Ergeyga QM oo booqday caasimadda Puntland

8 Jul 2019

Ergeyga QM oo booqday caasimadda Puntland

Garowe – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Jamed Swan ayaa booqday caasimadda Puntland ee Garoowe maanta halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka, Siciid Cabdullahi Deni iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Boqashadaas waxa ay noqotay tii kowaad oo uu uga boxo Muqdisho tan iyo markii uu Soomaaliya yimi25-kii Juunyo si uu ula wareego waajibaadka SRSG-a iyo hoggaanka Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Waxa uu u doortay in Garowe noqoto meesha ka baxsan caasimadda Qaranka ee uu booqashada kowaad ku tagayo maadama ay Puntland la aas aasay 1998, taas oo ka dhigeysa Maamulka ugu faca weyn ee Soomaaliya. Hoggaamiyeyaasheeda waxa ay kaalin weyn ka ciyaareen horumarada socda ee nidaamka Federalka ee Soomaaliya.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan soo booqday Puntland kaddbna aan kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Dani iyo maamulkiisa. Waxaa sidaas yiri SRSG-ga. Waxaan quurdareyneynaa in aan si dhaw ula shaqeyno bulshada Puntand iyo maamulkeeda si aan si wanaagsan ugu fulino waajibaadka UNSOM iyo barnaamijyada hay’adaha QM, kuwaas oo ay ka mid yihiin daalada lagu taageerayo wadahadallo loo dhan yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.”

Mudane Swan waxa uu xusay ahmiyadda iyo baahida ay doobaleyso hawlaha kala duwan ee ay qoyska QM ka wadaan Puntland, kuwaas oo isugu jira kaalmada Arrimaha Gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee waqtiga dhexe iyo fog. Hawlgalada QM iyo hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada waxa ay ka taageereyeen mas’uiliyiinta Puntland sanado badan dhisidda awoodda hay’adaha,xoojinta sarreynta sharciga, sare u qaadidda horumarinta nolosha dadka, fududeynta dib u heshiisiinta iyo xallinta colaadaha, iyo sare u qaadidda dib u habeynta waaxda amniga  iyo xuquuqda aadanaha iyo kuwo kale.

Ergeyga Gaarka iyo Madaxweyne Deni waxa ay ka wadahadleen xiisadda taagan ee u dhexeysa “Somaliland iyo Puntland” ee la xiriirta gobolada Sool iyo Sanaag.

 “Waxaan ka walaacsanahay dhibaatada sii socota iyo dagaalada goos gooska ah ee ka dhacayey agagaarka Sool iyo Sanaag bilihii u dambeeyey,” waxaa sidaas yiri Mudane Swan. “waxaana ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland in ay raacaan dhabbe si nabad ah loogu xallinayo muranka”.

Mudane Swan waxaa booqashada ku weheliyey Agaasimaha Hay’adda Cunada Aduunka ee dalka Laurent Bukera iyo Madaxa Xafiiska Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada, Justin Brady. Waxa ay booqasho ku tageen xarunta mashuurca WFP halkaas oo beeraleyda deegaanka ay ku waraabinayeen birahooda iyada oo adeegsanaya kanaalka uu awoodda siiyo Soolarka, waxa uuna la kulmay shaqaalaha QM ee Garoowe ku sugan.