Go’aan Qaadasho adag oo Kadhan ah Xadgudubka Laxiriiro Jinsiga

14 May 2014

Go’aan Qaadasho adag oo Kadhan ah Xadgudubka Laxiriiro Jinsiga

Muqdisho – Somalia - Iyadoo mudo badan la tacaalaysay xaalado ku saabsan xadgudubka jinsiga ayaa Soomaaliya waxay hada qaadaysaa talaabooyin la taaban karo oo ay kula dagaalameyso dhibaatadaas. Kadib 5 maalmood oo shir wadatashi ah Muqdisho uga socday ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay shaaca ka qaaday go’aanno adag oo ay kula tacaamulayso xadgudubka jinsiga ee faafay iyadoo taageero ka heleysa bahda caalamka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhow 800 oo kufis iyo shaqaaqada haweenka loo geysto magaalada Muqdisho kaliya lixda bilood ee ugu horeyso ee sanadka 2013, inkastoo tirada saxda ah ay intaa ka badan karto.

Muuqaalkan xun dartiis ayey Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha doneeysaa in ay bedesho. Mar ay ka hadlaysey xafladdi xiritaanka, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxay ku celcelisay ka go’onaanshaha dowladeeda ay ku habeyneyso qaab ay ku difaaceyso haweenka iyo gabdhaha ku nool cabsida kufsiga joogtada ah. “Kani waa kulan taariikhi ah oo ka qeyb qaadanaayo diyaarinta sharci adag oo lagula dagaalamo dhibaatada kufsiga,” ayey tiri.

In ka badan labaatan sano oo dagaal sokeeye ayaa hay’adihi booliska, garsoorka iyo caafimaadka ee wadanka la il daranaayeen agab la’aan iyagoon Karin in ay si dhameystiran u daweeyaan dhibanayaasha kufsiga. Arrimaha mudnaanta leh ee is dhinac socda, dhaqaalo yari joogto ah iyo awood farsamo oo aan ku filinayn ayaa uga sii dartay dhibaatada.

Caqabadahaan jira awgood ayuu madaxa koozda khubarada QM u qaabilsan Kudhaqanka Sharciga, Innocent Zahinda carrabka ku adkeysay in arrimaha jinsiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha mudnaanta la siiyo goor waliba. “Marka aad dib u dhisayso qaran, caqabadaha aad bey u badanyihiin, waxyaabaha mudnaanta la siinayana aad bey u badanyihin. Mana aha kaliya qeybtan, waxaa jira qeybta kaabayaasha dhaqaalaha, qeybta amniaga, qeybta waxbarashada, Soomaaliya waxay dooneysaa in ay dhisto dugsiyo, isbitaallo, caqabaduhu waa ay badanyihiin. Ayu yiri mudane Zahinda isagoo farta ku fiiqay maadaama haweenka wadankan ay yihiin 552% tirade dadka, inay mudanyihiin fiiro gaar ah in loo yeesho.

Dadaallada dowladda waxaa ku garab siinaayo beesha caalamka oo qeyb ka ah dadaalka cusub ee Soomaaliya lagu caawinaayo. Howlgalka Qaramda Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu dowladda isugu duba ridayaa caawimaad farsamo iyadoo diyaarineyso qorshe howleed.

“Waxaan kala shaqeyneynaa inaan siino taakuleyn farsamo, waxaan kala qeyb qaadaneynaa u doodidda arimaha tacadiyada jinsiga, colaadaha iyo xuquuqda aadanaha guud ahaan. Marka waxan siinaynaa caawimaad farsamo ah, habeynta siyaasadda, inaan ku taageerno heerka siyaasad u dajinta iyo sidoo kale waxaan hogaamineynaa beesha caalamka oo siin doonto qorshe howleedkaan qeybaha kale ee wasaaradda sida qeybta badbaadinta caruurta, xuquuqda aadanaha iyo qeybaha kale. Ayey tiri GhadaShawgi, la taliyaha sare, badbaadinta caruurta e UNSOM.

Sharci lagu dhaqmo, fikradaha dhaqanka dadka oo la badalo iyo wacyi gelin baaxad weyn oo dalka laga sameeyo ayaa lagu tilmaamay waxyaabaha ugu muhiisan oo dalka Soomaaliya looga dhaqaajin karo liiska hoose oo ay uga jirto dunida wadanka ugu daran ee haween ku noolaato.