Kelmedihii uu Ergeyga Gaarka ah ka jeediyey shirkii jaraa’iid ee lagu qabtay madaxtooyada maamulka ee Garoowe

8 Jul 2019

Kelmedihii uu Ergeyga Gaarka ah ka jeediyey shirkii jaraa’iid ee lagu qabtay madaxtooyada maamulka ee Garoowe

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan soo booqday Puntland kaddbna aan kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Dani iyo kooxdiisa. Kaddib markii aan labada toddobaad ku qaatay Muqdisho, halkaas oo aan xiriiro wanaagsan aan kula sameeyey hoggaanka Dowladda Federalka Soomaaliya, kani waa booqashadeydii kowaad ka Ergeyga Gaar ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya ahaan aan ku tago Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka. Waxaan ka bilownay Puntland maadama ay tahay tii ugu horreeysay ee la aas aasay. Waxaan sii wadi doonaa booqashooyinka Dowladaha Xubanaha kale Dowladda Federalka ee kale toddobaadyada soo socda.

Qoyska QM waxa ay ka wadaan Puntland tiro dhaq dhaqaaqyo ah, kuwaas oo isugu jira xafiisyo wanaagsan oo si deg deg ah uga jawaabo kaalmooyinka gargaarka ilaa iyo mashaariicda horumarineed ee isugu jira kuwo dhexe iyo kuwo waqtiga fog ah.

Hawlgalada QM iyo hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada waxa ay ka taageereyeen mas’uiliyiinta Puntland sanado badan dhisidda awoodda hay’adaha,xoojinta sarreynta sharciga, sare u qaadidda horumarinta nolosha dadka, fududeynta dib u heshiisiinta iyo xallinta colaadaha, iyo sare u qaadidda dib u habeynta waaxda amniga iyo xuquuqda aadanaha iyo kuwo kale. Waxaa maanta ila socda Agaasimaha dalka ee Barnaamijka Cuntada Aduunka, Laurent Bukera iyo madaxa xafiiska QM ee Isku Xrika Arrimaha Bani’aadannimo Justin Brady. Waxaan sidii wadi doonnaa in aan u shaqeyno sida QM oo hal ah si ay dadka Soomaaliyeed uga faa’iidaan.

Waxaan quurdareyneynaa in aan si dhaw ula shaqeyno bulshada Puntand iyo maamulkeeda si aan si wanaagsan ugu fulino waajibaadka UNSOM iyo barnaamijyada hay’adaha QM, kuwaas oo ay ka mid yihiin daalada lagu taageerayo wadahadallo loo dhan yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Deni iyo aniga waxaan sidoo kale ka wadahadalnay muranka mudada dheer soo jiitamayey ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo dagaaladii goos gooska ah eek a dhacay nawaaxiga Tukaraq bilihii u dambeeyey. Tani waxa ay xoojisay xiisadda aagaas, waxaana ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland in ay raacaan dhabbe si nabad ah loogu xallinayo muranka.

Waxaan quurdareynyaa in aan wada-shaqeyn dhaw yeelanno mas’uuliyiinta Puntland inta aan xilka hayo si aan sare ugu qaadno shaqada QM ee lagu taageero bulshada Puntland.