Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

25 Jun 2019

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho - Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya  ahna Madaxa Hawlgalka Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) ee dhawaan la soo magacaabay, James Swan ayaa soo gaaray Muqdisho si uu ula wareego waajibaadkiisa.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey Mudane Swan xilli ay xafad kooban loogu qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdulqaadir Axmed Kheir Cabdi ayaa munaasabadda ku matalayey Dowladda Federalka waxa uuna sheegay iyo bulshada Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin in ay soo dhaweeyaan SRSG-ga cusub.

 “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxa ay kugu qaabili doonaan xafiisyadooda. Waxaan aniga oo ka wakiil ah bulshada Soomaaliyeed si diiran kuugu soo dhaweynayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Mudane Cabdi.

Mudane Swan waxa uu sheegaya in uu daneynayo in uu si dhaw ula shaqeeyo mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka si loo guto waajibaadka UNSOM, gacanna looga geysto dadaaladda dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa sharaf ii ah in aan dib ugu soo laabto Soomaaliya aniga oo xambaarsan awooddan ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooday ee UNSOM. Sanado badan ayaan ku qaatay iyo shaqooyin kala duwan Soomaaliya. Laakiin waxaan si dhaw u daneynayaa in aan maqlo xaaladda hadda dalku ku sugan yahay, talo baahsanna la yeesho hoggaamiyeyaasha iyo bulshada Soomaaliyed. Haddii aan nahay bahda QM waxaan quurdareyneynaa in aan si dhaw idinla shaqeyno si halkan Soomaaliya horumar looga sameeyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa madashii soo dhaweynta ku sugneyd gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Saraakiisha sare ee sidoo kale salaamay Mudane Swan waxaa ka mid ahaa Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo George Conway, Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee QM (UNSOS), Lisa Filipetto, iyo Agaasimaha UNSOS, Amadu Kamara..

Mudane Swan, waa diblomaasi leh khibrad ballaaran ee la xirirta ka shaqeynta dalalka Sub-Saharan ee Africa halkaas oo uu dhawaan Mareykanka uga ahaa Safiirka u fadhiya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo intii u dhexeysay 2013 ilaa iyo 20116 iyo Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 ilaa iyo 2013.