Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo

13 May 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo

Muqdisho – 12 May 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyey weerarki maanta ka dhacay Baydhabo kaas oo ay ka dhalatay dhimashada dad badan oo rayid ah iyo dhaawacyo in badan oo kale.

“Waxaan ka naxay oo aan ka murugooday weerarkii Baydhabo ee maanta. Waxaan ku boorrinayaa maamullada in ay dembiilayaasha si degdeg ah cadaaladda ku hor keenaan. Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageeridda dadka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda dadaalka ay ugu jiraan helidda mustaqbal nabad iyo deganaansho ku dheehantahay.”
Mudane Kay wuxuu tacsi kal iyo lab ah u diray qooysaskii iyo asaxaabtii dadkii lugu dilay weerarkii maanta wuxuuna u rajeeyey intii ku dhaawacantay soo kabasho degdeg ah.