Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo la kulmay Duqa cusub ee Magaalada Muqdisho

7 May 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo la kulmay Duqa cusub ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho – 6 May 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) Nicholas Kay ayaa maanta xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kula kulmay Duqa magaalada Muqdisho oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab”.

Guddoomiyuhu wuxuu qeexay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa labada sanno ee soo socota. Dhankiisa, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu soo dhoweeyay inuu guddoomiyuhu diiradda saarayo maamul wanaagga iyo dimuqraadiyaynta. Labada mas’uul waxay isku afgarteen muhimadda ay leedahay xuquuqda aadanaha iyo in xal waara loo helo dadka barakacayaasha ee jooga magaalada Muqdisho.

“Haddii magaalada Muqdisho ayna helin horumar dhaqaale iyo mid bulsho, amaanka oo sare loo qaado iyo maamul wanaag, markaa waxaa adkaan doonta in dalka intiisa kale uu guuleysto”, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “In dalka la hirgeliyo nidaamka federaalka, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka iyo doorashooyin la qabto dhammaantoodu waa wax dhici kara in la gaaro sannadka 2016. Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Soomaaliya si loo gaaro yoolalkaas/ujeeddooyinkaas”, ayuu raaciyay.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sidoo kale ifiyay muhimadda ay leedahay in la horumariyo in haweenku ay ka qaybqaataan jagooyinka sarsare ee maamulka, wuxuuna garowsaday inay jiraan haween badan oo aqoon leh oo diyaar u ah inay xilalkaas qabtaan qaybna ka qaataan maamulka.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wadashaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Qaramada Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’antahay inay si intaa ka dhow u wadashaqeeyaan.