Soomaaliya oo u dabaaldageysa Maalinta Caalamiga ah ee Hormarinta Ciyaaraha iyo Nabada

7 Apr 2017

Soomaaliya oo u dabaaldageysa Maalinta Caalamiga ah ee Hormarinta Ciyaaraha iyo Nabada

Boqolaal ka tirsan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku biiray dunida inteeda kale dabaaldega maalinta caalamiga ah ee hormarinta ciyaaraha iyo nabada, caasimada Soomaaliya ee Muqdishu, khamiistii.

Xaflad heer sare ah oo ay soo agaasimeen Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa lagu qabtay garoonka Banaadir iyadoo ay kasoo qeyb galeen dhalinyaro badan, wakiilo ka socday bulshada caalamka, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo saraakiil dowladeed.

Dhalinyaro ku labisan koofiyado dharka ciyaaraha ee kooxahooda iyo boorar ayaa ka qeyb qaatay socod looga dan lahaa baahinta muhiimada maalinta ciyaaraha oo lagu muujinayay awooda ciyaaraha ee sare u qaadida nabada iyo hormarka.

Meel dhowr kiilomitir u jirta halkaa, xarun ciyaaro oo ku taala degmada Shangaani ayaa waxa soo buux dhaafiyay dhalinyaro farxadeysan si ay u daawadaan ciyaar dhex mari doonta labada kooxeed ee Shaqaale1 iyo Shaqaale2. Ciyaarta waxa soo qabanqaabiyay Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo kaashaneysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo ururka maxaliga ah ee BARTA iyo UN-Habitat. Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo ku-xigeenka duqa Muqdishu ee dhanka Arimaah Bulshada Mudane Iimaan Nuur Iikar ayaa maamuusay labada dhacdo.

Isagoo ka hadlayay garoonka ciyaaraha ayuu mudane Iikar ku dhiiragaliyay dhalinyarada iney kor u qaadaaan ciyaaraha, isagoo yiri ciyaaraha ma lahan kaliya awooda mideynta iyo dhiirogalinta hormarka, sidoo kale waxay kor u qaadaan nabada iyo amaanka.

“Ciyaaraha muhiim bey u yihiin dhalinyarada arintanina waxay marqaati ka tahay in ciyaaraha ka dhacayaan magaalada Muqdishu, iyadoo lagu taageerayo nabada, hormarka iyo dhalinyarada. Markii aad dhex socoto magaalada galbihii waxaad ogaaneysaa in magaalada oo idil isku bedali rabto goobo ciyaaro,” ayuu yiri.

Ku xigeenka duqa ayaa sheegay in dadka degan magaalada iyo qeybaha kale ee dalka dhawaan bilaabi doonaan u riyaaqida faa,iidoyinka ciyaaraha – awoodiisa dhiirogalinta nabada iyo ka joojinta dhalinyarada rabshadaha xagjirnimada.

“Waxaan qabaa in ciyaaraha hubaashii caawin doonaan in magaalada kusoo laabato sidii caadiga aheyd,” ayuu yiri.

Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa iyadana xooga saartay in dowlada ka go,antahay hagaajinta nolasha dhalinyarada iyadoo loo marayo ciyaaraha.

“Tani waa fursadii dhalinyarada uga qeyb qaadan lahayeen xasiloonida iyo amaanka dalka, khaasatan amaanka iyo xasiloonida magaalada Muqdishu. Tani waa maalin taarikhi ah waxaana u mahadcelinayaa UN-Habitat iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo runtii dowr weyn ka ciyaaray arintan, ayay tiri Marwi Khadiijo.

Inta badan dhalinyaradii ka qeyb qaadatay munaasabada ayaa muujiyay jaceylkooda ciyaaraha iyagoo xusay faa,iidada wanaagsan ee u keeni karo dalka.

“Ciyaaraha ayaa saameyn weyn ku leh nabada. Qof kasta oo ka qeyb qaatay xafladan wuxuu saameyn doonaa maleeshiyaadka hubeysan kuwasoo bilaabi doona iney isweydiyaan sababta ay u hubeysanyihiin, maadama saaxiibadood ciyaarayaan kubada cagta isla markaana dabaaldegayaan. Waxan ugu baaqayaa dhalinyarada iney badalaan aragtidooda ayna xooga saaraan dadaalada ciyaaraha iyo nabada isla markaana lacag aruurin ugu sameeyaan dhibanayaasha abaaraha,” sidaa waxa yiri Maxamed Cabdisalaan Jaamac, 22 jir degan degmada Shangaani.

Cali Fiidow oo ah khabiir dhanka dhalinyarada ah lana  shaqeeya UN-Habibtat ayaa isna dhankiisa ku nuux nuuxsaday sida ay muhiimka u tahay helida iyo abuurida meelo caam ah isla markaana amaan ah si dhalinyarada ugu ciyaaraan, isagoo sheegay iney muhiim u tahay hormarka caafimaadka qof kasta oo da,yar ah. Maadaama arinta muhiim tahay faa,idana u leedahay dhalinyarada ayaa Xarunta Dhalinyarada Muqdishu waxay hubineysaa xaqiijinta meelo amaan iyo wax soo saar leh loo sameeyo dhalinyarada si ay u hormariyaan nolashooda isla markaana u ciyaaraan ciyaaraha. Inagoo kaashaneyna Maamulka Gobolka Banaadir waaxdiisa Ciyaaraha waxan si joogta ah u qabanaa ciyaaro looga tala galay dhalinyarada si ay uga haraan waxyaabaha dhibka badan ee la soo darsa nolashooda iyo iney ka haraan rabshadaha badanaa ku xeeran.”

Hadalka Cali waxa sidoo kale xusay Amran Maxamed Cali kana tirsan kasoo qeybgalayaasha, iyadoo ugu baaqday saaxiibadeed dhalinyarada ah iney ka qeyb qaataan ciyaaraha si dhab ah.

“Nabad la,aan ma jiri karto ciyaaro. Nabada waxay kor u qaadaa ciyaaraha. Ciyaaraha iyo nabada waxay leeyihiin waxa ka dhaxeeya iyagoo iska kaashada hormarinta nabada,” ayuu yiri Cali

Sanadkii 2013 Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday in 6 Abriil tahay Maalinta Caalamiga ah ee Hormarinta Ciyaaraha iyo Nabada, iyadoo laga dhigay maalin la xuso sanad waliba. Maalintan ayaa loogu talo galay in la isku keeno niyad samida iyo guulaha wanaagsan ee laga gaaray ciyaaraha. Waxaa loogu talo galay in lagu garto in ciyaaraha muhiim u yihiin isku xirka bulshada dhaqanka, kor u qaadida waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha iyo hormarinta bulshada.