Madaxa Barnaamijka Deegaanka ee QM oo soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn ku sameeyo saameynta abaaraha ay ku yeesheen deegaanka

30 May 2017

Madaxa Barnaamijka Deegaanka ee QM oo soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn ku sameeyo saameynta abaaraha ay ku yeesheen deegaanka

Muqdisho – Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay, Mudane Erik Solheim, ayaa soo gaaray Soomaaliya si uu qiimeyn ku sameeyo xaaladda abaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen deegaanka iyo in uu kala hadlo dowladda cusub ee Soomaaliya taageerada hay’adda ku aaddan arrimaha deegaanka, oo ay ka mid tahay arrinta ganacsiga dhuxusha.

Mudane Solheim ayaa kulan la yeeshay madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare Xasan Khayre iyo Raysal Wasaare ku Xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guleed.

Wadahadalkooda waxaa ay diiradda ku saareen arrimo dhinacyo badan taabaneysa, sida taageerida howlaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aaddan badbaadinta deegaanka iyo adeegsiga tamarta la cusbooneysiin karo, si loo yareeyo saameeynta isbeddelka cimilooyinka.

“Deegaanka waa arrin muhiimad weyn u leh dowlad waliba, gaar ahaanna Soomaaliya sababtoo ah abaaraha, sida aan halkan ku aragnayba bilooyinka la soo dhaafay, waxaa ay la xiriiraan isbeddelka cimilooyinka,” ayuu Mudane Solheim ku sheegay shir saxaafadeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in haddii la joojiyo xaalufinta baahsan ee dhirta, ay faa’iido weyn u tahay dhaqaalaha Soomaaliya iyo ummadda Soomaaliyeed idil ahaanba.

“Waxaa sidoo kale aad muhiim ah,” ayuu carrabka ku adkeeyay Mudane Solheim, “in loo baahan yahay in laga faa’ideysto qorraxda iyo tamarta dabeysha ee Soomaliya, si loo dhaliyo tamarta la cusbooneysiin karo.”

Mowduuca kale muhiimka ah ee wadahadalka ay la yeesheen madaxda sare ee dowladda  waxaa ay tahay in haddii si wanaagsan loo isticmaalo biyaha iyo tamarta, ay kaalin mug weyn ka geysan karaan xasilloonida dalka, shaqo abuur iyo koboc dhaqaale.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mudane Michael Keating, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay maareynta kheyraadka dabiiciga ah, taas oo uu yiri in ay kaalin weyn ka geysan karto xallinta khilaafaadka, nabadda, xasilloonida iyo koboca dhaqaalaha.

“Loolanka loogu jiro kheyraadka dabiiciga ah, haddii aan la xaddidin, waxaa uu abuuri karaa khilaafaad iyo dagaallo hor leh, kuwaas uu sii siyaadin karo xasillooni darrada siyaasadeed,” ayuu xusay.

“Waxaa si weyn loo fahmay xiriirka u dhaxeeyo maamul xumida kheyraadka dabiiciga ah iyo khilaafaadka. Waxaa aan weli si fiican u caddeyn sida maamul wanaagga kheyraadka dabiiciga uu gacan ka geysan karo nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri Wakiilka Xoghayaha, Mudane Keating.

Mudane Solheim, oo soo afjarayey booqashadiidsa, ayaa ku boorriyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay arrinta badbaadinta deegaanka ay ku darto ajeendooyinkeeda ugu muhiimsan. Waxaa uu sidoo kale ballan qaaday in Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaanka uu gacan ka geysan doono badbaadinta kalluunka dalka, iyaga oo taageeri doono dadaallada lagu joojinayo kalluumeysiga sharci darrada ah ay maraakiibta caalamiga ah ka geystaan badda Soomaaliya.

Tani waxaa ay ahayd booqashada koowaad oo uu Mudane Solheim ku imid Soomaaliya, kaddib markii sanadka 2016 loo magacaabay Agaasimaha Fulinta ee Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay, oo fadhigiisu yahay Nairobi.