSOA iyo UNSOM sidii ay iiga caawiyeen qabashada munaasabaddan maanta.

Waxay ila tahay inaan ku saxnaan lahaa inaan dhaho ugu yaraan saddex arrimood ayaa khuseeya beesha caalamka:

i) Waqtiyaynta - ixtiraamka waqtiga kama dambaysta ah ee dastuuriga ah ee 2016-ka ayaa ahmiyadda koowaad leh.

ii) Marka labaad, geeddi-socodka - waxaan rajaynaynaa in hannaankiinnu ku salaysnaan doono ruux dib-u-heshiisiineed, u dhamaan iyo ka hormarinta danaha qaranka marka la eego danaha kale oo dhan. Madashan, xoogga saara oo kaliya hannaanka 2016-ka.

iii) Natiijada - sanadka 2016-ka waxaan sugeynaa Baarlamaan ka matalaad badan, oo loo dhan yahay, oo ka jawaabi kara danaha dadka Soomaaliyeed. Baarlamaanka iyo xukuumadda cusubi waa inay ka tarjumaan quruxda Soomaaliyada maanta - yar iyo weyn, lab & dheddigba, kuwaas oo ka kala yimid dhammaan darafyada iyo bulshooyinka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey wuxuu caddeeyay waxyaabihii uu filayay sidoo kale wuxuu caddeeyay in kuwa carqaladeeya ama wiiqa horumarka aan loo dulqaadan doonin haddii ay yihiin shakhsiyaad ama kooxaba, Dowladda Dhexe ama Maamullada. Anigoo ah saaxiibka Soomaaliya iyo taageeraha ugu adag ee dadaalladiinna oo dhan, waa xaq inaan idin xasuusiyo heerarka sare ee aad adinku degsateen. Saaxiibbadaada caalamiga ihina taa ayaa ay idinkula xisaabtami doonaan, si waafaqsan.

Waxaan hadda dhammaan idiin rajaynayaa wadatashiyo guul leh. Dhamaadka berrito, waxaan rajaynayaa inaad isku raaci doontaan oggolaanshaha hagaha fududeynta. Fadlan fursadan ku qaata dareen uu ku dheehan yahay tanaasul iyo dib-u-heshiisiin. Fadlan tusaale u noqda dhammaan Soomaalida iyo dunida idinkoo ah Soomaaliya oo is bogsiinaysa ama is dawaynaysa - Soomaaliya oo federaal ah oo isu timaadda - ka xoog badan, kana midnimo badan sidii hore.

Waxaan idiin rajaynayaa wanaagga Madashaan.

Mahadsanid.